

Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraayo leh u dirayaan Qoyskii, ehelkii, qarabaddii iyo Asaxaabtii uu ka geeriyooday Allah ha u naxaiisee Baashe Xoosh Jibrill, oo ahaa Qareen Soomaalida Canada oo lagu dilay Dalka Turkiga ,Sida Booliiska Turkigu xaqiijiyeen, waxaana lagu dilay bartanaha magaalada Istanbul.
Baashe Xoosh, ayaa waxay walaalo ahaayeen Allah ha u naxariisee wasiirkii hore ee Dasuurka Sooaaliya Cabdiraxman Xoosh
Marxuum Baashe Xoosh , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.
Diyaaradda Ethiopian Airline oo markii ugu horeysaya CARGO ka qaaday Puntland
Qabyaaladeynu Duugnay…Dabadhilif
Musharax xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la qaatay bulshada qaybaheeda kala duwan ee degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hay’land.
Musharrax Libaaxe ayaa u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP169 ee hadda uu ku fadhiyo Xuldhibaan Jamaal, kaas oo laga soo doorto Degmada Dhahar ee gobolka Hayland.
In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay duufaan ku dhifatay lix gobol oo Mareykanka ah, gaar ahaan gobolka Kentucky, taas oo sidoo kale bur-burisay guryo iyo goobo ganacsi, sida ay Sabtidii sheegeen saraakiisha laga doorto gobolladaas.
Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen warshad shumaca sameysa oo ku taal galbeedka Kentucky, halkaas oo ilaa 110 qof ay ka shaqeynayeen markii duufaan xoog leh ay ku dhufatay goor dambe oo Jimcihii ah.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in 40 ka mid ah 110-ka shaqaale laga soo badbaadiyay warshadda ilaa hadda.
“Heerka burburku wuu ka duwan yahay wax kasta oo aan weligay arkay,” ayuu yiri Beshear isagoo ka hadlaya waxyeelada ay keentay duufaantan, oo ku socotay xawaare ka badan 227 mayl (365 km), sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amray in taageerada dowladda Federaalka loo kordhiyo gobollada ay waxyeelleysay duufaantan.
Gobollada Illinois, Tennessee, Missouri and Arkansas, iyo Mississippi ayay sidoo kale duufaantani ku dhishay dhowr qof oo kale.
Muxuu guddoomiye Cirro ka yiri eedeymaha mar kale loo jeediyay guddiga doorashada?
Dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in awooddeeda oo dhan ay isugu gayn doonto sidii loo joojin lahaa dagaal maalmo ka socday inta u dhaxaysa deegaannada Balanballe iyo Guriceel ee maamulkaasi.
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaallada deegaankaasi ka socda.
Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa BBC-da u sheegay in ay wadaan dedaallo ay ugu kala dhexgalayaan dhinacyada dagaallamaya, iyagoo ka digay inay gacan bir ah u adeegsan doonaan dhinacyadaasi haddii aanay xabbada joojin.
Dagaallada u dhaxeeya beelaha wada daga deegaannadaasi ayaa soo laablaabtay walow dhowr jeer oo hore la sheegay in xal laga gaaray.
Wasiir Axmed Falagle ayaan ka waraysannay faafaahinta dagaalka socda iyo goobaha uu ka socdaba?
Fallaagada Tigreega ee TPLF ayaa Jimcihii beenisay in magaalada Kombolcha ee waqooyiga Itoobiya ay ka bililiqeysteen kayd cunto ah oo loogu talagalay carruur ay nafaqo-xumo hayso.
Diidmadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric uu sheegay in hay’ada Cunada Aduunka ee WFP ay joojisay qaybinta raashinka kadib “bililiqo maalmihii la soo dhaafay loo geystay bakhaarro ku yaala Kombolcha, sida muuqatana ay geysteen qaar ka mid ah fallaagada Tigrayga iyo xubno ka tirsan dadka deegaanka”.
Wuxuu sheegay in la xaday “cunto aad u badan, oo ay ku jiraan waxyaabaha nafaqeynta ee carruurta ay hayso nafaqo-xumada”.
TPLF ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in arrimahaan ay yihiin “eedeymo aan sal iyo raad ahayn”.
TPLF ayaa dhanka kale “Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan WFP” ku eedaysay inay “ka gaabiyeen ama ka caga jiidayaan” qaybinta gargaarka bini’aadantinimo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa xaqiijiyay in shaqada Wasaaradda Gargaarka laga eryey 16 shaqaale oo ka tirsanaa Wasaaraddaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Gargaarka ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabashada shaqaale gaaraya 16 oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaasi oo uu xusay in sifo sharci darro ah shaqada looga eryey.
Cabdirashiid Maxamuud ayaa tilmaamay in tallaabada shaqada looga saaray16-ka xubnood ay baalmarsan tahay, kana horimaaneyso Amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda 26-kii bishii shanaad ee 2021, wxuuna intaas kusii daray in Natiijada baarista cabashada shaqaalaha ay la wadeen xafiisyada ay khuseyso.
Maalmo kahor ayey aheyd markii Qoraal kasoo baxay Agaasimeyaasha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka lagu sheegay inay been abuur tahay Eedeynta 16 shaqaale ka tirsan Wasaaradda u jeediyeen Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ku eedeeyey in ay si bareer ah uga jartay Mushaharkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen.
Shaqaalahaas oo ah lix iyo toban qof oo isku deegaan ka soo jeeda ayaa sida ay qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, Wasiirka wasaaraddana ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda.
Hoos ka Akhriso Qoraalka.