Ka waran haddii madaxweyne ku xigeen uu ku riyoodo inuu madaxa ka gooyo madaxweynaha dalkiisa?

Ka waran haddii madaxweyne ku xigeen uu ku riyoodo inuu madaxa ka gooyo madaxweynaha dalkiisa?

Madaxweyne ku xigeenku markuu ku dhawaaqo inuu soo kiraystay gacan ku dhiigleyaal dila madaxweynaha oo uu ku riyoodo inuu madaxa ka gooyo, waxa aad mooddaa in dalkaas dhibaato ba’ani ku jiro.

Laakiin dalkaasi waa Philippines, halkaas oo siyaasadda iyo buun-buuninta ay had iyo jeer is bar-bar socdaan.

Madaxweyne ku xigeenka Philippine Sara Duterte ayaa dhawaan ku soo qortay boggeeda Facebook: “Qof ayaan la hadlay. Waxaan ku iri, haddii la i dilo, int aad kacdo waxaad dishaa Ferdinand Bongbong Marcos (madaxweyne) iyo Lisa Arantxa, marwada koowaad, iyo Martin Romualdez, afhayeenka aqalka. Kaftan ma ah. Waxaan ku iri ha joogsan ilaa aad disho, isna wuxuu yiri hayeh.

Madaxweyne ku xigeenka Filibiin ayaa dhawaan saxaafada u sheegtay in xiriirka iyada iyo madaxweyne Ferdinand Marcos uu noqday mid sun ah oo uu ku riyoonayo inuu qoorta ka gooyo.

Waxay sidoo kale ku hanjabtay in ay meydka aabaha dhalay madaxweynaha ka soo saari doonto qabuuraha geesiyaasha ee Manila oo ay dambaskiisa ku tuuri doono badda.

murankan iyo jahwareerkan waxaa ka danbeyay isbahaysi siyaasadeed oo xooggan oo hadda si weyn u burburay.

Madaxweynaha Philippine ayaa dhawaan xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii ​​golaha amniga qaranka. Amarkiisa ayaa Ms Duterte aabaheed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Filibiin, ayaa laga saaray golaha.

Isbahaysi siyaasadeed

Sara Duterte (bidix) iyo Marcos (midig) ka dib markii ay ku guuleysteen doorashadii 2022

Ferdinand Bongbong Marcos iyo Sara Duterte go’aankii ay ku sameeyeen isbahaysi doorashada madaxtinimo ee 2022 waxay ahayd isbahaysi siyaasadeed oo ku habboon. Labada musharax ayaa ahaa caruur ay dhaleen madaxweynayaashii hore. Sara aabaheed, Rodrigo Duterte, ayaa xilligaas ahaa madaxweyne, wuxuuna taageero xooggan ku lahaa meelo kala duwan oo Filibiin ah. Labaduba sidoo kale waxay lahaayeen shacbiyad.

Si kastaba ha ahaatee, isu soo sharaxida madaxweynaha ayaa isku mar halis galisay in la qeybiyo codadka iyo in laga adkaado musharax saddexaad.

Sidaa darteed, waxaa la isku raacay in Ferdinand Bongbong Marcos uu u tartamo madaxweyne halka Sara Duterte ay madaxweyne ku xigeenka noqonayso. Labadan jago si gaar ah ayaa loo dooran lahaa balse waxa ay u shaqayn doonaan koox ahaan ololaha doorashada.

Istaraatiijiyadani waxay ahayd mid wax ku ool ah, oo “Uniteam,” sida ay isku magacaabeen, waxay ugu guulaysteen doorashada si wayn.

Si kastaba ha ahaatee, sida madaxweyne ku xigeenkii hore u sheegi karo Sara Duterte, jagada madaxweyne ku xigeenka ayaa ah mid inta badan awood yar xambaarsan oo iska maamuus ah.

Qoyska Duterte waxay doonayeen Waaxda Difaaca, laakiin Marcos wuxuu siiyay Waaxda Waxbarashada, taas oo calaamad hore u ah in madaxweynuhu aanu dooneyn inuu xoojiyo awoodda madaxweyne ku xigeenkiisa.

Waxa kale oo uu qaaday waddo gabi ahaanba ka duwan siyaasaddii madaxweynihii hore.

Ferdinand Bongbong Marcos ayaa amar ku siiyay ciidamada badda Philippine iyo ilaalada xeebaha inay ka hortagaan Shiinaha meelaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha, taasoo ka duwan qaabkii Madaxweynihii hore Rodrigo Duterte, kaasoo diiday inuu ka hor yimaado joogitaanka Shiinaha ee gobolka oo xitaa shaaca ka qaaday inuu jeclaa hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.

Ferdinand Bongbong Marcos ayaa sidoo kale hoos u dhigay dagaalkii ka dhanka ahaa daroogooyinka ee uu qaaday madaxweynihii hore ee Rodrigo Duterte, kaas oo dilay kumannaan qof oo looga shakiyay inay ka ganacsanayeen daroogada.

Waxa uu xitaa u arkay in uu dib ugu laabanayo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah,halkaas oo Rodrigo Duterte la doonayo in lagu soo oogo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Madaxweynihii hore ayaa ka soo hormuuqday aqalka senate-ka Filibiin si wax looga weydiiyo dilal sharci darro ah intii uu madaxweynaha ahaa.

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday markii xulafada Marcos ee aqalka Congress-ka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan isticmaalka Sara Duterte ee lacagaha sirta ah ee loo qoondeeyay.

Xagaagii hore ayay madaxweyne ku xigeenku iska casishay xilkii wasiirka ee waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka “lama taabtaan ah”

Marcos ayaa iska fogeeyay siyaasada madaxweynihii hore ee Rodrigo Duterte, kaasoo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Sara Duterte ma aha mid ku cusba muranada dhanka siyaasadda . Saddex iyo toban sano ka hor, markii ay ahayd duqa magaalada Davao, waxaa soo baxay muuqaal ay si isdaba joog ah u garaacayso sarkaal ka tirsan garsoorka.

Waxay la mid tahay dhanka dabeecadda siyaasiga muranka badan ee aabbaheed; labadooduba waxay caan ku yihiin hadallo qalafsan. Rodrigo Duterte ayaa mar falagaadeeya ugu Pope-ka, waxaa uuna qirtay inuu dad dilay.

Waxay gabadheeda ku sifaysaa inay tahay “mid leh sharafta alfa,” ama hoggaamiyaha qoyska, oo had iyo jeer hesha waxa ay doonto. Sara Duterte ayaa sidoo kale sheegtay inay adag tahay in la jeclaado aabaheed. Sida aabaheed, waxay jeceshahay mootooyinka.

Laakiin hanjabaadii ay dhawaan u jeedisay Ferdinand Bongbong Marcos, oo ah saaxiibkeedii ​​hore, ayaa loo arkayay mid aan aysan ka fiirsan.

Marcos ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid “ka-fiirsi la’aan ah” iyo “wax laga xumaado”, iyadoo Xafiiska Baarista Qaranka Philippine uu u yeeray madaxweyne ku xigeenka si ay sharaxad uga bixiso hanjabaadeeda, Ms. Duterte ayaa mar kale wajahaysa suurtagalnimada in xilka laga qaado.

Sara Duterte ayaa beenisay hadalada muranka dhaliyay, iyadoo sheegtay inaysan run ahayn. Waxay ku eedaysay Marcos inuu been sheegay oo uu dalka u horseeday cadaab.

Waxaa laga yaabaa inay ahayd lama huraan in laba qoys oo awood leh ay ku noqdaan kuwo ku xafiiltama qallafsanaanta siyaasadda Filibiin – taas oo ku sii socota inay udub dhexaad u tahay shakhsiyaadka, qoysaska ballaaran, iyo gobollada.

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamza

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamza

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay howlgada ciidaankooda ay ka wadaan degaanada buuralayda ah ee ku yaalla gobolka Bari halkaasi oo oo maalmihii u dambeeyay ay dagaal kula galeen maleeshiyada kooxda Daacish oo isugu jira ajnabi iyo Soomaali.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa dhinaca kale ku dhalillay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya hadalkii uu ku bogaadiyay ciidamada Puntland ee la dagaallamaya Daacish isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa taagero milatari iyo mid dhaqaale.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo horey uga jawabaay eeddan oo kale oo Puntalnd ay usoo jeedisay ayaa sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariicda ah balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay Puntland.

Wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in aysan marin habaabinin shacabka, oo ay mashaariicda u fasaxaan.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay kulan dadweyne oo kal hore ku qabtay magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu weydiiyay su’aal aheyd maxay dowladda Soomaaliya mashaaricda uga xayirtay?

Puntland oo sheegtay in goobihi ay Daacish ka qabsatay kala kulantay ‘wax lama filaan ah’

Puntland oo sheegtay in goobihi ay Daacish ka qabsatay kala kulantay ‘wax lama filaan ah’

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in daacish laga saaray boqolkiiba 60 goobihi ay ka haysteen dhulka buuraleyda.

Ka dib muddo maalmo ah oo dagaalo qaraar ay ka socdeen Buuleyda ayaa waxaa saraakisha Puntland sheegeen in gacanta lagu dhigay goobo muhiim ah oo ay Daacish ku sugnaayeen.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa xusay in dhul badan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland.

Boqolkiiba 40 oo kali ah ayuu sheegay in ay kaga harsan yihiin buuraleyda.

“Wax aad u tira yar ayaa haray oo la filayo labad usbuuc ee soo socda” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Waxa uu sheegay in wali ay jiraan goobo haray oo ay Daacish ku xoogan yihiin halkaasi oo ay filayaan in dagaal adag u ka dhici karo.

“Meesha hadda la filayo waxaa weeyaan Deelaaf oo ah meesha xoog loogu tuhmayo haddii uu jiro dhul adag. hadduu uusan jirin waxay noqonaysaa in maalmo looga taqaluso,” ayuu BBC da u sheegay wasiirka warfaafinta

Diyaarado Dronis ah oo ay Puntland sheegtay inay ka qabsadeen Daacish

Saraakiisha Puntland ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ay faafinayeen sawiro ay sheegeen in ay yihiin goobo ay la wareegeen oo Daacish laga qabsaday.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid dirir ayaa sheegay in ay Daacisha ka qabsadeen dhul muhiim oo uu ka mid yahay dugsigii ugu waynaa ee tababarka lagu siin jiray ciidmaada Daacish.

“Deegaankaasi wuxuu ka tirsan yahay Balli-dhidin waa dhul buuro ah sida aad aragteen ay togog ka so jeexma oo ka soo daadaga buuraha”.

Ceydiid ayaa xusay in ay jiraan godod badan oo ku yaalla goobaha laga qabsaday Daacish maalmihii u dambeeyay.

“Waxaa ka mid ah goobaha la qabsaday Dib-qalooc, Ceel-ileed, Haadi-xanaan, Al-dacwah, waxaana ku jiray dugsigii tababarka oo dadka oo dhan ku tababaran jireen” ayuu intaa ku daray.

Maxaa loogu tagay godadka?

Mid ka mid ah goobaha la sheegay in Daacish laga qabsaday

Sawirro la sheegay in laga soo qaaday furimaha dagaalka ee ciidamadu ku sugan yihiin oo baraha bulshada ee telefishinka Puntland la soo dhigay ayaa laga arkayey diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo xajmi ahaanna aan wayneeyn, kana mid ah waxyaabo ay ciidamadu soo bandhigeen.

Godadka ayay saraakiishu sheegeen in ay ahaayeen kuwa aad u waawayn islamarkana si wanaagsan looga shaqeeyeeyay.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in Daacish ay qodeen godda intaa dhan oo sida uu sheegay qaarkood ahayaeen dabaqyo is dul-saaran.

“Runtii lama filaan ayay ahayd waayo god yar oo la yaqaano oo xaraar daanyeer ahayd in la sii qodo oo saddex dabaq laga dhigo oo doonyo raashiin ah lagu keydiyo oo qasaalado la dhigto oo biyihii iyo shaawaradii lagu sameysto gudaheeda oo qasaaladihii dharka lagu dhaqanayay gudaheeda la dhigto oo daro-niskii la dhigto iyo qaraxyadii gudhaeeda lagu keydsado waxay ahayd wax la yaab leh oo anan la filayn”

Dagaalka fari kama qodna

sawir ciidan

Inkastoo ay Puntland sheegtya in dagaalka ay guulo ka gaartay ayaa waxa ay hadana khubarada ka digayaan wali halista Daacish.

Qaar ka mid ah khubarada ayaa qaba in guulahani ay wali yihin hordhac islamarkana ay daacish wali xooggan yihiin.

Janaraal Cabdi Xasan Xuseen, oo Puntland ka soo qabtay xilalka taliyaha booliska iyo sirdoonka ayaa qaba in aysan fari ka qodneyn dagaalka ka dhanka ah Daacish.

“Dagaalka fari kama qodna aniga qiyaasteyda waa dheeraan doonaa waqti buu qaadan doonaa alle ayuu gacantiisa ku jiraa laakiin anaga saadaasha ana sameyn kartno in uusan dagaalku wali dhaweyn,” ayuu yiri Janaraal Cabdi Xasan.

Waxa uu farta ku fiiqay in goobaha ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen ay yihiin goobo kooban islamarkana ay Daacish difaacyo kale ku leeyihiin dhulka Buuraleyda.

“Waxay u badan tahay meelaha ciidanku qabteen saadad, meelo raashiin lagu aasto qalab ay lahaayeen, runtiina buurtaasi baaxadda leh godadka ay ku leeyihiin waa wax aan la qiyaasi karin aad bay u badan yihiin” ayuu intaa ku daray.

Janaraal Cabdi Xasan Xuseen ayaa carabka ku dhuftay in sida uu qiyaasayo ay Daacish sameeyeen istaraatijiyad islamarkana uu dhici karo dagaal faraha la isula tagay.

“Anigu waxaan aaminsanahay shaqsiyan inuu aad u dheeraan doono ilaa faraha la isula tago-na uusan dagaalka uusan si dhab ah u bilaaban doonin” ayuu yiri Janaraal Cabdi Xasan.

Janaraal Cabdi Xasan Xuseen ayaa dhanka kale xusay in dagaanada laga saaray Daacish iyo guulaha la garay ay qeyb wayn ka ahaayeen dadka deegaanka.

Sayidka oo bogaadiyey howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland.

Sayid Axmed ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagan Dowladda Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalkan.

Sheekada Odayaal ‘hooyadood oo 90 jir ah ku dilay’ Togdheer ee haddana aasay

Sheekada Odayaal ‘hooyadood oo 90 jir ah ku dilay’ Togdheer ee haddana aasay

Tuulada Habeedley ee gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh. laba nin oo walaalo ah ayaa lagu eedeeyay inay dileen hooyadood.

Dhacdada ayaa waxa markii ugu horreysay la soo weriyay December 23, 2024, ka dib markii la sheegay in Aamina Yuusuf Ismaaciil ay nafta dhaafiyeen hooyadood.

Labada nin ee walaalaha ah, oo hadda udub dhexaad u ah masiibadan, ayaa la sheegay inay maleegayeen shirqool lagu soo afjarayo nolosha hooyadood. Kadib markii ay sameeyeen wax aan la malayn karin, waxaa la sheegay in ay aaseen Aamina ayagoo rajeynayey inay qariyaan sirtoodii mugdiga ahayd, oo runtu aanay weligeed soo bixin.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan si ay cadaalad ugu raadiyaan Aamina, waxayna booliiska deegaanka bilaabay baaritaan dhab ah Iyagoo ka duulaya dareen xilkasnimo iyo culayska murugada wadareed ee bulshadu leedahay, waxay markiiba xidheen labada wiil ee tuhmaneyaasha, kuwaas oo hadda wajahaya eedaymo la xidhiidha falkan foosha xun.


Ciidanka Ammaanka ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay maxkamad ku taalla Magaalada Burco u gudbiyeen kiiska labada nin ee walaalaha ah ee ku eedaysan in ay dil u geysteen hooyadood marxuumad Aamina Yuusuf Ismaaciil, oo sagaashan jir ahayd.

Dilka Marxuumadan ayaa ka dhacay deegaanka Habeedley, oo ka tirsan Degmada Riyo Xidho ee Gobolka Togdheer oo qiyaastiina 130 Kiilomitir dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Burco

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Cali Maxamed Faarax.
Qoraalka sawirka,Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Cali Maxamed Faarax.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Cali Maxamed Faarax, ayaa u sheegay BBC-da in Ciidanka Ammaanka ee Gobolka Togdheer ay gacanta ku soo dhigeen labada nin.

“Waxaan gacanta ku soo dhignay laba nin oo walaalo ah oo ku eedaysan dilka hooyadood, oo dabayaaqadii bishii hore ka dhacay deegaanka Habeedley ee Gobolka Togdheer, waxaana kiiskoodu u gudbinay Maxkamadda” ayuu yiri taliyaha.

Kornayl Cali Maxamed oo sharaxaya sida uu dilka u dhacay ayaa sidoo kale yiri “Dilkan waxa uu ka dhacay tuulada la yiraahdo Habeedlay ee Gobolka Togdheer, haweenay ayaa halkaas lagu dilay, ciidanka Booliska ayaa tegay, waxaana loo soo qabtay laba wiil oo ay haweenaydu dhashay, oo kiiskan ku eedaysan.”

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Gaashaanle sare Cali Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in dilka haweenaydan loo adeegsaday toorrey, “Dilka haweenaydan waxa loo adeegsaday Tooray, oo dumarkii arkay waxa ay noo sheegeen in toddoba meelood oo jirkeeda ka mid ah lagaga dhuftay tooraydan. Boolis ahaan waxaanu aamisanahay dilka in ay geysteen labadaas nin,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxa kale oo uu intaas raaciyey in baadhitaan ay kiiskan ku sameeyeen, isla markaana qoraallo ay ka qoreen labada nin ee walaalaha ah ee ku eedaysan dilka hooyadood, waxaanu xusay in ay Maxkamadda ay u gudbiyeen kiiskan, si ay u dhegeysto “Baadhitaankii aanu samaynay iyo xogta aanu hayno waxa aanu la wadaagi doonnaa Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda, halkaas ayaa la geynayaa oo markhaatiyada laga dhegeysan doonaa.”

Taliyuhu waxa uu intaasi raaciyey in Marxuumadda markii ay ‘dileen labada nin’ ee ay dhashay ay iyagu gacantooda ku aaseen.

Dhinaca kale Cabdilaahi Maxamed Aadan, oo Marxuumadu eeddo u ahayd, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in qoys ahaan dhacdadani ku noqotay mid naxdin leh, oo lama filaan ah “Arrintan waxa ay nagu noqotay mid argagax leh, oo aan qoys ahaan ka naxnay. ilaa imika labada Wiil ee ay dhashay ayaa ku eedaysan falkan mana garanayno sabab ay hooyadood u dileen.”

Cabdilaahi Maxamed oo aan weydiinay in uu jirto khilaaf qoyska ah oo ay ogaayeen inuu dilkan sababay, waxa uu sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ay ogaayeen iyo hanti ay hayseen qoysku oo ay hooyadood u dili karaan.

Cabdilaahi Maxamed Aadan, oo aan weydiinay sida lagu ogaaday in ay Wiilasheedu dilka hooyadood geysteen ayaa yidhi “Waxa lagu ogaaday iyaga ayaa la joogay guriga, oo markii dambena dadka tuulada u sheegay in ay hooyadood geeriyootay, oo lala aaso, balse dumarkii Maydka maydhayey ayaa arkay midiyaha ku yaala jidhkeeda, markaa ayaa shakigu yimid, madaama uusan wax xanuun ah jirin oo iyada oo caafimaad qabta dadka jaarka lahaa ay sheegeen in la waayey”.

Labada wiil ee ay dhashay marxuumadu ee ku eedaysan dilkeeda, ayaa la sheegay in da’adoodu ku jirto Toddobaatameeyada mid ahaan oo ka weyn ah, halka yar oo ah midka loo badinayo inuu dilkan geystay uu ku jiro da’da lixdameeyada, sida uu Cabdilaahi Maxamed u sheegay BBC-da. Labada nin ayaan lagu ogayn xanuun maskaxeed, ayadoo dhimirkooda uu taam yahay sida uu BBC u sheegay Cabdillaahi Maxamed Aadan.

Ciyaaryahan Muslim ah oo diyaarad laga dejiyey

Ciyaaryahankii hore ee UFC, haystana diinta Islaamka Khabib Nurmagome ayaa Diyaarad laga dejiyey ka dib markii mid ka mid ah shaqaalaga Diyaaraddu u sheegtay inay wel wel ka qabto oo ayna xasilooni dareemayn inta aad ag fadhido fadhiyo albaabka laga baxayo. Muslim ahaan ayeey u diiday inuu diyaaradda la raaco/