26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Xilli dhow Soomaaliya waxa ay noqon doontaa meel ka caagan argagixisada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu caawa ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Related posts

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, waxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu ay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*