Kaalmaha Shiidaalka Boosaaso ayaa safaf dhaadheer waxa ugu jira shacabkii Boosaaso oo ka baxsanaya Xabbada Agaasimihii diiday xil ka qaadista

Kaalmaha Shiidaalka Boosaaso ayaa safaf dhaadheer waxa ugu jira shacabkii Boosaaso oo ka baxsanaya Xabbada Agaasimihii diiday xil ka qaadista
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Boosaaso- Weriye Maxamed Xasan Dhalo ayaa ka warramaya.
Siyaasiyiinta Beesha Majeerteen oo ku baaqay baaq nabadeed.
Dagaal Culus oo Saaka Kasoo Cusboonaaday Boosaaso
Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay xabbad-joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso oo tan iyo shalay dagaal uu ku dhexmaaya ciidamada maamulka iyo kuwa gaarka ah ee PSF.
Dagaalladan ayey ku dhinteen in ka badan 14 qof, iyo tobannaan kale oo ku dhaawacantay, waxaana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood. Xabbad joojinta waxaa ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso.
Haddaba ka hor inta uusan mamaulka Puntland ku dhowaaqin xabbad-joojinta, welina uusan dagaalku istaagin ayaa saaka Haaruun Macruuf uu khadka telefoonka ku waraystay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana ugu horrayn uu weydiiyey xaaladda xilligaas ee magaalada Boosaaso.
Kulankan ayaa labad dhex waxa ay ugaga wadahadleen sii xoojinta xiriirka iskaashi ee taariiqiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Mudane Cabdisiciid ayaa waxa uu heshiis is-afgarad ootaariikhi ah kula saxiixday magaalada Rome Mr.Minniti oo ka socday hay’ada fondazionemedor iyadoo uu heshiiskaas goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibbada Talyaaniga H.E Luigidimaio sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskan wasiirka waxbarashada xukuumada federalka Soomaaliya Cabdulaahi Carab.
Heshiiskan ayaa waxa uu ardayda Soomaaliyeed ay heli doonaan deeq waxbarasho oo heer caalami ah.
Shantii aroorninmo ee saaka ayaa mar kale magaalada Boosaaso waxay ku waabariistay dhawaqa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor yimid, waxaana dagaalkan oo intiisa badan ka dhacay xarunta Ciidamada PSF.
Xarunta PSF waxaa ku sugan Gen. Maxamuud Diyaano oo diiday xil k hore u diiday xilka qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayeen 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay muujiyeen xogaha ay VOA ka heshay goobaha caafimaadka.
Dad badan ayaa ilaa xalay ka bara kacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameyna ku yeesho nabadgelyadooda.
Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.
Waxaa jira baaqyo ay dirayaan Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Boosaaso.
Sida wararka Boosaaso ka imanaya ay sheegayaan, xalay ayaa ciidanka maamulka Puntland ay afduubteeyn labba nin oo ka mid ah ciidanka PSF, balse waxaa ka daba tagay ciidanka PSF oo ka soo furtay nimakii ay ciidanka Puntland afduubteeyn. Intaas kadib, waxaa ciidanka PSF u suurtagashay in labbadii nin ay dub u soo ceshtaan ayna soo qafaashaan labba ka mid ah ciidanka Puntland, waxeeyna PSF dhaawaceeyn askari ka mid ah ciidanka Puntland.
Si kastaba ha ahaato, hadeer oo ay durhurnimo ku dhawdahay ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas teel teel ah aaga la isku hor fadhiyey, waxaana dhici karta in tuurtuurka hadeer socdaa uu isku beddelo dagaal weeyn oo dhiig badan uu ku daato. Dagaalkan ayaa ahaa mid laga baaqsan karay, balse dadka Puntland waxeey eeda dusha uga tureen Deni oo la isku raacay inuu yahay qof aan ixtiraam u heeyn nidaamkii dhaqanka iyo isaga oo noqday qof aan aqoon in meel dhexe la isugu yimaado (Compormise).
Hadaba, Deni ayaa diiday waan-waantii ay soo jeediyeen odayaasha deegaanka, wuxuuna ka doorbiday in dagaal uu wax ku xaliyo. Waxaana moodaa in Deni ay ka maqantahay in Puntland ay tahay qabiilo isku tagay, balse aysan la mid aheeyn meeshii ay taagneed dawladdii Kacaanka sannadihii 80tameeyadii taas oo ka tallineeysay dhulka Soomaaliyeed oo idil, meesha dadkuna ay ahaayeen kuwo aan hubeeysneen.
Hadaba, cid kasta oo ku dhimata ama ku dhaawacanta dagaalka uu Deni durbaanka u garaacayo ayaa mas’uuliyadeeda oo idil waxaa qaadanaya isaga. Shacabka Puntland waxeey ku soo caano maalleen in la dhageeysto odyaasha dhaqanka, balse maanta Deni waxa uu meesha ka saaray taas.
Maanta Puntland ma jiro marjac loo noqdo oo kala saaraya cidda is qabata. Baarlamaanka Puntland isaguna waa mid sharaftiisa iibsaday oo aan wax qiimo ah laheeyn, balse ayba dhaami laheeyd in Puntland ay ahaato meel aan baarlamaan ka jirin. Dagaalka hadeer billowdayna, waxa uu aakhirka ku soo ururi doonaa in beesha Cismaan Maxamuud dhexdeeda ay is u gaarsato.
Bulshada Gobolka Bakool ayaa Gaajadu u gaysay inay cunaan Xoolo dhintay
Maalmo ka dib, markii lacag tiro badan lagu kharash gareeyey Shirkii Heritage ee Jabuuti iyo sanadguuraddii Lafta gareen ee Baydhao ayaa qaar ka mid ah Bulshada gobolka Bakool waxay gaajadada iyo abaarta haystaa u gaystay inay cunaan Xool dhintay, ahna hanbaddii Habar dugaagta.
Daawashada Muuqaalku waa naxdin, waa kuu digaynaa
Viewer Discretion is Advised.very sad news.
— Baidoa Online (@BaidoaU) December 20, 2021
People in Bakool region have started eating remains of dead animals to survive due to Worst drought in the area while their president celebrates & spends $250K for 1 night celebrations just to publicize his 3 years stay in office. pic.twitter.com/hlpicDSnar
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska,Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) oo ka jaawabay eedeemaha loo jeediyay Raysal wasaare rooble.