29th March 2024  admin  Category :

Dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in awooddeeda oo dhan ay isugu gayn doonto sidii loo joojin lahaa dagaal maalmo ka socday inta u dhaxaysa deegaannada Balanballe iyo Guriceel ee maamulkaasi.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaallada deegaankaasi ka socda.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa BBC-da u sheegay in ay wadaan dedaallo ay ugu kala dhexgalayaan dhinacyada dagaallamaya, iyagoo ka digay inay gacan bir ah u adeegsan doonaan dhinacyadaasi haddii aanay xabbada joojin.

Dagaallada u dhaxeeya beelaha wada daga deegaannadaasi ayaa soo laablaabtay walow dhowr jeer oo hore la sheegay in xal laga gaaray.

Wasiir Axmed Falagle ayaan ka waraysannay faafaahinta dagaalka socda iyo goobaha uu ka socdaba?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*