Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland

Guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay musharaxiinta utartamaya 16 ka kursi ee doorashadoodu ka dhacayso magaalada Boosaaso kuwaas oo buuxshey shuruudaha musharaxnimo.

Afartan sawir waa Xildhibaanada soo socda reer

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 2 people and people standing
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of 2 people and people standing
No photo description available.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland oo fulinaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaranka sidoo kalena raacaya hab raacyadii Doorashada 2021-2022 wuxu halkan ku soo gudbinayaa liiska Guddiyada Xulista Ergooyinka Kuraasta Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Somalia ee lagu dooranayo Magaalada Boosaaso.FG liiskan waa kii saxda ahaa kii hore magacyo ayaa isdaba maray gaar ahaan kursiga

May be an image of text that says 'GSH# 142 # Magaca odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka Cabdulle Nabadoon Saciid Nabadoon Muuse Aadan Roore 3 Cabdillaahi Shire Yuusuf Maxamed Saciid Kashwiito xulista ergada Xilka Oday dhaqameed Oday dhaqameed Oday dhaqameed Bulshada Rayidka Kaafiyo Maxamuud Maxamed GSH# 190 Bulshada Rayidka Magaca odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ah Xasan xulista ergada Xilka Caaqil Maxamed Nabadoon Aadan Saciid Maxamed 3 Nabadoon Saciid Nabadoon Maxamed Axmed Saciid Mohamed 5 Faadumo Cali Saalax Oday dhaqameed Oday dhaqameed Oday dhaqameed Bulshada Rayidka Bulshada Rayidka Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Puntland Mudane: Cabdikariim Muuse Maxamed CRYLNG'
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.

Warshadda quwadda korontada Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub oo gubatay

Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia, ayaa gubatay subaxnimadii hore ee Jimcihii kadib markii ciidamada Ruushka ay ku qaadeen weerar, sida uu sheegay duqa magaalada Enerhodor.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taal daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

“Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo cutubyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia ayaa gubaneysa” ayuu yiri Duqa magaalada Dnieper Dmytro Orlov.


Ciidamada Ruushka ayaa beegsaday xaruntaasi, iyagoo gantaal ku dhiftay mid ka mid ah lixda qeybood ee warshadda, inkasta oo warar dambe ay sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel ka baxsan xayndaabka dhismaha, isla markaana ay u muuqatay in ammaanka warshadda lasoo celinayo, sida uu uu maamulaha warshadan u sheegay Telefishinka Ukraine 24, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka warshada Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in dab-dhaliyaha gubanaya uu ahaa mid uu dayactir ku socday oo aanu aheyn mid shaqaya. Tuz ayaa sidoo kale AP u sheegay inay aheyd in si degdeg ah dabka loo damiyo, laakiin waaxda dab damisku ay u dhawaan weysay warshadda. Dagaalku wuu sii socday, waxaana la toogtay dab-damiska, ayuu yidhi.

Dagaal oogihii Puntland oo xil loo magcaabay

Ina Diyaano oo loogu abaal guday xasuuqii uu Boosaaso ka gaystay

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Cumar Cabdirashiid;”Doorashada Golaha Shacabka Waa Mid Boob Ah”

Cumar Cabdirashiid aya wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka ay muddo laba sano ah iska daba wareejinayeen doorashada ayna ka dhigeen mid boob ah oo aan sax ahayn.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka mid ah musharaxiinta doorashada dalka ayaa waxa kale oo ku sifeeyay doorashada dalka ka socota inay tahay mid xulasho ah, isagoo ku eedeeyay madaxda maamul goboleedyada dalka inay u xiraan kursiga qofka ay rabaan, ayna u keenaan qof malxiis u noqdo.

Warkan ka soo baxay Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan lagu wado in lagu qabto qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka magaalada Boosaaso ayna soo baxayaan warar sheegaya in musharaxiin gaar ah loo xirey kuraasta.

Soomaaliya oo taageertay qaraar ka dhan ah Ruushka

Dowladaha Soomaaliya iy Jabuuti ayaa ka mid ahaa 141 waddan oo ka tirsan dunida oo u codeeyey qaraar cambaarayna duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Cod-bixinta ayaa maanta dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxa aka mid ah Mareykanka, waddamada Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus.

Sidoo kale waxaa ka aamusaya 35 waddan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, islamarkaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi, sida ay tebisay wakaaladda wararka eee Associated Press.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayyaxan ee veto saartay qaraar kan la mid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya oo uga mahadcelisay Romania qaabilidda muwaadiniinteena

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay maanta oo ah Arbaco Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Romania, Mudane Cornel Feruţă.

Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxa aan wadahadal wanaagsan la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Romania Mudane Cornel Feruţă oo igu wargeliyay in Romania ay qaabishay 40 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dhanka Ukraine, waxaana loo oggolaaday inay joogaan Romania”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “waxa aan uga mahadceliyay Mudane Cornel Feruţă iyo dowladdiisa tallaabooyinka mahdinta leh iyo taageerada. Waxa aan ku heshiinnay inaan xoojinno xiriirkeena taariikhiga ah ee muddada dheer jiray iyo sii ambaqaadidda iskaashiga ku qotama howlaha dano wadaagga”.

Jeneraal Indha Qarshe “Aan Ka Tashano Kasii Mid Ahaanshaha Maamulka Galmudug”

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee sumadiisu tahay HOP#020, kaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay magaalada Gaalkacyo.

Indha Qarshe ayaa suxufiyiinta u sheegay in maamulka Galmudug ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Qoor qoor uu mas’uul ka yahay diidmada lagala hortagay, isagoo tilmaamay iney filan waa ku noqotay in qof qarankan mudo dheer u soo adeegayay sidan la yeelo.

Waxa uu ka dalbaday ra’iisul wasaare Rooble iyo guddiga doorashada Galmudug iney hakiyaan qabashada doorashadaas kurisgaasi inta xal laga gaarayo muranada ka taagan cida u tartameysa kursigan, iyadoo ay soo baxayaan warar la xiriira in kursigaasi loo xirayo Dumar oo laga dhigayo qoondo Dumar kaliya.

“Waxay igu noqotay arrin fajac ah, maxaa yeelay nin intaas oo sano u shaqeynaayey qarankiiisa billado badan lagu abaal-mariyey wax muuqda u qabtay in la yiraahdo ma istaahishid, sababta waxaa weeye aniga kuma jecli,” ayuu yiri jeneraalka.

Jeneraal Indha Qarshe oo todobaadyadii la soo dhaafay olole xoogan ugu jiray inuu kamid noqdo baarlamaanka 11-aad,balse ugu danbeyn ku hungoobay ayaa beeshiisa u soo jeediyay inay ka tashato aayaheeda iyo sidoo kale kasii mid ahaanshaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan reer tolkeyga usoo jeedinayaa war saan nama qabatee maxaa tala ah? Waxaan talo kusoo jeedinayaa inaan ka tashano kasii mid ahaanshaha maamulka Galmudug, Way muuqataa inay cadaalad darro ka jirto meeshaas, way muuqata inay gar-darro meesha ka jirto, way muuqataa inuu bahdil meeshaaas ka jiro,” ayuu markale yiri.