De
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa ka hadlay xaaladda Boosaaso ayaa ballan-qaaday in dowladdu aqbalayso xalka nabadda Boosaaso, xabad dambe aysan dhici doonin.
De
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa ka hadlay xaaladda Boosaaso ayaa ballan-qaaday in dowladdu aqbalayso xalka nabadda Boosaaso, xabad dambe aysan dhici doonin.
Qoyska Ikraan Tahliil ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ugaga hadleen mowqifkooda ku aadan Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida 21kii November 2021,waxana ay sheegeen in xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada uusan awood u lahayn inuu xiro dacwad ka furan maxkamad.
Qoyska Ikraan;”Awood Uma Lahan Xeer Ilaaliyaha Inuu Xiro Kiis Ka Furan Maxkamad”
Qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in kiiska Ikraan Tahlil uusan weli duugmin oo ay u taagan yihiin sidii caddaalad ay ugu heli lahaayeen.
Waxa ay ehelka Ikraan Tahliil ay sheegeen in aysan ku qancin hadalka Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee soo baxay 21kii November 2021.
Dowladda Hoose ee degmada Bosaaso oo Cunooyin iyo biyo u qaybisay dadkii ka barakacay magaalada Bosaaso.
Guddiga Hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay qabashada doorashada lix kursi iyo jadwalkooda oo ah xilliga la qabanayo.
Kuraasta ay Jubbaland doorashadooda qabaneysa oo ah kuwii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa waxaa kujira laba dumar ah, waxaana lixda kursi ay kala yihiin.
1: HOP 082 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xamza Sheekh Xuseen Colow
2: HOP 108 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Cumar
3: HOP 113 oo ay ku fadhido Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac
4: HOP 134 oo ay ku fadhido Sahra Jaamac Cali (Qorsheel)
5: HOP 203 oo ay hadda ku fadhido Sahra Xaaji Xuseen Cali
6: HOP 217 oo uu ku fadhiyo Xasan Cabdi Cismaaciil ( Xasan Yare)
Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in diiwaangelinta Musharrixiinta lixda kursi ay bilaaban doonto 27 Bishaan halka doorashada lixda kursi ee Golaha Shacabka ay dhici doonto 28 Bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota.
Maamulka Jubbalamd ayaa noqon doona Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.
Ra’iisul Wasaaraha Xumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.
Ciidanka PSF intii ay jireen waxaa Puntland soo maray madaxeeynayaal kala duwan, waxaana madaxweeyne kasta uu kaga tagey iyaga oo meeshooda jooga. Hadaba ciidanka PSF ayaa ah ciidan ay maalgeliyaan dawladda Mareeykanka, waana kuwo ka madaxbannaan ciidanka kale ee hoos taga Puntland.
Dalka Soomaaliya waxaa ka jira ciidamo kale oo ay samaysteen dawladdo shisheeye. Guud ahaan dalka Soomaaliya oo idil, waxaa habboon in laga suuliyo ciidan kasta oo ay leeyihiin dawladdo shisheeye. Hadii dawladdaha shisheeye ay doonayaan in ay caawiyaan ciidanka Soomaaliyeed, waa in ay caawiyaan ciidanka qaranka ee heer federaal, balse waa in aan marna la aqbalin ciidan dawlad gaar ah ay leedahay in ay ka dhisnaadaan dalka Soomaaliya.
Hadaba dariiqa uu u maray Madaxweeynaha Puntland, siciid Deni in uu ku beddelo taliyaha ciidanka PSF ayaa ah mid su’aal badan ay ka taagan tahay. Deni marna ma aheeyn qorshahiisa in ciidankaas PSF laga soo wareejiyo gacanta dawladda Mareeykanka, lagana dhigo ciidan ka mid ah ciidanka maamulka Puntland. Sidoo kale, qorshahiisa ma’aheeyn in uu magacaabo taliyahe aan ka soo jeedin beesha Cismaan maxamuud si isbeddel uu ugu sameeyo.
Balse waxa uu is tusay oo kaliya in doorashada baarlamaanka ee ka dhaceeysa Boosaaso uusan saameeyn ku yeelan karin hadii uusan ka takhallusin taliyaha oo wallaalkiis uu yahay shaqsi xiriir dhaw la leh Madaxeeyne Farmaajo. Hadii Deni uu gacanta ku dhigi lahaa PSF, waxeey taas uga dhignaan laheed inuusan ka baqin cid caqabad ku ah ama is waali karta inta doorashada ay dhaceeyso. Waxaana Siciid Deni u qorsheesan inuu xubno badan oo ka mid ah baarlamaanka dawladda federaalka iyo kuwa kale ee u sharaxan ee aan baarlamaanka ka tirsanneen, balse taageersan Farmaajo in uu ka takhlluso, waana sababta uu u doonayo in ciidanka oo dhan uu hoostiisa keeno.
Waxaan la soconaa in Deni uu dariiq dheer uu u soo mary xil ka qaadista taliyaha PSF. Waxaa ka horeeyey in uu beddelay dhammaan taliyayaashii kale ee ciidanka si loo yiraahdo talliyayaashii kale oo dhan waa la beddelay maxaa ku jaban in la beddelo taliyaha PSF, PSFna waxeey aheed meesha loo socday ee talliyayaasha kale oo dhan looga dhigtay raad gadashada.
Hadii taliyaha PSF uu diiday in xilka laga qaado, waxeey aheed in Deni uu u maro dariiqooyin kale, balse Soomaalida waxeey tiraahdaa “Qof meel ay u caddahay, meel kale ka madoow.” Deni waxa u cad oo kaliya in ciidanka PSF uu gacanta ku dhigo, mana kala jecla burburka magaalada Boosaaso, dhimashada, dhaawaca, qaxa, iyo dadka nolol maalmeedkooda weeynaya.
Gabagabada ayaa ah in Soomaaliya aan looga baahneeyn ciidamo dawladdo shisheeye ay maalgashtaan iyo kuwo shaqsiyaad ay leeyihiin. Sidoo kale, looma baahna in la qaado dariiqa uu Siciid Deni uu qaaday ee ku dhisan dannaha shaqsiga ah.
Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.
“Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahad celiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirradda Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxamed Aadan Macallim iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan.
Beesha Cismaan Maxamuud ee hadda Puntland xukuntaa ma horseedi doonaan burburka Puntland SIDA BURBURKII BILABMAY 1969
Dhamaadkii sanadkii 1969, markii la dilay Allah ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa isla habeenkiiba sheegtay inuu Soomaaliya madaxweyne ka yahay Allah ha u naxariistee Muuse Boqor oo ka soo jeeday beesha madaxweynaha geeriyooday. Ma jirin siyaasiyiinta kale ee Soomaliyeed iyo kuwa Daarood ah oo arintan wax ka ogaa.
Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare ayaa markii uu maqlay waxa socda iyo Boqortooyo la doonayo in la samaysto , waxa uu ku dhiiraday inuu Inqilaab ka sameeyo dalka . Sidaasna ay ku dhamaaato Dimoqraadiyaddii curdinka ahayd ee Soomaaliya ka dhalatay ee aan weli qaan gaarin. Waxa xigay waa lixdan sano oo kale oo dil, barakac, gaajo, dagaalo sokeeye, urur diimeedyo iyo maamul goboleedyo.
Maanta maamulka Puntland waxa Hogaamiye ka ah Siyaasi ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud ee Majeerteen, oo la doortay sidii Cabdirashiid, waxa xukunka ku haysta waa Isimkiisii Boqor Burhaan iyo taliyaal ay isku beel yihiin. Boqor Burhaan iyo Taliyashiisu siddii Muuse Boqor ma sheegan inay madaxweyne Puntland ka yihiin oo qura ee iyagu waxay isticmaaleen Qori caaraddii xoog wax ku raadin . Shacabkii ay la noolaayeen waxay ku beereen cabsi, duqayn iyo argagax si ay ugu fududaato gor gortanka siyaasadeed ay helayaan marka iyaga iyo dawladda la dhex galo.
Maamulka Puntlanlad maaha Jamhuuriyaddii Dimoqradiga Soomaaliya ee jirtay 1969, taas oo lahayd ciidan u fududeeyey Siyaad Bare inuu Inqilaab sameeyo. Laakiinse waa maamul ay Beelo wada dhashay wada samaysteen oo leh Isimo markay cakiran tahay bad baadiya.
Maanta Isimada Majeerteen ee reer Bariga ah intooda badan waxay ka mushahaar qaataan ha’yadda Boqor Burhan iyo ilmo diyaano, waxayna la safteen iyaga . Sidoo kale Isimada Maxamuud Saleebaan siyaasad ayeey ku kala tageen dhowr sano ka hor oo waa kala maqan yihiin, oo iyaga ayaa u baahan in la dhex galo oo la walaaleeyo.
Suldaanka Beesha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan cabdisalaam waa Isimka keliya ee beelaha Harti iyo maamulka Puntlandba ay ku kalsoon yihiin oo ay u arkaan dhex dhexaad. Sidaas awgeed Puntland inqilaab ka dhici maayo sidii 1969 oo waxa arintaa u taagan inuu xaliyo oo soo afjaro Suldaanka. Maaha markii uu ugu horaysay ee Suldaanku badbaadiyo Puntland, mar hore ayuu dhex dhexadiyey allah ha u wada naxariistee madaxweynayaashii hore ee Puntland Cade Muuse Boqor iyo Cabdulaahi Yuusuf. Khilaafkooduna wuxuu ahaa mid la mid ah kan maanta taagan iyo kiI 1969.
Ugu danbayntii, waxaad had iyo jeer maqashaan Soomaalidu waa dad ganacsiga ku fiican, wax walba waa ku fiican yihiin hase ahatee waa dad aan is maamuli karin, sababtu waa Deni, Boqor Burhan , khayre, ilma diyaano oo xukunka isku haysta intuba hal beel ayeey ka soo wada jeedaan, kumana maamuli karaan heer maamul iyo mid Federaalba adigana dhimashay ka xigaan inaad maamusho, Tusaale maanta haddii aan u soo qaadano Ciidamada PSF,haddii ay ahaan lahaayeen beelaha Puntland ka wada samaystay, reer Boosaaso laguma cabsi geliyeen waa idin gubaynaa haddii aydan na taageerin., Ama madfac laguma garaaceen si umaddu u wada qayliso oo loo helo wada hadal , taasina ay ku doonayaan in awood kale oo siyaado ah helaan
ALLSANMAAG.COM
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in qabsoomidda doorashadu ay tahay xalka kaliya ee dalku uga bixi karo xaaladda adag, isagoo hay’adaha amnigana faray in ay ammaanka dalka sugaan.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in qabsoomidda doorashadu ay tahay xalka kaliya ee dalku uga bixi karo xaaladda adag, isagoo hay’adaha amnigana faray in ay ammaanka dalka sugaan. pic.twitter.com/Qs0k0dQQMn
— SomaliPM (@SomaliPM) December 23, 2021
Shan caruur ah oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday duqaynta Boosaaso.
Siidoow Saciid, Allah samir iyo iimaan ha ka siiyee, ayaa shan caruur ah uu dhalay waxa dilay madfac ku soo dhacay gurigii ay kaga noolaayeen degmada Boosaaso.
Siidoow ayaa ka mid ahaa dadkii u soo shaqo tegay dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Sadexddii habeen ee ugu danbaysay ayaa magaalada Boosaaso waxa ka socday dagaal ay sabatiisu ahayd Agaasime diiday inuu xilka ka dego