Ciyaaryahan Muslim ah oo diyaarad laga dejiyey

Ciyaaryahankii hore ee UFC, haystana diinta Islaamka Khabib Nurmagome ayaa Diyaarad laga dejiyey ka dib markii mid ka mid ah shaqaalaga Diyaaraddu u sheegtay inay wel wel ka qabto oo ayna xasilooni dareemayn inta aad ag fadhido fadhiyo albaabka laga baxayo. Muslim ahaan ayeey u diiday inuu diyaaradda la raaco/

kulankii Xasan Culusoow iyo Abiy

Soomaaliya ayaa wefti kale u diraysa Itoobiya todobaadkan; iyada oo kala xaajoonaysa Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ay keenayso dalka.

Itoobiya ayaa soo magacaabaysa Safiirkeeda Muqdisho iyo laba qunsul oo u fadhi doona Hargaysa iyo Garowe sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dibedda DFS, Cali Balcad.

Wasiir Balcad oo la hadlaya VOA ayaa wax laga weydiiyey hadalkii Wasiirka Arrimaha-dibada Masar ee ahaa “In aan Itoobiya loo ogolaandoonin in ay cag soo dhigaan Badda-cas” ayaa sheegay in aan “Soomaaliya wax ka khusayn Badacas”. Waxa uu sheegay Badacas in ay Jabbuuti ka bilaabato balse Soomaaliya masuuliyad ka saarantahay gacanka Cadmeed iyo badwaynta Hindiya.

Balcad oo sidoo kale la weydiiyey sida ay Itoobiya ku gaadhayso Badda ayaa sheegey in wada-hadallada bisha Febraayo ee Turkiga lagaga arrinsanayo oo aan ilaa hadda laga hadlin wax Badda quseeya balse kalsoonida oo keli ah la dhisayo.

Ciidanka Badda Itoobiya

Bahdil lagu sameeyey madaxweynaha Soomaaliya oo Ciidankii Baddiisa Qabsan laha salaan ka qaatay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa salaan ka qaatay ciidanka badda dalka Itoobiya. Itoobiy ma laha Bad , hase ahaatee Badda Soomaaliya ciidankii qabsan lahaa ayaa soo dhowaynaya oo u madaxweynuhu salaan ka qaadanayaa

Ma Itoobiyaanka ayuu diidanaa mise waa Munaafaq labo wajiile ah.

Waqtigii Madaxweyne Farmaajo,, wuxuu lahaa qofkii taageera Itoobiya waa Cadow waana Qiyaano Qaran. Wuxuu kaloo lahaa Farmaajo waa Mareexaan.

Hadalkan aan daacadda ahayn ee lagu kicinayey beelaha Hawiye ayaa Bashiir Macallin Cali loogu abaal guday  Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya .

Agasimahan ayaa maanta ku taageera madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo ay isku haybta yihiin arimo badan . oo ay ka mid yihiin in qabuuraha oo la fagto Maydka oo laga ganacsado iyo in Itoobiya saaxiib laga dhigto si Madaxweynaha Jubbaland looga adkaado

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku yimid itoobiya.

Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.

Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.