Gudiga Taakulada Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey Lacag taakulo ah oo kala waregeen jaaliyadaha Reer Puntland ee ku sugan wadamada Yurub America iyo Africa, iyagoona U mahadceliyey.





Gawaaridii looga qabsaday SNM ayaa lagula dagaalamayaa Argagixisada Calimiskaas. Waa Guul labo Jibaaran
SSC-Khaatumo 🇸🇴 security forces fighting against ISIS terrorists in Cal-Madow mountains 🏔️ with armoured vehicles captured from clan enclave secessionists “somaliland” in north-west Somalia. pic.twitter.com/aZgKvJDYuS
— Àbyąn (son of Ðaraawiish)🐎🇸🇴 (@RealAbyan) February 23, 2025
100 qof oo ka soo jeeda maamulka Isaaqland oo la waydiiyey cidda ay taageersan yihiin Daacishta iyo maamulka Puntland ee la dagaalamaya ayaa ku wada jawaabay inay Daacish raacsan yihiin.
Taliye Indha yare o ay madaxda SNM aad u yaqaaniin ayaa isaga oo arinta ka jwaabaya yidhi ‘ iyagaa (Somaliland) soo abaabula
Israa’iil oo ka carootay ‘xushmad’ ay Xamaas u muujisay la heyste Israa’iili Muslim ah
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa Xamaas ku cambaareeyay sida gaarka ah ee ay u sii deysay la heystaha kasoo jeeda qowmiyadda Bedouin, Hisham al-Sayed.
Waxaa la filayay in lala sii daayo saddex kale munaasabad ka dhacaysay Nuseirat oo goor sii horreysay balse isbeddel qorshe oo degdeg ah ayaa lagu sii daayay “munaasabad la’aan”.
War ay soo saareen, ayay IDF ku tiri: “Xamaas uma sameyn doonaan ‘munaasabaddooda’ la heyste Hisham al-Sayed iyagoo xushmeynaya bulshada Israa’iiliyiinta ee Bedouin iyagoo aan marineynin marxaladda argagaxa leh”.
Hisham al-Sayed ayaa Qasa lagu hayay tan iyo 2015.
Ciidamada IDF ayaa is weydiiyay “aaway ‘xushmaddan’ loo hayay Carabta Israa’iiliyiinta ah markii ay Hisham la heyste ahaan u heysteen muddo ka badan toban sano?”
Xamaas ma aysan sharrixin sababta.
Balse waa qofkii ugu horreeyay Muslim Israa’iili ah oo la sii daayo.
Shan ka mid ah lixda la heyste oo maanta lagu waday in lasii daayo ayaa goor sii horreysay loo gacan-geliyay saraakiisha Laanqeysrta Cas ee ku sugan deegaanka Rafax, koofurta Qasa.
Markii hore labo ayaa la sii daayay, halka saddexda kale saacado kadib lasii daayay. Hesham ayaa lagu waday in lala sii daayo saddexdaas, balse ma dhicin.
Laanqeyrta Cas ayaa iyadana ku wareejisay qaarkood ciidamada Israa’iil.
Labo ka mid ah la heystayaasha waa Avera Mengistu, oo la qabtay sanadkii 2014 kadib markii uu u gudbay Qasa, iyo Tal Shoham, oo 40 nir ah, oo laga kaxaystay Kibbutz Be’eri 7 October 2023.
“Labada la heyste waxaa haatan la socda ciidamada gaarka ah ee IDF iyo ciidamada ISA (Hay’adda Ammaanka Israa’iil) markii ay dalka kusoo laabanayeen, halkaas oo ay ku mari doonaan qiimeyn horudhac ah oo caafimaad,”sida lagu yiri war kasoo baxay IDF.
“Ciidamada IDF ayaa isu diyaarinaya inay la wareegaan la heystayaal dheeraad ah oo loo gacan-gelin doono Laanqeyrta Cas mustaqbalka dhow,” ayay warbixintu intaa raacisay.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay sii deyn doonto dhammaanba haweenka iyo kuwa ka yar 19 sano ee la xiray tan iyo bishii October.
Lixda la heyste ee nool ee maanta la sii daayay, afar ka mid ah waxaa la qabtay intii uu socday weerarkii ay Xamaas ku qaadday Israa’iil 7 October 2023. Labada kale ee la heyste ayaa lagu hayay Qasa muddo toban sano ah.
Lidan ayaa kala ah:
Eliya Cohen: 27 jir ah, isaga iyo saaxiibtiisa ayaa markii hore weeraryahannada Xamaas ee 7 October weerarka soo qaaday uga gabbaday xarun, balse waa la qabtay, waana la kaxaystay. Bishii June, muuqaal Xamaas ay duubtay oo la sii daayay ayaa muujinayay xilligii Eliya iyo qaar kale la kaxaystay.
Omer Shem Tov: 22 jir jira, markii hore gaarigiisa ayuu ku baxsaday balse waa la qabtay markii uu isku dayay inuu badbaadiyo saaxiibbadiis Maya iyo Itai Regev. Dhammaan saddexdooda ayaa la qabtay – walaalaha Regev ayaa la sii daayay November 2023, balse waxay sheegeen inay isla joogeen Cumar.
Tal Shoham: 40 jir ah, waxaa laga kaxaystay Kibbutz Be’eri. Xaaskiisa, Adi, labadooda carruur ee yaryar, iyo soddohdood, Dr Shosham Haran, ayaa sidoo kale la qabtay balse waxaa la sii daayay bishii November 2023. Seyga Dr Haran, Avshalom, ayaa lagu dilay weerarkii 7 October.
Omer Wenkert: Maamule hoteel oo 23 jir ahaa. Farriin ayuu u diray qoyskiisa isagoo u sheegay inuu tagayo xarun ammaan ah balse haddana xiriirkooda ayaa lumay. Qoyskiisa ayaa sheegay inay arkeen muuqaalka Xamaas ay duubeen ee Cumar, oo uu ku jiro sawirkiisa isagoo katiinadeysan keliyana xiran buumo.
Hisham al-Sayed: Oo kasoo jeeda qowmiyadda Bedouin oo Carab Israa’iil ah laguna hayay Qasa tan iyo sanadkii 2015. Xamaas ayaa sheegtay in isaga iyo Avera Mengistu ay yihiin ciidan, balse dokumentiyada Israa’iil ee ay aragtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa muujinaya in labadooduba ay yihiin rayid laga joojiyay howlaha militariga. Labadooda ayaa iskood ugu gudbay Qasa. Bishii June 2022 Xamaas ayaa sii deysay muuqaal muujinaya al-Sayed.
Avera Mengistu: Waa Itoobiyaan Israa’iili ah, Mengistu ayay Xamaas qabteen 2014. Bishii January Xamaas ayaa sii deysay muuqaal kooban oo aan taariikheysneyn kaasoo uu kasoo muuqday nin si aan la fahmi karin uga hadlaya afka Hebrew: “waxaan ahay la heystaha Avera Mengistu. Muddo intee ah ayaan la heystenimo lasii ahaanayaa saaxiibbadey.” Qoyska Mengistu ayaa xaqiijiyay inuu isaga yahay, ololaha Sii daaya Avera ayaa sidaas u sheegay BBC sanadkii 2023.
Xildhibaanada Hawiye oo ku kala qaybsamay in degaanadooda Alshabaab haystaan iyo inay Dawladdu maamusho
The situation of the Somali Parliament today is such that government supporters, especially Ministers who are also parliamentarians, are being used to intimidate others, which, as you can see, has lowered the level in the parliaments. Moreover, they are unleashed like attack dogs… pic.twitter.com/7rA2oFm4pa
— Halima Gutale De/So (@FrauSchwarz3) February 22, 2025
Wareysi: Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Fiqi
Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sheegtay in Puntland ay diiday in ay dowladdu ka caawiso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ka dagaallameysa deegaannada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo ka jawaabayay wareysi uu shalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, siiyay VOA, oo uu ku sheegay in Puntland aysan dowladda ka aqbalin caawinaadda dagaalka ay kula jirto Daacish, ayaa sheegay in dowladda ay ka aqbalayaan kaalmo walba oo dhab ka ah, balse ay hadda hadal kaliya ka hayaan.
Maxaa sababay sare u kaca Islaam Naceybka ee UK, sideese u saameyay dadka ay Soomaalidu ka mid tahay?
Khatarta islaam nacaybka UK ayaa sare u kacday ilaa heerkii ugu sareeyay sanadkii hore, sida uu sheegay urur la socda arrimaha Islaam neceybka.
Ku dhawaad 6,000 oo warbixin oo la diray ayaa lagu xaqiijiyay inay yihiin dhacdooyin ka dhan ah Muslimiinta, taas oo ka badan laba jibaar tiradii labo sano ka hor.
Ururka ayaa warbixintiisa waxa uu ku sheegay in ay jireen “hadalo badan oo si been abuur ah ugu muujinaya Muslimiinta in ay yihiin argagixiso ama taageereyaal argagixiso” ka dib iskahorimaadka Israel iyo Gaza iyo dilalkii Southport.
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa natiijada ku tilmaamay “mid aad u khuseysa” wuxuuna sheegay inay ” ku dedaali doonaan sidii meesha looga saari lahaa nacaybka iyo cunsuriyadda ka dhanka ah Muslimiinta meel kasta oo ay ka dhacdo”.
Wadar dhan 6,313 kiis oo naceyb ah ayaa ay diiwaan galisay Tell Mama sanadkii 2024, taasoo ah koror 43% ah sanadkii hore – iyadoo 5,837 ka mid ah warbixinada ay xaqiijiyeen kooxda.
Ururkan oo isku tilmaama in uu yahay hay’adda hormuudka ka ah la socodka dambiyada nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen kor u kac aad u sarreeya oo ku saabsan dhacdooyinka khadka tooska ah, iyada oo 3,680 xaaladood la soo sheegay – 72% ayaa kordhay tirada laba sano ka hor.\
Weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku soo badanaya UK ka dib labadii dil ee ka dhacay Southport bishii Luulyo ee la soo dhaafay iyo bilowgii iskahorimaadka Israel iyo Gaza ee Oktoobar 2023.
Sida warbixinta lagu sheegay, in ka badan kala bar dhacdooyinka internetka ee Islaam nacaybka ayaa dhacay sannadkii hore ka dib markii saddex gabdhood lagu dilay fasalka qoob ka ciyaarka ee Southport. Inta badan dhacdooyinka ayaa ka dhacay barta bulshada ee X – oo hore loo oran jiray Twitter.
Sheekh Cismaan Usuuli ayaa sheegay in sida muuqato uu kordhay Islaam naceybku hase-yeeshee waxaa uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo ka qayb qaatay oo mararka qaar ka badbadis ah.
“Qolada warbixinta baahisay waxay leeyihiin wuu kordhay Islaam naceybku marka loo eego sanadihii 2003-dii iyo 2004-tii,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.
Sheekh Usuuli ayaa intaa raaciyay in dhacdooyinka qaar lagu dabaqo waxyaabo mararka qaar aaney dad Muslimiin ah gaysan.
“Dhacdooyinkaan intooda badan markii dhawaan Ingriiska lagu dilay saddex gabdhood, oo warbixino xumada qolyahay baraha bulshada ay ka dhigeen in nin Muslim ah uu dilay, mana aheyn nin Muslim ah,”.
“Islaam naceybku waa jiraa, laakin marka dhacdo timaadoayay dhacdadaas xoojisaa, markaad fiiriso guudahaan Yurub oo dhan ama xitaa Ingiriiska, dadkii cunsuriyiinta ahaa oo da’da ahaa, way dhamaanayaan, dhalinyaro yaryar oo isku milantay oo isku guursada ayaa soo badanaya, laakin warbaahinta ayaa buunbuunisa,”.
Sheekha ayaa intaa ku daray in tallaabooyinka ka dhanka ah Islaam naceyn aan mararka qaar lala xiriiri karin arrimaha Qasa, oo dadka qaar ay sheegayaan in si uun la isugu dhajiyo, isagoo bidhaamiyay in ay tahay arrinta Qasa mid Insaanka oo dhan wada taabatay oo aysan ahayn wax cid gaar ah ay ka xanuusato.
Dadweynuhu waa inay “si wada jir ah uga hortagaan nacaybka iyo xagjirnimada”, ayay tiri Iman Atta, oo ah maamulaha kooxda, waxayna ku boorisay kuwa saamaynta ku leh “inay ka fiirsadaan sida afkoodu khatar ugu yahay bulshada”.
Mooryaan Indhacde oo la talinaya Madaxda Muqdisho ayaa yidhi sidayn’ Kolay tuuga ayeenu nahay oo Tuugnimo deen mayne aymu Muqdisho lacagta gelino
“You built this enormous luxury venue by the coast with money you stole from the people. We all know that we’re all stealing, but we must commend you—you didn’t smuggle the stolen money abroad; you invested it in the country. We should all take you as an example.”
— ABDINASIR (@calinasir9) February 20, 2025
Yusuf İndhacade pic.twitter.com/4ebQvbAzzR
Omar Finnish, the former mayor of Mogadishu, built this place. It's excellent that he's investing in Somalia, particularly in his city; but, my honest question is whether the former Mayor was a businessman before entering politics, because I don't think a city mayor's salary.. pic.twitter.com/kZ4nm4l6X3
— Somalia (@kingofSomaliaa) February 20, 2025
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ahna Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidanka Puntland Saciid Jaamac Qorsheel..Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya Waan idinka Gudoonay Daawada Aad na soo Gaarsiiseen..
50-kii Xildhibaan ee PL ku matalayay Baarlamaanka Xamar fadhiya,waxaa laga helay oo Dalkooda la dareen noqday 14-kan.
Bulshada Degmada Boocame ayaa maanta ku wareejiyey 20 neef oo geela iyo 100 neef oo adhi ah guddiga taakulayntaoo ciidamada Dawladda puntland ee Dagaalka kula jira daacish buuralayda Cal-miskaad.