28th March 2024  admin  Category :

Ciidamada Amniga oo soo afjaray weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik, kadib sagaal saac oo uu dagaal ka dhex socday hotelka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta la xaqiijiyay ay hotelka ku dhinteen 7 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka, iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal). Waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad shacab ah.

Dhaawaca ayaa lagu warramay inuu ka badan yahay 10 qof, inta la og yahay illaa hadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamadda ammaanka ay ugu dambayn toogteen dhammaan maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, oo gaarayey illaa afar.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawacuba uu kordhi karo, balse inta la xaqiijiyay ay hadda tahay tiradaasi.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi, kuwaa oo sideed saacadood ka dhex dagaalamayay.

Saraakiil iyo odayaal ka tirsan beesha Ceyr ee Habargidir ayaa markii uu weerarka dhacayey halkaas ku lahaa shir ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhegajuun.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka abaabulan ee lagu ekeeyay Hotel Afrik.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*