Khaatumada dhinacee la socotaa

Waa maxay sababta M. Culusoow ugu soo dari waayey Xisbigiisa Siyaasiyiinta Isaaq

Kulamaddii Muqdisho uga socday Mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow iyo Hogaamiyaasha maamul goboleedyada qaarkood ayaa ku soo dhamaaday Urur uu Xasan Culusoow madax ka yahay, iyaguna ay ka wada tirsan yihiin ururkaas oo beesha Daarood laga siiyey ku xigeenka Beesha Digil iyo Mirifle.

Hadaba waxa is waydiin mudan siyaasiyinta Dhulbahante iyo kuwa Isaaq ee shirka fadhiyey kama mid aha ama laguma soo darin Ururka Xasan Culusoow madaxda ka yahay , mana mucaaradin ee maxaa qarsoon oo lagu qanciyey.

Sida muuqata ama Xasan Culusoow wax u doonayo ayaa ah in Soomaali wax ku qaybsato Waqooyi iyo Koonfur , sidaas awgeed uu xisbiga Xasan Culusoow madaxda ka yahay uu yahay kii reer Koonfureed. Ururkaas mid la mid ahna ay soo samaystaan reer Waqooyiga oo Isaaqu hogaaminayaan.

Hogaamiye Firdhiye iyo Xildhibaan Tima cade, oo ay wax walba kala weyn tahay bur burinta Puntland , iyagu arintaas dood kama qabaan.

Qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada ayaa ku dhow heshiis in laga gaaro.

Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa ah Guddoomiyaha ahna Musharrax ururka, halka ku-xigeennada lagu wado; Madaxweyne Laftagareen ku xigeenka labaadna Raysal wasaare Xamze Barre iyo Xoghayaha-guudna Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka socda Galmudug.

Wadatashiyadii u dambeeyay ayaa la isku afgartay qaab dhismeedka Xisbiga oo wax laga bedelay sidii markii hore la saadaalinayay inuu noqdo waxaana qaab dhismeedkiisa yahay:

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo markii hore dood ka keenay hannaanka qaab dhismeedka Xisbiga ayaa maalinta berri dib ugu soo laabanaya Muqdisho, si loo dhammeystiro wadatashiyada, ugu dambeyn maalinta Talaadada la isla qaato inay dhacdo Xafladda shaacinta Xisbiga

Haddii si rasmiga ah loogu dhawaaqo Isbaheysigan cusub ee ay ku mideysan yihiin Madaxda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa durba wuxuu u muuqan doonaa mid lagu bedelay Xisbi. Tijaabadan oo kale horay ayey dalka u soo martay, iyadoo hal Xisbi oo xubnaha sare ee dowlad oo idil sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare,  Guddoomiye Baarlamaan, Xildhibaanada, saraakiisha dowladda oo dhan ku wada jiraan, haddana waxay noqotay tijaabo horay loogu soo hoogay.

Maraykanka oo ku sheegay shirkii Muqdisho Shinbirayohow_heesa_

Maraykanka oo ku sheegay shirkii Muqdisho Shinbirayohow_heesa_

Maraykanka oo shirkii Canaasiirta Muqdisho dhowaan ku shirtay ku sheegay Shimbirayohow heesa iyo gole Soomaalida qaarkeed lagu dulminayey

Dowladda Maraykanka ayaa gabi ahaanba lahortimid go’aanadii Madasha kasoobaxay, waxayna Tori.

“Saamileyda siyaasada ee muhiimka ah, waa inay tallo kuyeeshaan arrimaha federaalka iyo qaabla doorashooyinka, go’aan walba oo aan loodhamayn, waa sharcidaro, waxuuna caqabad kuyahay amniga”.

Qoraalka Maraykanka waxaa lagu lifaaqay bogga Villa Somalia.

Arrinkan waxay wajigabax iyo kuftin-siyaasadeed kutahay ragii dhowaanta soo saaray go’aanadii u gaarka ahaa. Waxayna banaanka keentay, inay dhab tahay tallooyinka horay si hoose loogu sheegay Madaxweyne XasanCulusoow

Wasiirka shidaalka Turkiga

Ma dhahayno waxbaan ka soo saarnay Soomaaliya ka hor intaan Ceelasha shidaalka la qodin

Waxa jira cadow badan oo fafinaya been oo leh Turkiga ayaa wax walba qaatay

Ciidanka kabaha ilaaliya

Haddaad iswaydiinaysay Xagee aadeen ciidanka Koonfurta Soomaaliya loo tababaray.

Boqolaal kun oo ciidan Soomaaliyeed ah oo ay ku baxday Bilaayiin doolarka Maraykanka ah ayaa loo tababaray koonfurta Soomaaliya, si ay uga xoreeyaan alshabaabka , hase ahaatee ilaa hadda ma jirto Tuulo ay ka xoreeyeen , gaar ahaan inta madaxweynaha hadda xilka hayaa Xasan Culusoow xilka hayey.

Madaxweynahan oo musuqmaasaq iyo qabyaalad ku caan baxay ayaa waxa ka hoos shaqaysa kuwa ka sii liita oo dawladnimada u yaqaan Mooryaanimo.

Muuqaalka hoose waa Askartii loo tabaray inay alshabaabka ka xoreeyaan Aadan yabaal d iyo degaanada la midka ah oo ilaalinaya kabaha mid ka mid ah gacan yarayasha madaxweynaha oo dhinac gooni ah kaga tukanayey Masaajidka, kabihiisana uu sii dhigtay meel gaar ah oo ay askaartu ka arki karaan. Waxa ka sii daran inay Kabihiisa ilaaliyaan oo ayna Aadan yabaal tegin salaadii lagu lahaana waa dhaafsiiyey

Mascuud: Ninka sababay in Hindiya iyo Pakistan ay is fara-saaraan

Mascuud: Ninka sababay in Hindiya iyo Pakistan ay is fara-saaraan

Horaantii todobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaalo ah ku qaadday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, taas oo jawaab u ahayd weerar khasaara badan dhaliyay oo ay mintidiinta ku qaadeen dalxiisayaasha Hindiya ee Kashmir laba toddobaad ka hor oo ay ku dhinteen 26 qof.

Hindiya waxa ay sheegtay in goobaha ay bartilmaameedsatay ay ahaayeen “kaabayaasha argagixisada,” iyada oo sharraxaysa in la beegsaday masaajidka Subhan Allah ee Bahawalpur, bariga Pakistan.

Maamulka Hindiya ayaa ku eedeeyay kooxda xagjirka ah ee la mamnuucay ee Jaish-e-Mohammed (JeM) inay masaajidka u isticmaalayeen xarun “qorista, diyaarinta milatariga, iyo tababarida fikradaha xagjiriinta.”

Hoggaamiyaha kooxda, Mascuud Azhar, oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay argagixiso, ayaa sheegay in weerarrada Hindiya ay ku dileen xubno badan oo qoyskiisa ah. Haddaba maxaan ka ognahay kooxda la mamnuucay ee Jaish-e-Mohammed iyo hogaamiyahooda?

Waa kuma Mascuud Azhar

Mascuud Azhar waxa uu caalamku u yaqaanaa xag-jir kaas oo ku kiciyay “Islaamiyiinta” adduunka oo dhan in ay geystaan ​​dil iyo falal kale oo argagixisanimo iyaga oo wata calanka “dagaal barakeysan”.

Azhar waxa uu dhashay1968-kii waxa uuna ka dhashay qoys diimeed oo ku nool Bahawalpur, aabihiis waxa uu ahaa dhakhtar iyo faylasuuf.

Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Culuumta Islaamka ee Karachi, oo ah magaalada ugu weyn Pakistan. Ka dib markii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Banouria ee Xarunta Waxbarashada Diinta, waxaa loo magacaabay macalin.

Azhar waxa ay Afgaanistaan ​​kula dagaalameen mujaahidiin sanadkii 1989-kii, Tahir Hamid, oo ah kaaliye u dhow Masood Azhar, ayaa u sheegay Rasail al-Jihad, oo ah majalad jihaad doon ah.

Ka dib markii uu ka soo laabtay Afgaanistaan, wuxuu sii waday inuu ku baaqo rabshado meelo kale ka dhaca, oo ay ku jiraan Karachi, Hyderabad, Sukkur, Nawabshah iyo meelo kale.

Azhar wuxuu qoray maqaallo uu ku cabirayo aragtidiisa oo uu ku hurinayo colaadda jihaad doonka ah, wuxuuna bishii Janaayo 1990-kii daabacay cadadkiisii ​​ugu horreeyay ee majaladda bilaha ah ee “Sada al-Mujahid”.

Majaladdan ayaa la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelatay Xarrakatul Mujaahidiin oo la mamnuucay oo hadda la kala diray, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyadooda hubeysan ka waday gobolka Kashmiir, waxayna ka doodeen fikradaha Xarrakatul Shabaab.

Mascuud Azhar waxa uu qoray in ka badan 30 buug oo ka hadlaya Jihaadka Islaamka, Taariikhda Islaamka, Tababarka Jihaadka iyo Maamulka Jihaadka. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lagu dagaalamo Afgaanistaan ​​si loo difaaco qiyamka Islaamka, sida ay sheegeen saxafiyiinta iyo khubarada.

Qaabkii xabsiga looga sii daayay markii Hindiya lagu xiray

Sannadkii 1994-kii, waxaa lagu xiray Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo.
Qoraalka sawirka,Sannadkii 1994-kii, waxaa lagu xiray Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo.

Mascuud Azhar waxa uu aaminsan yahay rabshadaha jihaad doonka ah ee caalamka waxa uuna booqday waddamada Hindiya, Bangladesh, Sacuudi Carabiya, Zambia, iyo UK, sida ay sheegeen qaar ka mid ah gacanyareyaashiisa.

Sannadkii 1994-kii, waxaa lagu xiray Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo.

Bayaan uu soo saaray isagoo xabsiga ku jira, Azhar wuxuu u sheegay sirdoonka Hindiya, sida ay sheegtay warbaahintu xilligaas, inuu u aaday Hindiya si uu u qiimeeyo suurtagalnimada “jihaadka” halkaas. Markii hore Bangladesh, ka dibna caasimadda Hindiya, Delhi, isagoo wata baasaboor Portuguese ah.

Magaca Azhar wuxuu caan noqday sanadkii 1995-tii, ka dib markii lix dalxiisayaal ajnabi ah lagu afduubtay Kashmir oo ay Hindiya maamusho; Afduubayaashii dadkaas ayaa dalbaday in Mascuud la sii daayo, taas oo dowladda Hindiya ay diiday.

Shan ka mid ah lixdii dalxiisayaasha ee la afduubay ayaa la rumeysan yahay in la dilay, halka mid ka mid ah uu u suurtagashay inuu baxsado.

December 24, 1999, diyaarad Air India ah ayaa la afduubay iyadoo ka soo duushay caasimadda Nepal ee Kathmandu, kuna sii jeeday Delhi.

Diyaaradda ayaa ku degtay magaalada Kandahar ee koonfurta Afgaanistaan, halkaasoo ay maamulayeen kooxda Taliban.

Ka dib, afduubayaashu waxay dalbadeen in Azhar la sii daayo si ay u sii daayaan 155 la haystayaal ah oo diyaaradda la socday.

Wadahadal dheer ka dib, waxaa la sii daayay labo kale oo kala ahaa Cumar Siciid Sheekh iyo Mushtaaq Zargar.

Waa maxay xukunka quraanjo tahriibinta?

Waa maxay xukunka quraanjo tahriibinta? Xukun ku dhacay rag lagu qabtay ayagoo quraanjo dhoofinaya

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ku xukuntay afar nin min hal sano oo xadhig ah ama ganaax dhan $7,700 (£5,800), ka dib markii lagu helay dambiga ah inay isku dayeen inay dalkaas ka tahriibiyaan boqollaal qudhaanjo, si gaar ah teeda waaweyn.

Eedeysanayaashaas—oo kala ah wiilal dhalinyaro kasoo jeeda Biljamka oo lagu kala magacaabo Lornoy David iyo Seppe Lodewijckx, mid Vietnam u dhashay, Duh Hung, iyo qof Kenyaan ah, Dennis Ng’ang’a—ayaa qirtay inay dhoofinayeen in ka badan 5,000 oo quraanjada nooca Messor cephalotes ah, oo sidoo kale loo yaqaanno Giant African Harvester Ants, kuwaasoo la dhex-geliyay ilaa 2,200 tubooyin ah si ay usii noolaadaan inta safarka lagu jiro.

Sida ay labada nin ee Belgian-ka ah ay u sheegeen maxkamadda, waxay qudhaanjadaas u urursanayeen si hiwaayad ah, isla markaana ma aysan ogeyn inay tahay arrin sharci-darro ah.

Laakiin Arbacadii, xukunka ayaa ayadoo ku dhawaaqaysa xukunka garsoore Njeri Thuku waxay sheegtay in nooca cayayaanka la qabtay uu ahaa mid qiimo badan oo ay lahaayeen kumannaan xabbo, ma ahayn tiro yar.

Qudhaanjadan oo keliya laga helo Bariga Afrika, ayaa la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Yurub iyo Aasiya, halkaasoo hashii quraanjo ay ka joogto ilaa $130.

Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS), oo looga bartay ilaalinta noolaha waaweyn, sida libaaxa iyo maroodiga, ayaa arrintan ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah”.

Kiisku wuxuu muujiyay “isbedel naxdin leh oo ku yimid qaababka ka ganacsiga [noolaha] – laga bilaabo naasleyda caanka ah ilaa noocyada aan caanka ahayn ee muhiimka u ah isku dheellitirnaanta deegaanka”, ayay tidhi Waaxda Adeegga Duurjoogta ee Kenya.

Tuhmanayaashu waxay ku qariyeen noolayaashan la qabtay “tubbooyin la farsameeyay oo si gaar ah loo hagaajiyay iyo silingooyin” kuwaas oo awood u siin lahaa cayayaanka inay sii noolaadaan laba bilood” ayay tidhi KWS.

Waxaa kale oo jiray “isku day la xisaabiyey oo lagu doonayay in lagaga gudbo nidaamyada amniga” iyadoo la qarinayo waxa ku jira tuubooyinka.

Sawirro laga soo qaaday rarista sharci darrada ah ee ay Waaxda Adegga Duurjoogta ee Kenya shaacisay ayaa muujinaya boqolaal silingooyin ah oo ay ka buuxaan suufaf, oo mid walba ay ku jirto labo ama saddex qudhaanjo.

Afarta qof ee la tuhunsan yahay oo kala ahaa labo u dhashay dalka Belgian, Vietnamese iyo Kenyan – ayaa la xidhay, ka dibna waxa ay hay’adda KWS ku tilmaantay “howlgal qorshaysan oo sirdoonku hogaaminayey”.

Waxaa la aaminsan yahay in meelaha loogu waday qudhaanjooyinkan ay ahaayeen suuqyada xayawaanka ee Yurub iyo kuwa Aasiya.

.

KWS ayaa sheegtay in baahida loo qabo noocyada cayayaanka dhifka ah ay sii kordheyso. Soo ururiyeyaashu waxay ku hayaan degaanno gaar ah, oo loo yaqaanno foricariums – oo ah sanduuq xidhan oo lagu sameeyo darsidda qudhaanjada iyo dhismaha deegaanadooda.

Qudhaanjada waaweyn ee qadhaabata ah, ee dhalatuuga Afrikaanka ah – ama Messor cephalotes – waa tan ugu weyn noocyadeeda waxayna kori kartaa ilaa 20mm, iyadoo boqoraddu ay korto ilaa 25mm.

Pat Stanchev, oo ah maamulaha guud ee website-ka ka ganacsada cayayaanka ee Best Ants ee UK, ayaa sheegay in ay tahay “xajmiga weyn ee quruxda badan” taas oo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh kuwa doonaya in ay u haystaan sidii xayawaan guri.

Isagu ma iibiyo qudhaanjada weyn ee Afrikaanka ah ee qadhaabata ah, balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu ka warqabo dadka isku dayaya in ay u gudbiyaan cayayaanka sida sharci darrada ah loo keeno.

Dalka Kenya, qudhaanjada waxaa ilaaliya axdiyada kala duwanaanshaha noole ee caalamiga ah, ganacsigooduna aad buu u nidaamsan yahay.

“Xeer ilaalintan waxay diraysaa farriin adag oo ah in Kenya ay dhaqan galin doonto ama, waxayna calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dagaalka ay Kenya kula jirto dambiyada aan caadiga ahayn ee duurjoogta” ayay tiri Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS).

Hindiya oo weerar gantaalo ah ku qaadday Pakistan

Hindiya oo weerar gantaalo ah ku qaadday Pakistan

Tiro qaraxyo ah ayaa laga maqlay dhowr meelood oo ku yaalla Pakistan iyo qaybta ay Pakistan xukunto ee gobolka Kashmir ayadoo Hindiya ay sheegtay inay weerar ku qaadday “tas-hiilaadka argagixisada” ee sagaal goobood, Pakistanna waxay wacad ku martay inay weerarrada ka jawaabi doonto.

Qaraxyada ka dib ayey korantadu ka go’day Muzaffarabad oo ah caasimadda gobolka Kashmir ee ay Pakistan maamusho sida ay goobjoogeyaal sheegeen.

“In yar ka hor ciidanka qalabka sida ee Hindiya waxay qaadeen ‘hawlgalka Sindoor’, waxayna garaaceen tas-hiilaadka argagixisada ee Pakistan, iyo Jammu iyo Kashmirta ay Pakistan haysato, halkaasoo weerarro argagixiso oo ka dhan ah Hindiya laga soo qorsheeyey, lagana maamulay” ayey xukuumadda Hindiya ku tiri hadal qoraal ah oo ay soo saartay, oo ay baahisay wakaaladda Reuters.

Afhayeen u hadlay milateriga Pakistan ayaa u sheegay warbaahinta ARY in Hindiya ay weerartay Pakistan oo seddex goobood ay gantaallo ku garaacaday, Pakistaanna ay ka jawaabi doon

Xiisaddan ayaa timid ayadoo labadaas dal ee haysta hubka Nukliyeerka ay mushkilad ka dhex aloosantay ka dib markii lagu weeraray dalxiisayaal Hinduu ah Kashmiirta Hindiya bishii hore.

Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan weerarkaas oo 26 qof lagu dilay, Pakistaanna waxay ku gacan sayrtay inay ku lug lahayd.

Kashmir ayaa ah gobol ay lahaanshihiisa sheegtaan labada dal.

Reer Waqooyigii oo Muqdisho ku kulmay

Xoogagga aadka u jecel in Soomaalidu wax ku qaybsadaan ‘ Waqooyi iyo Koonfur, oo uu hogaamiye u yahay madaxweynha Dawladda Soomaaliya ayaa caawa siyaasiyiintii reer Waqooyigu ku kulmeen magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha Khaatumo oo safka hore ugu jira kooxdan u ololaynaysa in wa loo qaybsado Koonfur iyo Waqooyi oo wax lagu qoslo u yaqaan Hartinimada iyo Puntland ayaacaawa la kulmay mid ka mid ah madaxda Isaaq ee uu aaminsan yahay inay mustaqbalka siyaasadda ku middoobayaan

Ra’iisalwasaare ku xigeenkii hore ee Dalka Md. Mahdi Gulleid ayaa booqasho ugu tegey hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha -Khaatumo.