Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaannada Jubbaland, kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha ammaanka iyo horumarinta deegaanka.

Wasiirada Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubaland ayaa kulanka qayb ka ahaa.

NISA oo markale gacanta ku dhigtay Konteenarkii 2-aad oo siday Saanad ciidan oo Khawaarijta loo waday

NISA oo markale gacanta ku dhigtay Konteenarkii 2-aad oo siday Saanad ciidan oo Khawaarijta loo waday

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabatay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kadib howlgal guuleystay oo gacanta lagu soo dhiga

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq dhaqaaq walba oo khawaarijtu dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasina ay sahashay in la helo xogtooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardargaliso dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo hadda ka socda Gobollada dalka si amni looga dhigo Caasimadda iyo gobolada dalka oo idil.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey Saanad ciidan oo loo waday khawaarijta Shabaab, kaas oo ku jireen alaabi Ciidan oo kala duwan.

Dekada iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, mas’uuliyiin iyo nuuc kasta oo ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Previous Post

Codeynta doorashada ku celiska ah ee Turkiga oo bilaabatay

Codeynta doorashada ku celiska ah ee Turkiga oo bilaabatay

Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.

Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo.

Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan.

Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.

Doorashadii Axaddii hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufadiisu waxa ay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi.

Kilicdaroglu, oo ah murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan 44.88%, isagoo ku soo xigay codadka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan uu ka badin doono.

Indhaha ayaa hadda lagu wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta saddexaad galay oo helay 5.17% taageerada dadweynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso musharraxaasi.

Khudbadihiisa ayuu hadda Kilicdaroglu xoogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan, waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono.

Ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga.

Turkey ayaa ah dalka koowaad ee martigeliya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay.

Ogan ayaa ku ololeeyey in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo ka soo qaxay dagaalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegaya in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, xilli qiimaha maciishaddu uu aad u kacay, sicir bararkuna uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay bishii February.

R/W Xamsa oo dhallinyarada ugu baaqay in ay Xukuumadda ku taageeraan ciribtirka amni xumada

R/W Xamsa oo dhallinyarada ugu baaqay in ay Xukuumadda ku taageeraan ciribtirka amni xumada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad,ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro ah oo,isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran  ay  dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

Tacsi: Manaal Maxamed Xasan Dhalo

Bahda ALLSANAAG, waxay tacsi tiiraanyo ah u dirayaan Aabe Maxamed Xasan Dhalo, oo ka soo mid noqday qorayaashii soo maray Allsanaag iyo hooyo Khadra Bashiir Cabdulahi geerida ku timid gabadhoodii Curad Allah ha u naxariistee Manaal Maxamed Xasan

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Waxaan Allah uuga baryayaan in uu gabadhoodii Manaal Maxamed uu   samair iyo iimaan Allah ka siiyo. Aamiin

ALLSANAAG

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Meertada 32-aad ee Jaamacadda Carrabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Meertada 32-aad ee Jaamacadda Carrabta 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.

“Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta, isagoo dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Hoggaamiyeyaasha xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Maxay rabaan siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland

Siyaasiyiintii horay ugu fashilmay hogaanka Puntland taageero ma ka haystaan Shacabka.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, oo ka soo jeeda beesha Warsangeli, xilkan wuxuu hayaa muddo gaaban oo aad u yar, wuxuuna ku guulaystay mid ka mid ah Mashaariicda ugu waaweyn ee Puntland laga hirgeliyey intii ay jirtay, taas oo ay ku faani karto, oo horay siyaasiyiinta maanta Mucaaradka ah ee ka soo wada jeeda beesha Majeerteen, qaarkood lacagtii loogu talo galay ay musuqmaasaqeen, qaarna nin jeclaysi iyo siddii ay xilka ugu soo laaban lahaayeen ay waqtigoodii ay doorashada ku qaban lahaayeen ku lumiyeen,

Duli Labawejiilaha..dabar iyo lugooyiyo..dusha midabka nooga eg..

Gudoomiye Cabdirisaaq, wuxuu ku guulaystay in uu guud ahaan degaanada Puntland uu dhowaan ka qabanayo doorasho hal qof iyo hal cod ah, oo la mid ah midda ka dhacda caalamka intiisa kale. Gudoomiyuhu horay wuxuu ugu guulaystay inuu diiwaan geliyo dhamaan cod bixiyaasha qaan gaaray ee reer Puntland,

Mucaaradka maanta diidan in doorasho ka dhacdo Puntland , oo danahooda gaar ahaaneed ka arki waayey waxa ka mid ah Gudoomiyihii ka horeeyey gudoomiyaha hadda jooga Guuleed Saalax oo ku guul daraystay in xitaa xaafad ka mid magaalada uu degan yahay uu wacyi gelin ka qabto iska doorasho uu guud ahaan Puntland ka qabtee.

Ugu danbayntii Mucaaradka Puntland ee u badan Siyaasiyiinta beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen oo gobolkoodii iyo magaaladdii Garowe ay ku dhismeeen dhaqaalahii lagu helay magaca Puntland, oo siyasiyiintoodii ka soo jeeday beeshooda ee Puntland soo hogaaminaysay ay sababeen in Gobolka Sanaag loogu yeedho dhul lagu muran san yahay, gobolka Soolna ay horay u gacan geliyeen maamulka SNM oo maanta dhiig ku daadanayo sii loo xorayn lahaa, hase ahaatee ay qaarkood weli doonayaan in Somaliland sii haysato, haddii ay iyagu Allah u mahad celin waayeen , xishoon waayeen oo ay i gaabin waayeen oo ay doonayaan in Sanaag laga guuro, Nugaalna ay horumar ku gaarto magaca Puntland maaha in laga xishooda ama wax lala sii wadaago. Waana kooxda Soomaali ugu jilicsan xaqiiqdii.

ALLSANAAG.COM