26th July 2024  admin  Category :

Rag hubinaya in ay dhaleen carruurtooda iyo in kale kaddib kala shaki xaasaskooda ah.

Iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay aad u kordheen tirada ragga ah ee ku sugan dalka Uganda ee doonaya in la baadho aabbanimadooda, ayaa waxa isa soo taraya cabsida laga qabo in ay qoysasku burburaan, sida oo kalena ay carruurta ku reebto nabar maskaxeed.

Arintan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalkaasi tan iyo markii uu wargeys ka soo baxa dalkaasi uu daabacay sheeko uu ku sheegayo in ganacsade caan ah – oo qabay dhawr xaas, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay mid ka mid ah xaasaskiisa ay keentay in uu dalbado in baadhitaan lagu sameeyo in uu dhalay carruurta uu haysto iyo in kale.

Waxaana la sheegay in baadhitaankii kaddib carruurta xaasaskiisu u dhaleen oo gaadhayey 25 uu keliya dhalay 15 ka mid ah.

Maalqabeenkan iyo qoyskiisa weli si cad ugamay hadlin arrintan, warbixinta wargeyskaasna si madax bannaan looma xaqiijin.XAYEYSIIN

Balse sheekadan ayaa u faaftay sidii dab kayn qabsaday oo kale, waxayna dhalisay muran weyn oo ka dhex taagan bulshada dalkaas bilihii u dambeeyay, taas oo keentay in xildhibaanada qaar ay si qiiro leh uga codsadaan in raggu joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan qoysaskooda iyo carruurtooda.

.

“Aan u noolaano sidii awowayaasheen oo kale, ilmaha gurigaaga ku dhashay waa ilmahaaga,” ayay tidhi ka hor tidhi baarlamaanka wasiirka macdanta Sarah Opendi.

Waxaana ay hadalkeeda si raacisay haddii ninku rabo baadhitaan aabbanimo waa in la sameeyaa marka ilmuhu dhasho – maaha marka ay koraan.

Arrinta se ugu welwelka badan, ee wargeyska Monitor ee sida gaarka ah loo leeyahay uu baahiyey ayaa ah in baadhitaannadani ay sii kordhiyeen khilaafyadii qoysaska, iyada oo booliisku ay xidheen muwaadin Israa’iili ah oo ku nool Uganda oo lagu eedeeyay in uu dilay xaaskiisa ka dib markii natiijada DNA ay muujisay inuusan ahayn aabaha ilmahooda oo lix bilood jira. Ninkan ayaan weli wax dacwad ah lagu soo oogin.

Isagoo hadlayay bartamihii bishii July, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha Simon Mundeyi ayaa sheegay in 10 laab ay kordheen codsiyada baadhitaannada, kuwaas oo u baahan in laga qaado DNA-da aabbaha iyo ilmaha.

“Waxaan ahaan jireen celcelis ahaan 10 codsade maalin kasta shaybaadhkayaga falanqaynta ee dawladda.

Hadda waxaan celcelis ahaan aragnaa 100 maalin kasta, waana tiro sii kordhaysa” ayuu raaciyay.

,

Rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale lacag badan ka sameeyey isbeddelkan, iyaga oo ku dhejiyay xayaysiisyada dhabarka dambe ee tagaasida iyo boodhadhka gud ee xayeysiisyda in ay yihiin adeeg bixiyiyaka ee lagu bixinayo imtixaannada.

Wasaaradda caafimaadka ayaa u dhaqaaqday inay ku xaddido baadhitaanka saddex shaybaadh oo ay dowladdu maamusho – in kasta oo agaasimaha caafimaadka bulshada, Daniel Kyabayinze, uu sheegay inay jiraan buunbuunin dhanka warbaahinta bulshada ah.

Si kastaba ha ahaatee, tillaabooyin kala duwan ayaa dawladdu qaadday in qoysasku helaan la-talin iyo taageero nafsi ah marka imtixaannada la samaynayo, waxaana badi dadweynaha reer Uganda ku kala qaybsameen saxnaanshaha in la samayn karo arrintan iyo in kale – min laga baararka ilaa baarlamaanka; Taxi-ga illaa Twitter-ka, oo hadda loo yaqaan X.

Balse wasiiru dowlaha caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in aan loo baahneyn in ragg ay raadiyaan baadhitaanka xaqiijinta abbanimada.

“Wax kasta oo aadan ogeyn wax ba kuma gaadhsiin karo, haddii aadan ogeyn in kani uusan ahayn cunugaada, ma jebin doono qalbigaaga. Laakin markaad ogaato ogow in qalbigaagu jebi doono,” Margaret Muhanga ayaa tidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*