27th July 2024  admin  Category :

Maxamed Axmed Diiriye(Af-weyne Lugey) iyo qoyskiisa iyo guud ahaan beesha uu kasoo jeedo ma aha dad marti & qariib magaalada Boosaaso. Waxa qoray Axmed Jadiid

Alle ayey mahad oo dhami u sugnaatey, Dhammaan dhalinyaradii daalimiintii ahaa ee falka foosha xun geysatey ganacta ayaa lagu soo dhigey oo hadda gacanta Sharciga ayey ku jiraan, mudankii la marin lahaa & Ciqaabta ku habooneyd baa la sugayaa.

Maxamed Axmed Diiriye(Af-weyne Lugey) iyo qoyskiisa iyo guud ahaan beesha uu kasoo jeedo ma aha dad marti & qariib magaalada ku ah, waa deegaan asali ah oo Taariikh facweyn oo qurxoon ay magaalada ka taallo, magac, maamuus & tixgelinna bulshada dhexdeeda ku leh.

Adeer Af-weyne muddo ku dhow Labaatan sano ayuu ka shaqeynayey Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.-

Aabbihii Axmed Diiriye Cali(Lugey) ku dhowaad Afartan sano ayuu ka shaqeynayey Waaxda Garsoorka.

Adeerkii Mire Jaamac Muuse(Xaaji Mire) waxa uu ahaa ninkii daari jirey Manaarada(Light House) magaalada Boosaaso oo ay Doonyuhu soo raaci jireen oo laga hagi jirey.

Walaalkii Ciise Ismaaciil Hindiyo waxa uu ahaa Shakhsigii dadka boostada uga yeeri jirey, Sidoo kalena kulamada & shirarka muhiimka ee bulshada markii ay jiraan dadka isu soo saari jirey waayo waqtigaas Isgaarsiin ma jirin.

Ina Adeertii Maryan Ruun Cali Jaamac waxa ay ka mid aheyd Golihii Shacbiga ee Deegaanka Boosaaso 1968-1972.

Walaashii Canaad Cali Jaamac oo hadda nool waa dadka Taariikhda magaalada wax laga weydiiyo guri guri iyo reer reerna magaalada u kala taqaan ama haddii aan si kale u dhigo waa SABARLOOG.

Cabdi Yaasiin Cali Jaamac oo uu Adeer u yahayna waxa uu ahaa Xildhibaan ka mid ah Golihii deegaanka ee ugu dambeeyay Degmada Boosaaso.

Falkii foosha xumaa ee qoyskaas sharafta & karaamada mudan ee Ehlu Beydka & beledkaba ah lagula kacey xalkiisa & xaalkiisaba Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa soo dhameeyay, waxaana qabaa in kiis halkaas lagu ekeeyo oo sheekadiisa & wad wadadiisaba halkaas lagu hakiyo oo lagu joojiyo, Xukunka dhalintaasna cidda ay khuseyso ayaan ka warsugeynaa.Reer Boosaaso marna dulmiga garab uma noqon doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*