26th April 2024  admin  Category :

Ciidanka PSF intii ay jireen waxaa Puntland soo maray madaxeeynayaal kala duwan, waxaana madaxweeyne kasta uu kaga tagey iyaga oo meeshooda jooga. Hadaba ciidanka PSF ayaa ah ciidan ay maalgeliyaan dawladda Mareeykanka, waana kuwo ka madaxbannaan ciidanka kale ee hoos taga Puntland.

Dalka Soomaaliya waxaa ka jira ciidamo kale oo ay samaysteen dawladdo shisheeye. Guud ahaan dalka Soomaaliya oo idil, waxaa habboon in laga suuliyo ciidan kasta oo ay leeyihiin dawladdo shisheeye. Hadii dawladdaha shisheeye ay doonayaan in ay caawiyaan ciidanka Soomaaliyeed, waa in ay caawiyaan ciidanka qaranka ee heer federaal, balse waa in aan marna la aqbalin ciidan dawlad gaar ah ay leedahay in ay ka dhisnaadaan dalka Soomaaliya.

Hadaba dariiqa uu u maray Madaxweeynaha Puntland, siciid Deni in uu ku beddelo taliyaha ciidanka PSF ayaa ah mid su’aal badan ay ka taagan tahay. Deni marna ma aheeyn qorshahiisa in ciidankaas PSF laga soo wareejiyo gacanta dawladda Mareeykanka, lagana dhigo ciidan ka mid ah ciidanka maamulka Puntland. Sidoo kale, qorshahiisa ma’aheeyn in uu magacaabo taliyahe aan ka soo jeedin beesha Cismaan maxamuud si isbeddel uu ugu sameeyo.

Balse waxa uu is tusay oo kaliya in doorashada baarlamaanka ee ka dhaceeysa Boosaaso uusan saameeyn ku yeelan karin hadii uusan ka takhallusin taliyaha oo wallaalkiis uu yahay shaqsi xiriir dhaw la leh Madaxeeyne Farmaajo. Hadii Deni uu gacanta ku dhigi lahaa PSF, waxeey taas uga dhignaan laheed inuusan ka baqin cid caqabad ku ah ama is waali karta inta doorashada ay dhaceeyso. Waxaana Siciid Deni u qorsheesan inuu xubno badan oo ka mid ah baarlamaanka dawladda federaalka iyo kuwa kale ee u sharaxan ee aan baarlamaanka ka tirsanneen, balse taageersan Farmaajo in uu ka takhlluso, waana sababta uu u doonayo in ciidanka oo dhan uu hoostiisa keeno.

Waxaan la soconaa in Deni uu dariiq dheer uu u soo mary xil ka qaadista taliyaha PSF. Waxaa ka horeeyey in uu beddelay dhammaan taliyayaashii kale ee ciidanka si loo yiraahdo talliyayaashii kale oo dhan waa la beddelay maxaa ku jaban in la beddelo taliyaha PSF, PSFna waxeey aheed meesha loo socday ee talliyayaasha kale oo dhan looga dhigtay raad gadashada.

Hadii taliyaha PSF uu diiday in xilka laga qaado, waxeey aheed in Deni uu u maro dariiqooyin kale, balse Soomaalida waxeey tiraahdaa “Qof meel ay u caddahay, meel kale ka madoow.” Deni waxa u cad oo kaliya in ciidanka PSF uu gacanta ku dhigo, mana kala jecla burburka magaalada Boosaaso, dhimashada, dhaawaca, qaxa, iyo dadka nolol maalmeedkooda weeynaya.

Gabagabada ayaa ah in Soomaaliya aan looga baahneeyn ciidamo dawladdo shisheeye ay maalgashtaan iyo kuwo shaqsiyaad ay leeyihiin. Sidoo kale, looma baahna in la qaado dariiqa uu Siciid Deni uu qaaday ee ku dhisan dannaha shaqsiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*