Farmaajo iyo Federaalku waa ku saxan yihiin

M. Farmaajo iyo Federaalku waa ku saxsan yihiin inay Ciidan u diraan maamulka Hirshabelle.

Maamulka Hirshabeelee oo Alshabaaku go’doomiyeen, iyaga oo afarta jihoba ka qabsaday, si xor ahna u jooga magaalooyinka waaweyn ee Maamulka Hirshabelle, oo maantoo ugu danbaysana ka qabsadeen dabna saareen Tuulada Mukaydheere ee ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa dawladda Federaalka dhowaan waxay ka codsadeen inay ciidan u soo diraan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa sheegay inay iyagu dalbadeen ciidamada gobolka Hiiraan la geeyay, isagoo sheegay ujeedada laga leeyahay in ay tahay in ay dib ufuraan waddooyinka Shabaabku go’doomiyeen ee soo gala gobolka Hiiraan.

Fariintan ay maamulka sare Hirshabelle direen ayaa waxa si dhakhso ah uga jawaabay madaxweyne Farmaajo iyo Federaalka, wuxuuna u soo diray ciidan suga amniga maamulkaas oo xitaa madaxweynuhu iman karin nagaalada Beledweyn.

Dastuurka iyo sharciga Soomaaliya sidaan u fahmay waxa dagaal iclaamin kara oo qura Baarlamaanka, hase ahaatee madaxweynhu isaga oo tixgelinaya dhowrkan arimood ayuu ciidanka ugu diray maamulkaas:

1-Maamulka oo ka codsaday in Ciidan loo soo diro;

2- Inuu xoojinayo Federaalka;

3- Inuu ilaalinayo xaquuqda dadka laga tirada badan yahay sida beesha Shiidle ee Jareer weyn oo ku dulman alshabaab iyo beelaha Hawiye.

Wadamda ku dhaqmayey federaalka oo uu Maraykanku ka mid yahay, marka ay masiibo dabiici ah ku dhacdo gobol ka mid ah dalkaas ama dadku sameeyaan Kacdoon, gudoomiyaha gobolkaasi wuxuu waydiistaa madaxweynaha markaa jooga in la soo gaarsiiyo Ciidanka Qaranka, haddii uu dib u dhis u baahan yahay taas oo ay masiibaddu keentayna waxa jirta Ha’yad loogu talo galay oo la yiraahdo Federal Emergency Management Agency (FEMA).

Marna ma dhaci karto Wasir ama Xildhibaan Federaal ah inuu codsiga Gudoomiyihu u soo diray madaxweynaha ay joojiyaan ama hor istaagaan , Inta badan xisbi kasta oo ay ka tirsan yihiin waa ku taageeraan Gudoomiyaha in dadkooda wax loo qabto. Halka siyaasiyiinta Hawiye iyo kuwa Xawaadle maanta ay diidan yihiin in dadkooda culayska Alshabaab laga dul qaado.

Maalintii shalay Golaha wasiirada waxay soo saareen wareegto aan sharci ahayn oo haba yaraatee dawladnimadda iyo dhaqanka midna meel ka soo gelayn.

Marka hore, Ra’iisalwasaaraha iyo golaha wasiirasda Ciidanku ma hoos yimaadaan shaqona kuma leh, oo waa mid ka mid ah awoodda madaxweynaha uu Dastuurku gaarka u siiyey

Midda labaad, waa fool xumo iyo naxariis daro in nin Hargaysa, Garowe iyo Muqdisho AMISOM ku ilaalinayso ama ka soo jeeda inuu yiraahdo reer Hirshabeeloow argagixisadu siday doonto ha idin ka yeesho. Mahad Guuleed iyo Maareeye, xaaladda Burco iyo Berbera haddii a maanta ahaan lahaayeen sida Beledweyn, Janta ku disho, Buula barde, Buurane. Mahaday, Jowhar, Balcad, Xawaadlee, Qalimoow, Adan yabaal iyo Cadale ma diideen in ciidan la geeyo badbaadiya beelahooda.

Arinta kale oo yaabka leh, in badan oo Soomaalida ahna iswaydiinayaan waxa ugu wacan siyaasiyiinta Xawaadle ee Hawiye ayaa waxa ka mid ah, maxaa siyaasiyiinta beesha Xawaadle wax walba ugu horumariyaan SIYAASAD IYO KURSI. Haddii fatahaadi timaado waa inay siyaasadeeyaan, wax wada qaybsiga maamulka Hirshabeele waa in Qabyaalad lagu siyaasadeeyaa.

Maanta oo dadkoodii halis ku jiro oo ay ahayd inay la shaqeeyaan madaxweynaha Federaalka si umadda reer Hirshabelle loo bad badbaadiyo ayaa Goodax, Waare iyo Sanblooshe oo markii hore ay federaalka joogeena qabyaalad la joogay, hadana qabyaalad ka dhigaya in Alshabaab lala dagaalamo.

ALLSANAAG.COM

Waa gudoomiyha gobolka Geogia oo mdaxweynaha waydiistay Ciidanka Qaranta

Shil ka dhacay duleedka Garowe

Inta la xaqiijiyey 6-qof ayaa ku geeriyootay ugu yaraan 3-kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo goordhow ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Salaamo iyo Libaaxo oo ka tirsan gobolka Nugaal.Dhaawacyadii dadkaas waxaa loo qaaday isbitaallada magaalada Garowe.Dadkaas waxaa u gurmaday oo goobta uu shilku ka dhacay gaaray masuuliyiin ay ka mid yihiin, guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha qaybta booliska gobolka iyo saraakiil ka socota ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.Shilalka noocaan ayaa aad ugu badan deegaanada Puntland, waxaana inta badan loo sababeeyaa xirfada wadayaasha gaadiidka oo aan xakameyn xawaaraha ay ku socdaan.

Lix qof ayaa ku dhintayayaa ku dhintay shil ka dhacay duleedka Garowe

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada Dal

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan labo geesood ah magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen Hassen

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga wada hadlay kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblomaasiyadda iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iskaashiga xooggan iyo deris wanaagga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Rooble oo amray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo  baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Shirka ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada shirka ka qeybgalay, waxaana xoogga lagu saaray in laga hortago cidkasta oo carqaladeynaysa amniga oo ay ugu horeeyaan argagixisada.

Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in dib looga soo celiyo ciidankii dhawaan la geeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

“Kadib markii labada Wasiir ay quseysa aan lagu wargelin oo ay la socon geynta ciidamada la geeyay Beladweyne, Golaha Wasiirada falanqeyn iyo dood dheer kadib waxa uu Goluhu isku raacay dhowr qodob oo loogu talagalay in lagu xaliyo xiisadda ka taagan Beladweyne”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

1, In ciidamadaas la geeyay magaalada Beladweyne ee aan la soconin Wasaaradihii mas’uulka ka ahaa ee u xilsaarnaa inay korjoogteeyaan, lana socdaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada, ayaa waxaa taliyeyaasha ciidanka la faray inay si deg deg ah ciidamadaas uga soo saaraan magaalada, dibna loogu celiyo xeryahooda.

Shirka Golaha inta uu socday waxaa Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada la faray in qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah, laga ilaaliyo waxyaabaha sumcad dilka ah ee ugu horeyso in lagu milo arrimaha siyaasadda, isla markaana ciidamada lagu koobo waajibadka ay leeyihiin oo ah inay sugaan amniga guud ee dalka, ilaaliyaana muwaadiniinta.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa xusay in Goluhu uu isku raacay in ciidamada laga dheereeyo shakiga ama ku lug lahaanshiyaha la xiriira inay faragelin ciidamada ku lugleeyihiin loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka oo amnigooda iyo socodsiintooda si gaar ah  mas’uul uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada u soo bandhigay guddi Wasiiro ah oo uu u magacaabay in Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beladweyne ay kala shaqeeyaan dajinta xiisadda ka taagan Beladweyne iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka taagan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga Wasiiro ah oo loogu tagalay inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa arrinta ka taagan magaalada Beladweyne, iyaga oo la shaqeynaya Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beladweyne”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Guddiga Wasiirada ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Khaliif Cabdi Cumar xubin iyo
  5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drs Fowziya Abiikar Nuur

Wasiirada ayaa la faray inay si dhow ula shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo bulshada Beladweyne.

Golaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka Beladweyne ay xaaladda dajiyaan oo ay ka hortagaan waxkasta oo keeni kara isku dhac.

Golaha ayaa Madaxda Wasaaradda Amniga faray inay la yimaadaan qorshe lagu xoojinayo sugidda amniga suuqa bakaaraha iyo  guud ahaan goobaha ganacsiga dalka, maadaama ay isa soo tarayaan hanjabaadda argagixisadu u geysaneyso ganacsatada.

Ilko jiir oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Abdullahi Ahmed Jama Ilka jiir .

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Abdullahi Ahmed Jama Ilka jiir oo xoojinaayo taageerada loo raadinaayo xubinnimada Golaha Amniga ee Midawga Africa ayaa maanta la kulmay Safiirada Dalalka Seychelles, Tunisia iyo Safiirada Ururka Jaamacada Carabta ee Wadamada Afrikaan ah ee qaabilsan Dalka Itoobiya, Midawga Afrika iyo Ururka Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika.

Safiirka ayaa la waddaagay dhammaan Safiiradda uu la kulmay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay ka mid noqoshada Golaha Amniga iyo Nabadda iyo inay Soomaaliya kamid ahayd aas-aasyashii Ururka Midawga Afrika.

Sidoo kale kulamadaan uu maanta Safiirka Soomaaliya la yeeshay Safiiradda Wadamada Afrika ee saldhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ayaa u sii gogol xaarayo “ Shirka caadiga ah ee 40 aad ee Golaha Wasiiradda Midawga Africa ee kadhici doona Xarunta Midawga Africa, Addis Ababa, 3-4 Feebaraayo 2022 iyo midka Madaxweyneyaasha.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya ayaa dadaal dheeri ah kubixinaayo sidii ay Soomaaliya ugu guuleysan lahayd kursiga Golaha Amniga ee Midawga Africa markii la gaaro doorashada bisha Febaraayo 2022.

May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, suit, furniture and indoor
May be an image of 2 people, people standing and suit

RW Rooble oo la shiray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

RW Rooble oo la shiray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Raii’sul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in lagu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay masuuliyiinta, iyadoo lagu heshiiyey in laga wada shaqeeyo doorashada.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraaalka.