Maxay tahay ahmiyadda ay dekedda Saylac u leedahay Itoobiya?

Maxay tahay ahmiyadda ay dekedda Saylac u leedahay Itoobiya?

Magaalada Seylac waxay ka mid tahay magaalooyiinka qadiimiga ah ee leh taariikhaha fog.

Magaaladan ayaa ah magaalo xeebeed ku taalla goob istaraatiji ah .

Seylac ayaa ku taalla gobolka awdal ee jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Hadaba waxaa muddooyiinkii u dambeeyay soo baxayay warar sheegayay in xukuumadda Soomaliland iyo Itoobiya ay ka wadahadleen sidii ay Itoobiya u adeegsan lahayd dekadda magaaladaasi

Dhawaan waxaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaran oo uu hogaaminayay.

Balse waxa ay xukuumadda somaliland beenisay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in ay labada dhinac ka wadahadleen arrinta magaalada Selac.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somailand, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka jawaabayay su’aal ahayd in wada hadallada ay ka mid yihiin arrinta dekeda Seylac ayuu wasiirka iska fogeeyay arrinkaas , “Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ayayna ka timid markii hore”.

Muhimad intee dhan ayay leedahay Seylac

Bari iyo waqooyi waxaay Saylac la wadaagtaa gacanka Cadmeed, galbeed waxaa ka xiga wadanka Jabuuti, magaalada Borama waxay dhacdaa 243.3 kilomitir koonfur-bari, halka magaalada Berbera u jirto 270 km bariga magaalada Seylac.

Magaalada qadiimiga ah ee Harar waxay u jirtaa 320 km waxayna kaga beegan tahay dhanka galbeedka.

Magaaladan waxay leedahay taariikh fac wayn oo soo taxnaa sanado badan sida ay taariikhyahanada sheegaan.

Cabdisalaan Cabdi oo ka mid ah dadka ka faaloda arrimaha geeska Afrika ayaa ku tilmaamay magaalada Seylac in ay tahay magaalo ilbaxnimo fog leh islamarkana taariikho badan laga qoray.

Waxaa uu sido kale sheegay in magalada Seylac ay ka mid ahayd meelihii uu booqday qoraagii caanka ahaa ee Ibn Battuta.

“Magaaladaasi markii uu tagay ibnu Batuuta oo ahaa nin safar badnaa waxa uu ku tilmaamay dadkeeda dad Barbar ah marka Barbar la raadiyay luuqada Carabigana waa dad aan carabna ahayn Afrikana ahayn,” ayuu yiri Mudane Cabdisalaan .

Waxaa uu intaa ku daray in Ibnu Batuuta uu xiligii uu Seylac booqanayay ku tilmaamay in ay ahayd magaalo wayn oo leh suuq wayn.

Cabdisalaan Cabdi ayaa waxaa uu dhanka kale sheegay in dekadda magaalada seylac ay ka mid tahay dekadaha ugu qadimisan islamarkana ugu faca wayn.

“Dekadda seylac waxay ka mid tahay dekadaha ugu qadiimisan caalamka ayay ka mid tahay,” ayu yiri Cabdisalaan.

Booqashii Muuse biixi ee Itoobiya
Qoraalka sawirka,Booqashii Muuse biixi ee Itoobiya

Maxay Itoobiya xoogga u saareysaa dekadda Seylac?

Falanqeeye Cabdisalaan ayaa sheegay in loolanka dekadaha uusan ahayn mid hadda bilaabmay islamarkana cid waliba ay ku baraarugsan tahay ahmiyadda dekadaha.

Waxaa uu intaa ku daray in tirada shacabka Itoobiya ay marba marka ka dambeysay ay sii kordheyso islamarkana ay itoobiya aragto muhiimada ay leedahay in dalka dekad loo helo.

Cabdisalaan Cabdi ayaa farta ku fiiqay in sababta ay Itoobiya isha ugu hayso dekadda Seylac ay tahay in ay tahay meesha ugu dhaw ee ay dekad ka heli karto.

“Sababta ay insha ugu hayso waxaa weeye waa marka kowaade waa dariskeeda haddii dowlad ahaan la dhahana waa meesha dowlad ahaan ugu dhaw,” ayuu yiri.

Cabdisalaan ayaa dhanka kale xusay in dekadda Berbera ay Itoobiya u tahay qorshaha labaad marka laga so tago dekadda dalka Jabuuti.

“Indhaha ayay ku haysaa (Itoobiya) waxayna jeceshahay in ay ka dhigato sida ay sheegaan dadka wax falanqeeya Plan B oo haddii barito ka maalin uu jidkaasi Jabuuti uu xirmo amaba ay dowladda Jabuuti ay si uun isu af-dhaafaan,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Itoobiya ay cashar ka baratay dagaalkii ka dhacay dalkaasi ka dib markii ay jabhadda TPLF isku dayeen in ay xiraan waddada isku xirta Jabuti iyo Itoobiya taasi oo dalkaasi oo dhan ku ahayd halis.

“Mucaaradka waxay xilligaas isku dayeen in ay jidka xiraan sababtana waxay ahayd in ay isku dayayeen in gabi ahaanba dhexda lagu dhufto tareenka ka imanaya Jabuuti markaas dowladii meel ay wax u soo maaan ma laha marka tan berbera kali ah iskuma haleynayaan marka juquraafi ahaan Seylac ayaan u dhaw waana meel uusna kharash badan kaga baxay,” ayuu inta ku daray

BBC

Abiy Ahmed oo gaaray Jigjiga

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku tagay caasimada dowlad deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga.

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa ballan qaaday in dowlada faderaalka Ethiopia ay kaalinteeda ka qaadan doonto wax ka qabashada abaarta ka jirta gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Norway oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Norway oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal.

Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Aqoonsi La’aanta Maxaa Noogu Wacan?

Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa raadinaya in ay ka go’aan dalka Soomaaliya intiisa kale. Hase ahaatee, ma jiro hal dal oo xiisa badan u qaba goosashada beeshan. Hadaba, waxaa jira shaqsiyaad ka mid ah maamulka Hargeeysa oo leh “waxaa noogu wacan aqoonsi la’aanta waa Islaamnimadda, meesha qaar kallana ay leeyihiin aqoonsi la’aanta waxaa noogu wacan waa magaca SOOMAALILAND ee waa in la baddelaa magacaas. Si kastaba ha ahaato, Ca/maalik Coldoon ayaa maamulka Hargeeysa ay xirreen kadib markii uu fashiliyey in iskuulada qaarkood lagu dhigo diinta masiixiga.

https://youtu.be/S3gYUPO-1-4

Waa kuma Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya?

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana la badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo bishii July, 2018 oo madaxweynihii hore, Donald Trump u soo magacaabay.

Safiirka cusub, wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti. Larry Edward André, Jr ayaa Jabuuti loo diray horraantii sannadkii 2017-kii.

Haddaba Waa kuma?

Larry Edward André, Jr, waa sarkaal sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Dalalka horey loogu diray waxaa ka mid ah Jabuuti oo hadda laga soo bedelay iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, sannadkii 2014-kii illaa 2017-kii. Sidoo kale wuxuu ahaa wakiilkii gaarka ah ee Sudan iyo South Sudan u qaabilsanaa Mareykanka. Wuxuu ku xigeen ka noqday xafiiska Mareykanka ee Afrika.XAYEYSIINhttps://47f7dc96b4f630a7d8398f2f23ca26a8.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.

Larry Edward André, Jr, Wuxuu dhashay sannadkii 1961. Shahaadada koobaad ee jaamacadda wuxuu 1983, ka qaatay Machadka Claremont McKenna ee California.

Sannadkii 1988-dii ayuu qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda, oo culuumta Siyaasadda uu ka bartay Machadka Maamulka iyo Maareynta Caalamiga ah ee Arizona.

Markii ugu horreysay ee Afrika uu yimid waxay sannadkii 1983-dii, wuxuuna si bilaash ah ugu shaqeynayay hay’ad. Wuxuu qaaradda ku sugnaa illaa 1985.

Ka dib markii Jaamacadda uu ka soo qalinjebiyay wuxuu André ku soo noqday Afrika, wuxuuna ka shaqeynayay mashruuca dib u dejinta qaxootiga, intii u dhexeysay 1988 illaa 1990.

Safiirka hadda la bedelayo Donald Yamamoto iyo Madaxweyne Farmaajo
Qoraalka sawirka,Safiirka hadda la bedelayo Donald Yamamoto iyo Madaxweyne Farmaajo

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu ku biiray 1990-kii, wuxuuna ka howlgalay Nigeria (1990-1992), Cameroon (1992-1994), iyo Aasiya oo uu ka soo shaqeeyay Bangladesh (1994-1998).

Ka dib markii la dallacsiiyay, wuxuu madaxa maamulka ka noqday Safaaradda Mareykanka ee dalka Guinea, laga soo billaabo 1998 illaa 2000; ka dib wuxuu noqday sarkaalkii dhanka Bay’ada iyo deegaanka ee bariga Afrika, wuxuuna fadhigiisu ahaa magaalada Addis Ababa.

Wuxuu xilligaas qaabilsanaa illaa 14 dal oo Bariga iyo bartamaha Afrika ah, wuxuuna shaqadaa hayay 2000 illaa 2002. Wuxuu sidoo kale noqday ku xigeenka madaxa howlgallada Safaaradda Mareykanka ee Sierra Leone, 2002 illaa 2004.

Sannadkii 2004 illaa 2006, wuxuu Larry Edward André, Jr, ku noqday magaalada Washington DC, wuxuuna ahaa ku xigeenka agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsanaa Galbeedka Afrika. Wuxuuna muudo kooban ka soo shaqeeyay dalka Ciraaq, sannadkii 2005.

Markii uu Afrika ku soo noqday, waxaa laga dhigay qunsulkii safaaradda Mareykanka ee Nairobi, 2006 illaa 2008. Ka dib ayaa loo diray saraafadda Tanzania oo uu ka ahaa ku xigeenka madaxa howlgallada, 2008 illaa 2010.

Haddana Markale ayaa dib loogu celiyay Washington, Larry Edward André, Jr, oo la dallacsiiyay waxaa laga dhigay ku xigeenkii madaxa Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykanka, 2010 illaa 2011.

Wuxuu ka dib noqday ku simihii iyo agaasimihii xafiiska wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Sudan iyo South Sudan, 2011 illaa 2013.

André wuxuu guursaday Salma Rahman, oo iyadana arrimaha caalamka uga shaqeysa Dowladda Mareykanka, waxayna isu dhaleen, Ruhiyyih Rahman André.

Beesha Isaaq: Soomaali uma baahnin

Beesha Isaaq oo joojineysa’ AF Soomaaliga iyo wada-hadalladi dowladda federaalka

Beesha Isaaq ayaa sheegtay inay joojin doonto wada-hadallada kala dhexeeya Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay inaanay madaxda Soomaaliya diyaar u ahayn inay midho dhalaan wada-hadalladu.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee jabhadda SNM. Ciise Kayd Maxamud ayaa wareysi uu siiyey VOA kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ethiopia, dekedda Zaylac, Xiriirka Taiwan iyo Somaliland iyo dooddii dhawaan uu Baarlamanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.