Ra’iisul Wasaare Xamsa “Xilli dhow Soomaaliya waxa ay noqon doontaa meel ka caagan argagixisada”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Xilli dhow Soomaaliya waxa ay noqon doontaa meel ka caagan argagixisada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu caawa ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Related posts

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, waxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu ay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti.

Magaaladii barakaysnayd ee Milxo oo gubatay

Magaalada dahabka laga qoto ee Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ayaa saaka waaberigii gubatey, kadib markii dab ka kacay mehrad ganacsi uu wax yeelo u gaystay inta badan guryihii magaalada oo isugu jira ganacsi, deegaan iyo hanti kala duwan.

Dhawr qof oo ka mid ah dadka degaanka Milxo ayaa dhawac kasoo gaaray dabkaas iyadoo dadkii magaaladaas deganaana ay u qaxeen banaanada iyo geedaha hoostooda oo aan ka fogayn magaalada gubatay.

Waa Kumaa Cabdi Madoobe, Sargaalka SSC ee Soomaaliland Ku Sheegtay argagixisada?

Waa Kumaa Cabdi Madoobe, Sargaalka SSC ee Soomaaliland Ku Sheegtay argagixisada?

Markii uu bilowday dagaalka Laascaanood bilowgii sanadkaan 2023 ka, magacyo badan ayaa soo shaac baxay, kuwaas oo hadal hayn ka dhaliyay baraha Bulshada Soomaalida. Cabdi Madoobe waa mid kamid ah.

War ka soo baxay Somaliland bishii Febraayo ee sanadkaan, ayaa markii ugu horaysay Somaliland waxay ku sheegtay inuu yahay ‘argagixiso’, uuna ka dagaalamayo gudaha Laascaanood, balse hadalkaas waxaa gaashaanka u daruuray odayaasha dhaqanka ee magaalada. Dhanka kale isaga oo khudbad ka jeedinayay gudaha Laascaanood afartii september ee sanadkaan ayuu sheegay in Somaliland isku dayday in ay wada hadal la gasho, dhaqaalana u balan qaadeen, inkatsa oo warkaas si madax banaan BBC u xaqiijin karin.

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa mar kale shalay soo saartay bayaan ay ku sheegeyso in ciidamo argagixiso ah ay ku soo qulqulayaan gudaha Laascaanod, qayb kamid ahna ay ka imaanayaan xeryo uu leeyahay Cabdi Madoobe.

Cabdi madoobe

Haddaba waa Kumaa Cabdi Madoobe?

Sida aan ka soo xiganay dad ay qaraabo yihiin, Cabdi xuseen cali Kamiin oo ku magacdheer Cabdi Madoobe, ayaa horaantii sideetameeyadii ku dhashay gobolka Shabeelada Hoose ee Soomaliya.

Qoyskooda ayaa kamid ahaa dadkii abaar ka dhacday Wuqooyiga darteed loogu raray goblka Shabeelaha Hoose, isaga oo dugsi quraanka iyo waxbarashada hoose ku qaatay isla Shabeelaha Hoose.

Aabihiis waxa uu ahaa ganacsade, waxaanay sagaashameeyadii soo degeen magaalada Xamar-lagu-xidh oo 32km dhinaca koonfur ka xigta degmada Buuhoodle.

Ganacsi ayay ka samaysteen isaga iyo wallaalihii magaalooyinka Buuhoodle iyo Boosaaso. Isaga oo wax ka iibin jiray tukamaadooda.

Aabihiis Xasan Cali Kamiin oo daganaa Buuhoodle ayaa qiyaastii dabayaaqadii sagaashamaadkii ku geeriyooday.

Cabdi Madoobe waa hogaamiyaha ciidamada SSC khaatumo ee xilligaan, Markii ugu horeysay waxay dad badan ku baraarugeen bilowgii sanadkaan, kadib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo dadka deegaanka.

Madoobe

Marar badan ayuu Cabdi Madoobe ka soo muuqday warbaahinta intii uu socday dagaalka. Waxaa kamid ah mar uu la wareegayay ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen Somaliland bishii May ee sanadkaan, kuwaas oo ku soo biirayay jabhadda SSC oo uu gudoomiye ka ahaa Cabdi Madoobe. Xilligaas ayaa laga duubay muuqaal isaga oo ku sugan deegaanka carro-weyn ee ka tirsan Ceyn.

“Ciidanku ma noqonayo ciidan iska fadhiye oo aan shaqaynayn” ayuu ka yiri goobtii uu kula wareegayay ciidamada, Cabdi Madoobe.

Mar kale oo uu warbaahinta ka soo muuqday ayaa ah markii ciidmada SSC ay la wareegeen saldhigii ciidmada Somaliland ee Goojacadde dhamaadkii bisha August. “Dagaalka manta wuxuu noqday mid taariikhda galay, oo ku galay in lagu kala baxay 25 daqiiqo” ayuu yiri Cabdi Madoobe oo sheegay inuu ku sugan yahay deegaanka Guumeys.

Markii ugu dambeysay ee uu warbaahinta ka soo Muuqday Cabdi Madoobe ayaa ah bishaan aan ku jirno ee Spetemper, isaga oo khudbad ka jeedinayay goob ay dadweyne badan ku sugnaayeen, oo dabcan ahayd hool munaasabad ka dhacaysay.

Khudbad uu ka jeediyay goobtaas ayaa ahayd mid uu inta badan ugu mahadcelinayay dad uu sheegay inay halganka uu galay ka gacan siiyeen oo dhallin yaro u badan.

Cabdi adoobe ayaa ah taliye ciidan oo maqaam weyn ku leh gudaha Laacaanood, kaas oo ay ixtiraamaan dad badan oo reer Laascanood ah. Dhanka kale Somaliland ayaa u aqoonsan nin argagixiso ah oo khatar ku ah amniga deegaanadooda oo dhan.

Wafdi soo Gaaray Laascaanood

Wafdi ka socda dawladda federaalka ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood si ay ugu kuur gallaan xaalladda ka jirta halkaas. Magaalada ayaa burubur uu ka soo gaaray dagaalkii ka socday Laascaanood, balse waxaa muuqata in magaalada ay haatan ku soo noqoneeyso sidii caadiga ahayd. Wafdiga ayaa sheegay in wixii warbixin ah oo ay kala soo kulmaan deegaankaas ay dib ugu cellin doonaan Madaxweeyne Xasan Shiikh.

https://youtu.be/rz-RIzt5HhE?si=5sdCR74HSbMIL944

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada #DanQaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS.  Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii  hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daahfurka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo taadeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.