26th July 2024  admin  Category :

Kenya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay dadka deegaannada Waqooyi Bari uga qeybgalinayso dagaalka ay kula jirto ururka al-Shabaab ee weerarrada ka geysta gudaha waddankeeda.

Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka ay iyaguna sameyn doonaan.

“Xalka ku haboon dhibaatada ka taagan waqooyiga dalka ayaa ah in la wajaho qaabka sida ay Soomaaliya samaysay oo ah in dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab. Dadyowgaas ayaa ka codsaday dowladda in ay gacan ka siiso la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga ayaana hormuud u noqday dagaalka. Waxay ila tahay in jihadaas aan u soconno,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki.

“Taageero buuxda ayaan ka haysannaa madaxda deegaanka iyo bulshada ba oo waxa ay diyaar u yihiin in aan si buuxda u soo afjarno dhibaatada Al-Shabaab. Suuragal ma ah in boolisku ay ilaaliyaan guri kasta.”

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay kooxda al-shabaab ka adkaan doonaan bilaha soo socda iyagoo ka faa’iideysanaya dadka deegeenka oo uu sheegay inay isku luuqad iyo diin ay yihiin dadyowga deggan dhanka Soomaaliya.

“Waxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa’iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda. Bilaha soo socda waxaan si buuxda uga adkaan doonnaa Al-Shabaab oo waxaan dib u soo ceshan doonnaa dalkeenna.”

“Waxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa'iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda diyaargrowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab kaas oo la doonayo in looga saaro deegaannada ay maamulaan ee ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay guulo waaweyn ka soo hoysay wajigii koobaad dagaalka ka dhanka ah al-shaab kaas oo qeyb libaax leh ka qaateen dadka deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleey. Hadda waxay u muuqataa in kenya ay qaadeyso waddadaas maaddaamaa Dowladda Soomaaliya ay dhadhamisay miraha Macawiisleey.

Dhanka kale BBC-da ayaa waxay la xiriirtay si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno qorshaha ay damacsan tahay Kenya xildhibaan Xuseen Cabdi Barre oo laga soo doorto deegaanka Tarbaj ee ku yaalla Bariga magaalada Wajeer oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro ah oo ay geysteen kooxda al-Shabaab.

“Qorshaha uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kenya ee ah in dadka deegaanka ee Waqooyi bari Kenya ay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-shabaab waa qorshe muddo soo socday kaas ay soo jeediyeen dadka deenka, hadalka wasirkana kaas ayuu daba socdaa,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Cabdi Barre

Laakiin xildhibaanka oo faahaafinaya qorshahaas ayaa sheegay in dadka caadiga aysan qoryo qaadan doonin oo aysan la dagaalami doonin al-Shabaab taas badalkeedana uu sheegay in la isticmaali doono ciidamo keyd ah oo ka mid ah dadka deegaanka oo dowladda u diiwaan gashan.

“Dadka deegaan waxa laga rabo ayaa ah inay la shaqeeyaan dowladda oo ay u soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira Al-shabaab laakiin waxaa la isticmaali doonaa rag ka tirsan dadka deegaanka oo ay dowladda tababartay oo loo yaqaano ciidamada keydka sidaas ayuu ka wadaa wasiirka,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen.

Weerarkii Westgate

Dabayaaqadii sannadkii 2011-kii ayey al Shabaab sare u qaadday dhaqdhaqaaqyada ay ka sameyso Kenya, ka dib markii Milatariga Kenya ay bishii Oktoobar ee isla sannadkaas gudaha u galeen Soomaaliya, xilligaasoo xukuumadda Nairobi ay sheegtay iney ugu tallowday Soomaaliya, si ay ula dagaallanto al-Shabaab.

Dhibaatooyinka ka dhashay amni darrada weerarada kooxda al-shabaab ayaa waxay saameyn ku reebeen nolosha dadka ku nool gobolka waqooyi bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*