29th March 2024  admin  Category :

NISA oo markale gacanta ku dhigtay Konteenarkii 2-aad oo siday Saanad ciidan oo Khawaarijta loo waday

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabatay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kadib howlgal guuleystay oo gacanta lagu soo dhiga

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq dhaqaaq walba oo khawaarijtu dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasina ay sahashay in la helo xogtooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardargaliso dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo hadda ka socda Gobollada dalka si amni looga dhigo Caasimadda iyo gobolada dalka oo idil.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey Saanad ciidan oo loo waday khawaarijta Shabaab, kaas oo ku jireen alaabi Ciidan oo kala duwan.

Dekada iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, mas’uuliyiin iyo nuuc kasta oo ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*