29th March 2024  admin  Category :

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee sumadiisu tahay HOP#020, kaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay magaalada Gaalkacyo.

Indha Qarshe ayaa suxufiyiinta u sheegay in maamulka Galmudug ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Qoor qoor uu mas’uul ka yahay diidmada lagala hortagay, isagoo tilmaamay iney filan waa ku noqotay in qof qarankan mudo dheer u soo adeegayay sidan la yeelo.

Waxa uu ka dalbaday ra’iisul wasaare Rooble iyo guddiga doorashada Galmudug iney hakiyaan qabashada doorashadaas kurisgaasi inta xal laga gaarayo muranada ka taagan cida u tartameysa kursigan, iyadoo ay soo baxayaan warar la xiriira in kursigaasi loo xirayo Dumar oo laga dhigayo qoondo Dumar kaliya.

“Waxay igu noqotay arrin fajac ah, maxaa yeelay nin intaas oo sano u shaqeynaayey qarankiiisa billado badan lagu abaal-mariyey wax muuqda u qabtay in la yiraahdo ma istaahishid, sababta waxaa weeye aniga kuma jecli,” ayuu yiri jeneraalka.

Jeneraal Indha Qarshe oo todobaadyadii la soo dhaafay olole xoogan ugu jiray inuu kamid noqdo baarlamaanka 11-aad,balse ugu danbeyn ku hungoobay ayaa beeshiisa u soo jeediyay inay ka tashato aayaheeda iyo sidoo kale kasii mid ahaanshaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan reer tolkeyga usoo jeedinayaa war saan nama qabatee maxaa tala ah? Waxaan talo kusoo jeedinayaa inaan ka tashano kasii mid ahaanshaha maamulka Galmudug, Way muuqataa inay cadaalad darro ka jirto meeshaas, way muuqata inay gar-darro meesha ka jirto, way muuqataa inuu bahdil meeshaaas ka jiro,” ayuu markale yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*