Madaxweynaha Puntland iyo James Swan oo ka wada hadlay dardargalinta Doorashada

Madaxweynaha Puntland iyo James Swan oo ka wada hadlay dardargalinta Doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ay siiso Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay muhiimada ay leedahay in ay sii dardargeliyaan doorkooda ku aadan Doorashada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga Ee Dowladda Talyaaniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga Ee Dowladda Talyaaniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga Mudane Luca Maestripieri, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee labada dal.

Agaasimaha ayaa la wadaagay Wasiirka aragtiyo ku aaddan istaraatiijiyadda horumarineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga tilmaamay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahmiyadda Dowladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.

Soomaali xil sare looga magcaabay Maraykanka

Hamse M. Warfa oo madaxweynaha Maraykanku u magacaabay lataliye sare oo

Madaxweynaha Marekanka, Joe Biden ayaa Xamse Warfa oo Soomaali ah u magacaabay La-taliyaha Amniga Rayidka, Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul insaanka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Markiiba waxaa lagu sheegay inuu noqonayo qofkii u horreeyay ee Soomaali ah ee la-taliye ka noqonaya wasaaradda Arrimaha Dibadda Marekanka.

Wuxuu horey u ahaa soogalootiga ugu sarreeya Afrikaan ah ee noqda ku-xigeenka waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha gobalka Minnesota.Hamse Warfa , Allaha kugu asturo, shaqada cusub ee aad qabanaysid.

Dab khasaaro xoogan geystay oo ka kacay Magaalada New York.Dab khasaaro xoogan geystay oo ka kacay Magaalada New York.

Dab khasaaro xoogan geystay oo ka kacay Magaalada New York.

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa sheegay in 32 ruux oo la dhigay isbitaal,dhowr ka mid ah ay aad u liidato xaaladdooda caafimaad.

, Madaxa waaxda dab-damiska Daniel Nigro ayaa sheegay inay heleen dhibanayaal ku sugnaa qolal ka mid ah  19-ka dabaq, wuxuuna intaa raaciyay in dhimashadu ay tahay tii ugu darneyd ee lagu arko New York muddo 30 sano ah.

Dabka ayaa ka kacay qolal ku yaalla dabaqa labaad iyo kan saddexaad ee dhismaha Bronx abbaarihii 16:00 GMT.