Rag hubinaya in ay dhaleen carruurtooda iyo in kale kaddib kala shaki xaasaskooda ah.

Rag hubinaya in ay dhaleen carruurtooda iyo in kale kaddib kala shaki xaasaskooda ah.

Iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay aad u kordheen tirada ragga ah ee ku sugan dalka Uganda ee doonaya in la baadho aabbanimadooda, ayaa waxa isa soo taraya cabsida laga qabo in ay qoysasku burburaan, sida oo kalena ay carruurta ku reebto nabar maskaxeed.

Arintan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalkaasi tan iyo markii uu wargeys ka soo baxa dalkaasi uu daabacay sheeko uu ku sheegayo in ganacsade caan ah – oo qabay dhawr xaas, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay mid ka mid ah xaasaskiisa ay keentay in uu dalbado in baadhitaan lagu sameeyo in uu dhalay carruurta uu haysto iyo in kale.

Waxaana la sheegay in baadhitaankii kaddib carruurta xaasaskiisu u dhaleen oo gaadhayey 25 uu keliya dhalay 15 ka mid ah.

Maalqabeenkan iyo qoyskiisa weli si cad ugamay hadlin arrintan, warbixinta wargeyskaasna si madax bannaan looma xaqiijin.XAYEYSIIN

Balse sheekadan ayaa u faaftay sidii dab kayn qabsaday oo kale, waxayna dhalisay muran weyn oo ka dhex taagan bulshada dalkaas bilihii u dambeeyay, taas oo keentay in xildhibaanada qaar ay si qiiro leh uga codsadaan in raggu joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan qoysaskooda iyo carruurtooda.

.

“Aan u noolaano sidii awowayaasheen oo kale, ilmaha gurigaaga ku dhashay waa ilmahaaga,” ayay tidhi ka hor tidhi baarlamaanka wasiirka macdanta Sarah Opendi.

Waxaana ay hadalkeeda si raacisay haddii ninku rabo baadhitaan aabbanimo waa in la sameeyaa marka ilmuhu dhasho – maaha marka ay koraan.

Arrinta se ugu welwelka badan, ee wargeyska Monitor ee sida gaarka ah loo leeyahay uu baahiyey ayaa ah in baadhitaannadani ay sii kordhiyeen khilaafyadii qoysaska, iyada oo booliisku ay xidheen muwaadin Israa’iili ah oo ku nool Uganda oo lagu eedeeyay in uu dilay xaaskiisa ka dib markii natiijada DNA ay muujisay inuusan ahayn aabaha ilmahooda oo lix bilood jira. Ninkan ayaan weli wax dacwad ah lagu soo oogin.

Isagoo hadlayay bartamihii bishii July, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha Simon Mundeyi ayaa sheegay in 10 laab ay kordheen codsiyada baadhitaannada, kuwaas oo u baahan in laga qaado DNA-da aabbaha iyo ilmaha.

“Waxaan ahaan jireen celcelis ahaan 10 codsade maalin kasta shaybaadhkayaga falanqaynta ee dawladda.

Hadda waxaan celcelis ahaan aragnaa 100 maalin kasta, waana tiro sii kordhaysa” ayuu raaciyay.

,

Rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale lacag badan ka sameeyey isbeddelkan, iyaga oo ku dhejiyay xayaysiisyada dhabarka dambe ee tagaasida iyo boodhadhka gud ee xayeysiisyda in ay yihiin adeeg bixiyiyaka ee lagu bixinayo imtixaannada.

Wasaaradda caafimaadka ayaa u dhaqaaqday inay ku xaddido baadhitaanka saddex shaybaadh oo ay dowladdu maamusho – in kasta oo agaasimaha caafimaadka bulshada, Daniel Kyabayinze, uu sheegay inay jiraan buunbuunin dhanka warbaahinta bulshada ah.

Si kastaba ha ahaatee, tillaabooyin kala duwan ayaa dawladdu qaadday in qoysasku helaan la-talin iyo taageero nafsi ah marka imtixaannada la samaynayo, waxaana badi dadweynaha reer Uganda ku kala qaybsameen saxnaanshaha in la samayn karo arrintan iyo in kale – min laga baararka ilaa baarlamaanka; Taxi-ga illaa Twitter-ka, oo hadda loo yaqaan X.

Balse wasiiru dowlaha caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in aan loo baahneyn in ragg ay raadiyaan baadhitaanka xaqiijinta abbanimada.

“Wax kasta oo aadan ogeyn wax ba kuma gaadhsiin karo, haddii aadan ogeyn in kani uusan ahayn cunugaada, ma jebin doono qalbigaaga. Laakin markaad ogaato ogow in qalbigaagu jebi doono,” Margaret Muhanga ayaa tidhi.

Soomaaliya oo noqotay dalka ugu musuqmaasaqa badan Caalamka

Madaxweyne Culusoow oo hogaankiisu mar kale ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasaqa badan

Qiimeynta sanadlaha ah ee laga sameeyey  2022 heerka musuqmaasuqa oo ay sameysay hay’adda Transparency International ayaa muujinaya in dalalka badankoodu ay ku guuldarresyteen in ay joojiyaan musuqmaasuqa.

Hay’adda ayaa 180 dal ku samaysay badhintaan loo raacayey heerer la isla yaqaan oo loogu talagalay in lagu cabbiro, heerka musuqmaasuq ee dalkaas ka jira. Taas oo ka dhigan in kuwooda liiska hoos kaga jira ay la micno tahay in dalalkaasi ay yihiin kuwo uu musuqu aad u sarreeyo.

Haddaba dalalkaas, waxaa kaalinta ugu hoosaysa ku jrta Soomaaliya, taas oo qeexaysa in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqa badan dalalkii haayaddaasi cabbirtay.

In ka badan saddex-meelood laba meel ayaa ka hooseeya heerka 50, halka 26 waddan ay hoos ugu dhaceen kaalmihii hore.

In kasta oo ay jiraan dadaallo wadajir ah iyo guulo adag oo ay gaadheen qaar ka mid ah dalalka adduunka, hadana 155 waddan ayaan wax horumar ah ka samayn la dagaalanka musuqmaasuqa , sida ku cad warbixinta ay samaysay hay’adda transparency international.

Waddamada ka hooseeya saxaraha ayaa kaalmaha ugu dambeeya kaga jira warbixinta heerka musuqmaasuqa ee ay soo saartay TI.

Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa ka galay musuqmaasuqa , taasi oo minaheedu yahay inuu dalku yahay midka ugu musuqmaasuq badan caalamka.

Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa ka galay musuqmaasuqa , taasi oo minaheedu yahay uu dalku yahay midka ugu musuqmaasuq badan caalamka

Dalalka kale ee kaalimiha hoose ka soo galay heerka musuqmaasuqa waxaa ka mid ah Seychelles ,Burundi, Equatorial Guinea iyo South Sudan.

Marka la eego dalalka Carabta waxaa kaalimiha hoose ee heerka musuqmaasuqa soo galay dalalka Imaraadka, Qadar, Liibiya iyo suuriya.

Haddaba Soomaaliya inta badan waxay gaashaa kaalimaha ugu hooseeya marka la eego qiimeynta maxaa ugu wacan arrintaa maxayse yihiin waxyaabaha loo cuskado qiimeyntaa ay soo saarto Transparency International? Su’aashaas ayay BBC-da weydiisay  Cabdi Nuur Cali Maxamed oo ah madaxa kulliyada Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

“Warbixinta saddex meelood ayaa laga soo qaadaa, bangiga adduunka iyo IMF. Waxaana laga cabbiraa oo la qiimeeyaa dakhliga soo galay dawladda sida ay u maaraysay, kharashka ay bixisay sida ay u bixisay iyo halkii ay mareen deeqihii dalka soo galay. Markaa waxaas oo dhan Soomaaliya ma cadda.” Ayuu yidhi Cabdinuur

“Waxyaabaha sannadkan dhacay Soomaaliya waxaa ka mid ah Baarlamaankii oo su’aalo ka weydiinaya wasiirka maaliyadda bajet-ka kuwaas oo aan qaarkood laga jawaabin, Xisaabiyaha guud waxa uu isna soo saaray lacag malaayiin dollar oo aan la xisaab celin, waxyaalahaas ayaa Iyana ka mid ah waxyaabaha la qiimeeyey,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdinur.

Dhanka kale waxyaalaha la qiimeeyo ee uu sheegay waxaa ka mid ah, amniga, aaminaadda bulshada ee ay ka aamminsan taha musuqa, iyo sida loola dhaqmo qofka musuqa geysta.

Tan iyo markii la aasaasay 1995-kii, Tilmaanta Aragtida Musuqmaasuqa oo ah warbixinta sannadlaha ah ee qortay tilmaanta hormuudka u ah musuqmaasuqa caalamiga ah ee qaybaha dawladda.

Tirakoobkan ayaa ka kooban 180 waddan iyo dhulal adduunka oo dhan ah iyadoo lagu salaynayo fikradaha musuqmaasuqa ee hay’adaha dawladda, iyadoo la adeegsanayo xog laga helay 13 ilood ee u danbeeyey, oo ay ku jiraan Bangiga Adduunka, Madasha Dhaqaalaha Adduunka, shirkadaha khatarta ah iyo kuwa la-talinta, xarumaha cilmi-baarista iyo kuwa kale. Dhibcaha dalkastaa helo ayaa ka tarjumaya aragtida khubarada iyo ganacsatada.

Habka xisaabinta CPI si joogto ah ayaa dib loogu eegaa si loo hubiyo in ay tahay mid adag oo isku xidhan intii suurtogal ah.

CULUSOOW OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDAY BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

MADAXWEYNE CULUSOOW OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDAY BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

Madaxweynaha Dwladda Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis.

Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh oo Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga

Gabdhiisa ayuu xil u magcaabay

Xabiibo Aadan Madoobe, ayaa aabaheed oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ku daray Guddiga Istaatikada Qaranka Soomaaliya.

Maant oo ay ahayd in madaxda Soomaaliyeed ay qaataan Ma’suuliyadda ceebta ku dhacday Qaranka Soomaaliyeed oo weligeed tusaale xun loo soo qaadanayo, ayaa waxa taa ku bedeleen in Gudoomiyihii Barlamaanka uu magcaabo gabadhii uu dhalay, halka ku xigeenkiisiina uu xil u magcaabay Wiilka ay eedada u ahayd

Xubnaha Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa kala ah:

1. Cabdi Axmed Cismaan

2. Maxamed Qaasim Maxamuud

3. XabIibo Sheekh Aadan Maxamed AABAHEED AYAA MAGCAABAY

4. CUmar Cali Maxamed

5. Axmed Xasan Ismaaciil

6. Guuleed Cismaan Maxamed

7. Cabdiraxmaan Khaalid Macow

8. Cabdullaahi Cabdi Nuur

Maalinta la ansixinyo Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland

Garoowe, Augusto 03, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 03 August, 2023 soo saaray qoraal ku saabsan muddeynta Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu: –

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 113-aad, farqadiisa 1-aad.

MARKUU TIXGELIYAY: – Baahida loo qabo Ansxinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa la socodsiinaya dhammaan Xisbiyadda Siyaasadeed ee Puntland in wakhtiga loo muddeeyey Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland tahay 03-09-2023 Haddii Alle idmo.

Sidaas darteed, waxaan idinka rajeynaynaa inaad Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland u soo gudbisaan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ka hor taariikhda sare ku xusan si loo ansixiyo.

Dawladda Nin waloow ninkaaga noolayso

Ehelkii Gudoonka Baarlamaank oo shaqo buuris loo sameeyey

Madaxweyne Xassan Culusoow oo kujira in guddoonka golaha shacabka la aamusiyo si aysan Xukuumadda ula xisaabtamin, ayaa amray in, in gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka Federaalka Sacdiya Salaad wiilka ay u tahay eedada ee Max’ed Cabdullaahi Salaad laga dhigo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxoogiga iyo barakacayaasha.Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa gabadhiisa isna guddiga Istaatikada Qaranka geystay maanta.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyay Golaha Wasiirada ansixinta Xubnaha Golaha Maamulka sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Xubnaha Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa kala ah:

Related posts

1. Cabdi Axmed Cismaan

2. Maxamed Qaasim Maxamuud

3. XabIibo Sheekh Aadan Maxamed

4. Cumar Cali Maxamed

5. Axmed Xasan Ismaaciil

6. Guuleed Cismaan Maxamed

7. Cabdiraxmaan Khaalid Macow

8. Cabdullaahi Cabdi Nuur

Dad ay ku jiraan Soomaali oo laga masaafurinayo Turkiga

Dad ay ku jiraan Soomaali oo laga masaafurinayo Turkiga

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay inay dalkooda ka saarayaan in ka badan hal milyan oo qof oo ah soo-galooti u dhashay Suuriya oo aan sharci rasmi ah ku joogin dalkaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkigu waxay bilihii ugu dambeeyay qaadeen ololeyaal lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah ee ay Soomaalida ku jirto ee ay sharciyadii ka dhaceen balse wali dalka gudihiisa sii jooga iyo kuwa ku soo galay hanaan sharci darro ah.

Sahra Ciidle Nuur ayaa wararkan ka waraysatay Cabdulcaziiz Cawil Maxamuud oo madax ka ah urur lagu magacaabo Iskaashiga Soomaalida Turkiga oo xaruntoodu tahay magaalada Ankara.

Kenya oo “macawiisley” ka sameyneysa gudaha dalkeeda

Kenya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay dadka deegaannada Waqooyi Bari uga qeybgalinayso dagaalka ay kula jirto ururka al-Shabaab ee weerarrada ka geysta gudaha waddankeeda.

Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka ay iyaguna sameyn doonaan.

“Xalka ku haboon dhibaatada ka taagan waqooyiga dalka ayaa ah in la wajaho qaabka sida ay Soomaaliya samaysay oo ah in dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab. Dadyowgaas ayaa ka codsaday dowladda in ay gacan ka siiso la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga ayaana hormuud u noqday dagaalka. Waxay ila tahay in jihadaas aan u soconno,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki.

“Taageero buuxda ayaan ka haysannaa madaxda deegaanka iyo bulshada ba oo waxa ay diyaar u yihiin in aan si buuxda u soo afjarno dhibaatada Al-Shabaab. Suuragal ma ah in boolisku ay ilaaliyaan guri kasta.”

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay kooxda al-shabaab ka adkaan doonaan bilaha soo socda iyagoo ka faa’iideysanaya dadka deegeenka oo uu sheegay inay isku luuqad iyo diin ay yihiin dadyowga deggan dhanka Soomaaliya.

“Waxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa’iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda. Bilaha soo socda waxaan si buuxda uga adkaan doonnaa Al-Shabaab oo waxaan dib u soo ceshan doonnaa dalkeenna.”

“Waxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa'iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda diyaargrowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab kaas oo la doonayo in looga saaro deegaannada ay maamulaan ee ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay guulo waaweyn ka soo hoysay wajigii koobaad dagaalka ka dhanka ah al-shaab kaas oo qeyb libaax leh ka qaateen dadka deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleey. Hadda waxay u muuqataa in kenya ay qaadeyso waddadaas maaddaamaa Dowladda Soomaaliya ay dhadhamisay miraha Macawiisleey.

Dhanka kale BBC-da ayaa waxay la xiriirtay si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno qorshaha ay damacsan tahay Kenya xildhibaan Xuseen Cabdi Barre oo laga soo doorto deegaanka Tarbaj ee ku yaalla Bariga magaalada Wajeer oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro ah oo ay geysteen kooxda al-Shabaab.

“Qorshaha uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kenya ee ah in dadka deegaanka ee Waqooyi bari Kenya ay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-shabaab waa qorshe muddo soo socday kaas ay soo jeediyeen dadka deenka, hadalka wasirkana kaas ayuu daba socdaa,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Cabdi Barre

Laakiin xildhibaanka oo faahaafinaya qorshahaas ayaa sheegay in dadka caadiga aysan qoryo qaadan doonin oo aysan la dagaalami doonin al-Shabaab taas badalkeedana uu sheegay in la isticmaali doono ciidamo keyd ah oo ka mid ah dadka deegaanka oo dowladda u diiwaan gashan.

“Dadka deegaan waxa laga rabo ayaa ah inay la shaqeeyaan dowladda oo ay u soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira Al-shabaab laakiin waxaa la isticmaali doonaa rag ka tirsan dadka deegaanka oo ay dowladda tababartay oo loo yaqaano ciidamada keydka sidaas ayuu ka wadaa wasiirka,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen.

Weerarkii Westgate

Dabayaaqadii sannadkii 2011-kii ayey al Shabaab sare u qaadday dhaqdhaqaaqyada ay ka sameyso Kenya, ka dib markii Milatariga Kenya ay bishii Oktoobar ee isla sannadkaas gudaha u galeen Soomaaliya, xilligaasoo xukuumadda Nairobi ay sheegtay iney ugu tallowday Soomaaliya, si ay ula dagaallanto al-Shabaab.

Dhibaatooyinka ka dhashay amni darrada weerarada kooxda al-shabaab ayaa waxay saameyn ku reebeen nolosha dadka ku nool gobolka waqooyi bari.

Warbaahinta iyo Musuqa Dawladda Soomaaliya

Warbaahinta caalamka ayaa ka shactiraystay dawladda Soomaaliya oo ah midda iyadu sida  musuqmaasuqa ah u soo dirtay gabar aan lahayn tababar xagga oradada ah. Hadaba, warbaahinta qaar waxa ay cinwaan uga dhigayn dhacdadaas.

Foxsport

‘Truly shocking’: ‘Slowest ever 100m run’ sparks controversy, corruption claims

Athletics: Somalian sprinter Nasra Ali Abukar ‘slowest ever 100m’, FISU 2023 World University Games, video (foxsports.com.au)

NBC News

Sluggish ‘sprinter’ goes viral, sparking nepotism scandal and an apology

Somalia suspends athletics chief after video of slow sprinter goes viral (nbcnews.com)

Citizen Digital

Worst Athlete In History? Outrage Over Somalia’s ‘Slowest-Ever’ 100-Meter Runner

Worst athlete in history? Outrage over Somalia’s ‘slowest-ever’ 100-meter runner (citizen.digital)

CNN

Sports official suspended for nepotism after painfully slow athlete finishes last in 100-meter race

Nasro Abukar Ali: Somali sports official suspended for nepotism after painfully slow athlete finishes last in 100-meter race | CNN

Aljazeera

Somalia suspends athletics head after runner goes viral in snail-paced 100m

Untrained sprinter came dead last in race, taking nearly twice as long to finish as the winner.

Somalia suspends athletics head after runner goes viral in snail-paced 100m | Athletics News | Al Jazeera

ABC Sport

Somalian woman’s slow 100m run at World University Games prompts apology from sports minister

Somalian woman’s slow 100m run at World University Games prompts apology from sports minister – ABC News

Reuters

Somalia suspend athletics chair after runner takes 21 seconds to finish 100m

 Somalia suspend athletics chair after runner takes 21 seconds to finish 100m | Reuters