Waa kuma Abu Maxamed al-Julani, hoggaamiyaha kooxda Taxriir al-Sham

Waa kuma Abu Maxamed al-Julani, hoggaamiyaha kooxda Taxriir al-Sham

Iyadoo xoogagga mucaaradka Suuriya ay gaareen magaalada Xalab ee xarunta gobolka ay isku magaca yihiin, ayaa kooxaha mucaaradka waxa ay daabaceen muuqaalo nin gar leh oo gashan tuutaha milateriga kaas oo hagaya weerarka. Ninkani ayaa lagu magacaabaa Abu Mohammed al-Julani, oo ah hogaamiyaha kooxda Hayat Tahrir al-Sham

Iyadoo ciidamadiisu ay xoog ku galeen Xalab, Al-Jolani waxa uu mar kale noqday ubucda doodaha iyo muranka ka taagan gudaha iyo dibadda Suuriya, gaar ahaan tan iyo markii uu noqday hoggaamiyaha koox ay dalalka Reer galbeedka iyo kuwa Islaamka iyo Qaramada Midoobay ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso .

Isagoo madax ka ah kooxda Jihaadiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham, Abu Maxamed al-Jolani wuxuu hoggaamiyaa jabhadda ugu weyn Waqooyi-Galbeed ee Suuriya, isagoo maamula deegaanno ballaaran oo ka tirsan gobolka Idlib iyo qaybo ka mid ah gobollada la deriska ah ee Xalab, Ladiiqiya iyo Hama.

Deegaankan waxa ku nool ilaa saddex milyan oo qof oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu weyn ee mucaaradka.

Ninkan ayaa weerarkii ugu dambeeyay ee lama filaanka ahaa ee billowday Arbacadii ina dhaaftay wuxuu ahaa weerarkii ugu yaabka badnaa ee ilaa hadda soo mara xirfaddiisa isagoo ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muhiimsanaa dagaalka sokeeye ee Suuriya, laakiin sidoo kale wuxuu ahaa qof ay arrima badani ay ku gaddaaman yihiin .

Syria
Qoraalka sawirka,Mucaaradka ayaa gubay sawirka madaxweyne Assad ee magaalada Xalab kadib markii ay xoog ku galeen

Waa kuma Abu Maxammad al-Julani

Bashaar Al-Asad
Qoraalka sawirka,Al-Julaani ayaa sheegay in hadafkiisu uu yahay sidii uu xukunka uga tuuri lahaa Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad

In kasta oo warbixinnada saxaafaddu ay ka hadleen nooc aad u adag oo ka mid ah waxyaabaha ay fulinayso Hayat Tahrir al-Sham, kooxda Salafiyada oo ah koox aad u xoog badan oo ku cadaadisa kuwa kasoo horjeeda.

Waxaa jira soo baxayay oo aad u baahsan oo lagu eedeeyay HTS inay jirdil u geystaan maxaabiista. Al-Jolani ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo ugu baaqay hay’adaha xuquuqul insaanka inay booqdaan xabsiyada ayna soo kormeeraan xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Sanadihii la soo dhaafay, warbixino dhowr ah ayaa soo baxayay oo ku saabsan geerida al-Julani, laakiin dhammaan waxaa la xaqiijiyay inay been yihiin.

Isaga oo ah hoggaamiyaha HTS, al-Jolani waxa uu damcay in uu dib isu celiyo sidii hoggaamiye rayid ah, isaga oo isku dayaya in uu iska fogeeyo sawirka la xiriira argagixisada caalamiga ah.

Iyadoo ay jiraan dadaalladaas, dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay inuu yahay Argagixiso, iyadoo abaalmarin dhan 10 milyan oo dollar ku bixinaysa xog kasta oo horseedaysa in la soo qabto, iyadoo la tixraacayo xiriirkii hore ee uu la lahaa Alqaacidda.

Shuruucdii dalka waa la laalay

Soomaaliya wixii ka dhexeeyey iyo dowlad dhiskii waxay u muuqataa in shuruucdii la laalayo, xoogii iyo Ciidamadii Soomaaliyeed ee la sameeyeyna in Maamulo degen lagu weerarayo.

Askar uu afduubtay Fanax

Mid kamid ah Ilaalada Gudoomiyhii Hore Ee Degmada Badhaadhe oo la soo xariiray Warbaahinta JubalandTV ayaa Sheegay in uu kamid yahay Ciidamadii uu iibsaday Gudoomiyihii Degmada isla markaana ay hada Xabsi guri ku yihiin Mogadisho.

See less

Dhaqankii Hargaysa yaalay ayaa Jubbaland la geeyey

Siyaasiyiinta Isaaq, kuwooda u shaqo tegay dawladda Federaalka Soomaaliya, waxay ku guulaysteen in dhaqan yaalay Hargaysa ee ahaa in degaan nabad ah o ay beeluhu nabad kuwada nool yihin inay lacag ku bixiyaan fidno ay dhex dhigaan beelaha, si ay ugu fududaato inay xukunkooda ku faafiyaan… Had iyo jeerna waxay dhaqakan foosha xun ku fulin jireen gobolada Sanaag iyo Sool oo ay u samaysten Horjogayaal.

Dawladda federaalka oo wax badan ka bartay maamulka Hargaysa ayaa hadda ku guulaysatay inay jubaland ka helaan horjogayaal calooshod u shaqaystayal ah o ay maamulkas ku burburiyaan. Horjogayaashan waxa ugu caansan taliye Fanax, oo lacagta ugu badan lagu siiyey bur burka Puntland. Taliye Fanax oo horay dhib ugu hayey taliyasha ka soo jeda beesha Harti ayaa hadda shukaaminaya in badan oo ka mid ah taliyaashaas

Muuqaalka hoose ee Dooyaha la sheegay inay ka soo goosten Jubbaland, waa Ciidan ka soo jeda Besha Harti, uuna taliye ka yahay Wardi Cabddule Cali, oo ka so jeeda beesha Majeerten, Cisman Maxamud, Bahgaren, Axmed Aadan.

Taliyahan sidii Mahd Canbashe hadda u shaqaynaya , wuxuu taliye ka ahaa ciidanka Boliiska Kudhaa iyo Madhabo. Isaguna wuxuu ka soo jeeda Madhabo

Aamina: Xanuunka Alle ayaa keena laakiin waa nala takooraa oo guryaha xitaa nagalama kireynayo

Aamina: Xanuunka Alle ayaa keena laakiin waa nala takooraa oo guryaha xitaa nagalama kireynayo

Xuska maalinta xanuunka HIV/AIDS-ka, oo adduunka sannad kasta laga xuso kowda bisha diisambar, iyadoo hal-kudhiga sanadkan ee xuska caalamiga laha dhigay” Raac wadada saxan: Caafimaadkayga, Xaquuqdayda”

meelaha xuskan maanta lagu qabtay waxaa ka mid ahaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo lagaga hadlay dhibaatada haysta dadka la nool HIV/AIDS-ka iyo sida looga hortegi karo faquuqa ay la kulmaan dadka cudurkan la nool.

Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Somaliland, ayaa sheegay in dadka la nool xanuunkan uu hoos u dhacay marka la eego 20 sanno ka hor, oo uu ahaa boqolkiiba laba, hase yeeshee uu iminka marayo boqolkiiba (0.15), sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Ismaaciil Muxumed Aye.

“Somaliland waxay ku jirtaa meelaha ugu hooseeya, marka la eego dalalka geeska Afrika, oo cudurkan HIV/AIDS-ku ku badan yahay. Somaliland wakhtiyadii hore uu gaadhay boqolkiiba laba (2%), halka uu imika uu marayo boqolkiiba eber dhibic shan iyo toban (0.15), taas oo macnaheedu yahay in tobankii kunba, shan iyo toban qof qabaan”

Dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ee Somaliland

Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka, ayaa wajaha takoor iyo faquuq ay kala kulmaan bulshada ay la nool yihiin, kuwaas oo qaarkood guryaha laga kirayn waayo halka kuwo kalena laga eryo shaqooyinka ay hayaan, sida ay BBC-da u sheegtay Aamina oo ka mid ah haweenka xanuunkan la nool ee Hargeysa degan

“Xanuunkan Ilaahay baa keena, laakiin dhibaato ayaanu qabnaa, oo waa la na takooraa, oo haddii qofka la ogaado inuu xanuunkan la nool yahay guryihii ayaa laga saarayaa, oo lagama kiraynayo, waa lana takoorayaa.” Ayey tidhi Aamina,

waxaanay intaas ku dartay “Caruurtii ayaa Iskuulkii laga soo eryayaa, waa lagaa shakiyayaa, ehelkii ama asxaabtii ha noqoto, waxa la odhanayaa qofkaas xanuunkii ayuu la nool yahay waa laga cararayaa”

Gabadhan, waxa ay tilmaantay in aanay dhibaatada haysta waxba ka qaban Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, balse Agaasimaha Komishankan oo ay BBCdu waydiisay dhibaatooyinka ay dadka Xanuunkan la nool ka cabanayaan iyo waxyaabaha ay ka qabtaan, ayaa yidhi “Cabashooyin badan ayaa noo yimaada, oo meelo ay ka cabanayeen waanu ka kulanay, sida Hay’adda shaqaalaha oo marka shaqaalaha la qaadanayo ay yidhaahdeen caafimaad ayaa loo diraa, marka laga helno shaqada la naga joojiyaa, mararka qaarkood waa been abuur ama marar ay dhacdaa. Markaa arrimaha xeerar iyo sharciyo ayey u baahan yihiin, taasna waan wadnaa”

Haweenaydan waxa kale oo ay BBC-da u sheegtay in haweenkan gaadhaya 48 oo ay ka mid tahay oo cudurkan la nool ay isu abaabuleen sidii ay uga shaqayn lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Tirada Dadka la nool xanuunkan ee ku nool deegaannada Somaliland

Dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland, ee xuskan lagu soo bandhigay ayaa tiradoodu gaadhaysa 2, 92 qof,
Qoraalka sawirka,Dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland, ee xuskan lagu soo bandhigay ayaa tiradoodu gaadhaysa 2, 92 qof,

Dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland, ee xuskan lagu soo bandhigay ayaa tiradoodu gaadhaysa 2, 92 qof, kuwaas oo iyagu xarumaha caafimaadka si toos ah uga qaata dawooyin.

Sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Ismaaciil Muxumed Aye, dadkan maaha tirada rasmiga ah ee xanuunkan la nool , isaga oo xusay in ay jiraan dad badan oo aan si baadhin, goobaha caafimaadkana aan tegin.

“Tiradan maaha mid ka turjumaysa Somaliland oo dhan, oo ma odhan karo dadka qaba xanuunka ee Somaliland ku nool waa intaas, waayo waxa jira dad aan la arag oo xanuunkan la nool, kuwo dhuumanaya ayaa jira, waxa jira kuwo dalalka Itoobiya ama Jabuuti ama xagga Puntalnd iyo Somalia u doonta dawada oo dadkan garanaya ka baqaya ayaa jira”

Maxaa keenay inuu hoos u dhaco heerka faafista xanuunka HIV/AIDS-ka Somaliland?

Sida uu BBC-da u sheegay Ismaaciil Muxumed Aye, Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, waxa hoos dhacan sabab u ah labada qodob,
Qoraalka sawirka,Sida uu BBC-da u sheegay Ismaaciil Muxumed Aye, Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, waxa hoos dhacan sabab u ah labada qodob.

Sida uu BBC-da u sheegay Ismaaciil Muxumed Aye, Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, waxa hoos dhacan sabab u ah labada qodob, “in dadka cudurkan qabay ay qaadanayaan dawadii, taasina ay yaraysay gudbintii ay xanuunkan gudbinayeen. tanLabaadna waxa weeye aqoonta dadka iyo fahanka ay fahmeen iska ilaalinta xanuunkan” ayuu yidhi Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Dr. Ismaaciil Muxumed Aye.