Deni oo la kulmay Gudoomiyaha KMG ee golaha Shacabka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah Golaha Shacabka JFS, Mudane Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad). .

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Dhabancad iyo dhammaan Golaha Shacabka JFS shaqada baaxada leh ee hortaalla, wuxuuna u rajeeyey in alle u fududeeyo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS.

May be an image of 4 people and people standing

Rooble oo u amba baxay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

kulankan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan

Guddiga FEIT Oo Deg Deg U Amray In Loo Dhaariyo Xildhibaanadii Ceelwaaaq.

Guddiga FEIT Oo Deg Deg U Amray In Loo Dhaariyo Xildhibaanadii Ceelwaaaq.

Guddiga hirelinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa amray in si deg deg ah loo dhaariyo xildhibaanadii 16-ka ahaaa ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qoraal ka soo baxay guddiga oo uu ku saxiixnaa gudoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa lagu sheegay in mudanayaashan loo fududeeyo helista shahaadooyinkan si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022.

“Guddiga doorashooyinka wuxuu go’aamiyey In xildhibaanada lasoo doortay ee soo qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, hadalka guddiga FEIT ayaa ku soo beegmaya xili maanta loo diiday iney ka qeyb galaan kulankii baarlamaanka xildhibaanadii shanta ahaa ee shalay lagu soo doortay Ceelwaaq, kuwaasoo isla shalay FEIT ay siiyeen shahaadada xildhibaanimo,

Beelaha ay ka soo jeedaan Xil. Gedo

Doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa lagu soo gabagabeeyay degmada Ceelwaaq.

Magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanada C/waaq?

1.Xil.Jibri beesha Gare.

2.Xil.Maxamed Somali/Faqi Muxumad.

3.Xil.Cabdullaahi Carab/Gaadsan.

4.Xil.Aamina/Gasaregude.

5.Xi.Axmed Daqare/Mareexaan.reer Xasan.

6.Xil.Cabdirashid Colow/Marexan reer Xasan.

7.Faadumo Nine/Mareexaan rer Ugaas Sharmake.

8.Xil.Nuur Afeey/Faqiyaaqub.

9.Xil.Mursal khaliif/Mareexaan,Talxe

10.Xil.Dunida Shikh/Mareexan,reer Axmed.

11.Xil.Faarax Taraar/Mareexaan,Uur-midig.

12.Xil.Kornayl Baale/Mareexaan,Hawrarsame.

13.Xil.Jeylaani Cabdiqaadir /Mareexaan Cali dheere.

14.Xil.MM / Mareexaan reer Siyaad.

15.Xil.Cisman Aw libaax/Gabaaweyn.

16 Xil.Cabdiqaadir/Macalinweyne.Jibril Qoobey.LikeCommentShare

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa gaaray degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo halkaas uu ugu kuuragalayo xaaladda doorashooyinka halkaas ka socda

Sayid Aadan waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka amniga Jubaland Dhuumaal iyo saraakiil kale, iyadoo la geeyay halka ay ka socoto howlaha doorashada xildhibaanada ku harsan deegaan doorashada labaad ee Jubaland oo laga dhigay Ceelwaaq, maadaama laga soo wareejiyay magaalada Garbahaareey oo guddiga doorashada Jubaland ay tagi waayeen.

madaxweyne kuxigeenka jubaland oo gaaray magaalada ceelwaaq
madaxweyne kuxigeenka jubaland oo gaaray magaalada ceelwaaq
madaxweyne kuxigeenka jubaland oo gaaray magaalada ceelwaaq

Danjire Affey: Kibaki wuxuu ahaa madaxweyne Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd

Danjire Affey: Kibaki wuxuu ahaa madaxweyne Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd

Safiirkii hore ee Kenya u fahiyay Soomaaliya Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi inuu ahaa nin Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd.

Waxa uu sheeegay in shirkii Kenya uu muddo laba sanado iyo bar ah Kibaki wakhti ku bixiyay sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad shaqeysa.

Kibaki ayaa bishii June ee 2006 Danjire Affey u magacaabay safiirka Kenya ee Soomaaliya. Wariyaha VOA ee Washington Falastin Axmed Iman ayuu uga warraamay doorkii Kibaki ee Soomaaliya.