1st May 2024  admin  Category :

Guddiga FEIT Oo Deg Deg U Amray In Loo Dhaariyo Xildhibaanadii Ceelwaaaq.

Guddiga hirelinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa amray in si deg deg ah loo dhaariyo xildhibaanadii 16-ka ahaaa ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qoraal ka soo baxay guddiga oo uu ku saxiixnaa gudoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa lagu sheegay in mudanayaashan loo fududeeyo helista shahaadooyinkan si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022.

“Guddiga doorashooyinka wuxuu go’aamiyey In xildhibaanada lasoo doortay ee soo qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, hadalka guddiga FEIT ayaa ku soo beegmaya xili maanta loo diiday iney ka qeyb galaan kulankii baarlamaanka xildhibaanadii shanta ahaa ee shalay lagu soo doortay Ceelwaaq, kuwaasoo isla shalay FEIT ay siiyeen shahaadada xildhibaanimo,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*