Boosaaso waa magaaladoodii

Maxamed Axmed Diiriye(Af-weyne Lugey) iyo qoyskiisa iyo guud ahaan beesha uu kasoo jeedo ma aha dad marti & qariib magaalada Boosaaso. Waxa qoray Axmed Jadiid

Alle ayey mahad oo dhami u sugnaatey, Dhammaan dhalinyaradii daalimiintii ahaa ee falka foosha xun geysatey ganacta ayaa lagu soo dhigey oo hadda gacanta Sharciga ayey ku jiraan, mudankii la marin lahaa & Ciqaabta ku habooneyd baa la sugayaa.

Maxamed Axmed Diiriye(Af-weyne Lugey) iyo qoyskiisa iyo guud ahaan beesha uu kasoo jeedo ma aha dad marti & qariib magaalada ku ah, waa deegaan asali ah oo Taariikh facweyn oo qurxoon ay magaalada ka taallo, magac, maamuus & tixgelinna bulshada dhexdeeda ku leh.

Adeer Af-weyne muddo ku dhow Labaatan sano ayuu ka shaqeynayey Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.-

Aabbihii Axmed Diiriye Cali(Lugey) ku dhowaad Afartan sano ayuu ka shaqeynayey Waaxda Garsoorka.

Adeerkii Mire Jaamac Muuse(Xaaji Mire) waxa uu ahaa ninkii daari jirey Manaarada(Light House) magaalada Boosaaso oo ay Doonyuhu soo raaci jireen oo laga hagi jirey.

Walaalkii Ciise Ismaaciil Hindiyo waxa uu ahaa Shakhsigii dadka boostada uga yeeri jirey, Sidoo kalena kulamada & shirarka muhiimka ee bulshada markii ay jiraan dadka isu soo saari jirey waayo waqtigaas Isgaarsiin ma jirin.

Ina Adeertii Maryan Ruun Cali Jaamac waxa ay ka mid aheyd Golihii Shacbiga ee Deegaanka Boosaaso 1968-1972.

Walaashii Canaad Cali Jaamac oo hadda nool waa dadka Taariikhda magaalada wax laga weydiiyo guri guri iyo reer reerna magaalada u kala taqaan ama haddii aan si kale u dhigo waa SABARLOOG.

Cabdi Yaasiin Cali Jaamac oo uu Adeer u yahayna waxa uu ahaa Xildhibaan ka mid ah Golihii deegaanka ee ugu dambeeyay Degmada Boosaaso.

Falkii foosha xumaa ee qoyskaas sharafta & karaamada mudan ee Ehlu Beydka & beledkaba ah lagula kacey xalkiisa & xaalkiisaba Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa soo dhameeyay, waxaana qabaa in kiis halkaas lagu ekeeyo oo sheekadiisa & wad wadadiisaba halkaas lagu hakiyo oo lagu joojiyo, Xukunka dhalintaasna cidda ay khuseyso ayaan ka warsugeynaa.Reer Boosaaso marna dulmiga garab uma noqon doonaan.

Axmed Madoobe oo caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo (Akhriso Magacyada)

Axmed Madoobe oo caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo (Akhriso Magacyada

Wareegto uu caawa soo saaray madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayuu maamul cusub ugu soo magacaabay Gobolka Gedo oo maamulkiisu bannaanka ka joog.

Axmed Madoobe ayaa guddoomiyaha gobolka Gedo u magacaabay Cabdullaahi Cabdi Jaamac, halka  Cusmaan Nuux Xaaji (Macalimuu) u magacaabay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda, waxaa sidoo kale guddoomiye kuxigeenka maaliyadda gobolka Gedo loo magacaabay Nasteex Axmed Saalax

Gobolka Gedo ayaa horay u lahaa maamul ka madax bannaan Jubbaland, waxaana maamulkaasi magacaabay si weyna gacanta ugu hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siyaasad ahaan iska soo horjeedeen Madaxweynaha Jubbaland.

Maamulkan cusub  uu magacaabay Axmed Madoobe ayaan la ogeyn sida ay uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe iyo maamulkiisa loona diiday marar badan in dad taageersan Jubbaland u tagaan gobolka Gedo.

Muxuu uga reebay Harti Daarood?

RW Xamxe Muxuu Guddigab uga reebay Harti Daarood?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka arrimaha gudaha , federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka soo jeeda Beesha Habar Gidir waxaana xubno ka ah, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, Besha Shanaad Jareer weyn Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Mareexaan Wasiirka Maaliyadda, Dr; Cilmi Maxamed Nuur, Gudabiirsay Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre, Ajuraan Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye, Yaxar beesha shanaad Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige,Garxejis Iaaq Wasiirka Xannaanada Xoolaha , dhirta iyo daaqa, Xasan Xuseen Maxamed Mirifle, Eelay iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,  Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Abgaal, Hawiye

Taliyihii ka goostay Maleesgiyaaka SNM oo BBC la hadlay

Taliyihii ka goostay Maleesgiyaaka SNM oo BBC la hadlay

Waxaa jiray warar la isla dhex marayey maalmahan, oo sheegayay in taliye katirsanaa ciidanka jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, inuu ku biiray ciidanka ka dagaalamaya gobolka Sool ee SSC.

Sareeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, oo ah abaanduule ku xigeenka ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan kusugan yahay magaalada Laascaanood.

Geesood, ayaa intaa raaciyey inuu go’aan sadey tallaabadaasi, oo uu doonayo inuu la qeyb sado dhibaatooyinka ay ku jiraan dadkiisa.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in dagaalka ka dhacay gobolka Sool uu sababay dhibaatooyin fara badan, sida dhimashada dad fara badan, iyo sidoo kale dhaawac aad u badan, iyadoo sida uu sheegay taliyaha 90% dadka magaaladani ay ka qaxeen.

Taliyaha ayaa ku nuux nuux saday sida uu marar kala duwan ugala hadlay maamulka Somaliland inaan dagaal lagu qaadin dadka Laascaanood, maaddaama ay yihiin buu yiri dad ay iyagu xukumaan.

“Dad badani iney ku dhinteen, oo ay dad badanina ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey, oo burbur hantiyeed oo fara badani uu ka dhacay, magaalo dhan oo dadkii daganaa ay ka qaxeen, oo 90% ay ka maqan yihiin, sidaa darted waxaan go’aan sadey maadaama dadkii uu ku jiro dagaal ay dhibaato ku jiraan qax iyo barakac, iyo duqeyn iyo xabd joogta ah, maaddaama dadka deegaanka aan kasoo jeedo aan dareenka la qeyb sado, intaas ayaan uga soo tagay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Wafdigani ayuu taliyaha tilmaamay iney kamid ahaayeen wasiirro iyo madax kale oo katirsan ciidanka Somaliland, halka talooyinkii uu soo jeedinayeyna aan dhag jalaq loo siin, oo taa badsalkeeda lagu dhaqaaqay wax alle iyo wixii keeni karayay dagaal, oo dadka Sool lagula kaco.

“Waxaan go’aan saday inaan kasoo baxo halkaas, oo aan kasii mid ahaan ciidanka Somaliland, oo aan dadkayga u imaado, aananna kala qeyb galo dhibaatada”, ayuu yiri taliyaha.

Magaalada Laascaanood, ayaa duqeymaha waxey gaarsiiyeen burbur baaxad leh, taasoo ugu danbeyn ku qasabtay inuu wax ka badalo go’aan kiisa” ayuu tilmaamay taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay inaanay ku wehlin soo goosashadiisa wax ciidan ah oo katirsan Somaliland.

Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, ayaa tilmaamay in muddo ku dhaw lix bilood uu ka war sugayey bal si uun in loo xaliyo dagaalka Laascaanood, taasoo uu sheegay inaanay wax kasoo naasa cadaanin.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala dalka.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa looga hadlay hannaanka Maaliyadda Bangiyada iyo xoojinta ka hortagga lacagaha sharci- darada ah, sare u qaadidda dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka ka sheegay in ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Norway

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Norway

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Anniken Huitfeldt.

Kulanka ayay labada Wasiir uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta goobaha dagaaladu ka jiraan.

Guddoomiye Sheekh aadan madoobe oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda boqortooyada sacuudiga

Guddoomiye Sheekh aadan madoobe oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda boqortooyada sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo  gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.