8 SANO IYO 30KM: WADADDA CEELDAAHIR-CEERIGAABO

8 SANO IYO 30KM: WADADDA CEELDAAHIR-CEERIGAABO. Waxa qoray Ahmed Abdilahi Mohamed

Sanadkii 2015-kii Bishii 5-aad waxaa wadadan dhagax dhigay Madaxweyne Cabdiweli Gaas. Wadaddan ayaa ka bilaamaneesa Magaalada Ceeldaahir kuna dhamaaneesa Caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, taas oo dheraar ahaan gaareesa 220km.

Madaxweyne Gaas hadalkii uu ka jeediyey furitaanka wadaddaa waxaa uu ahaa sidan:

Wadaddan Ceeldaahir-Ceerigaabo waa waddo muhiim ah, marka loo eego istaatiijiyadda gaarka ah oo ay leedahay. Waxaan aad ugu taamayaa aadna ugu dadaaleenaa in mashruucaasi sidii loogu tala galay uu ku hirgalo.Dadka in badan ayaa is oraneesa dadka rer Puntland 220km wado laami ah side u dhisi karaan? Waa awoodnaa. Puntland waa isku tashatay, dadkeenuna waa isku filan yihiin, waxay u kacaan oo ku tala galaan oo u kacaan waxaan aaminsanahay inay hirgaleeso. Inteey doonto hanagu qaadatee. Waa nagu ballan, waana nagga go’antahay in wadaddaasi hirgasho ceerigaabo-Ceeldaahir iyo Puntland oo dhana ay isku xirnaato”.

Sidoo kale, Sanadkii 2018, Bishii 7-aad guddigga ayaa soo bandhigay wajiga labaad ee Wadadda, kulan balaaran oo lagu qabtay Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe, taas oo Madaxweyne Gaas kasoo qab galay. Guddigga ayaa sheegay wajiga kowaad ee Caratuurka soo gaba gaboobay kaas oo ahaa 90km, dhowaana daamurka la saari doono.

Madaxweyne Gaas ayaa kullankaas ka sheegay, “in wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo ay dadka rer Puntland iyo dawladaba waajib iyo xujo ku tahay, dhismaha wadadaasna ay fure u noqon doonto horumarka iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala”.

Madaxweyne Gaas ayaa sida muugata waxaa ka go’nayd inuu xoogga saaro sidii uu ku dhamaystiri lahaa wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo, iyadoo uu ku hawl gashay oraahdiisii caanka noqotay ee Puntland Ha Isku Tashato. Balse markii Madaxweyne Gaas uu xilka baneeyey sanadkii,2019, Bishii, 1-aad, gadaashiid waxaa ay joogtaa meeshii uu kaga tegay maalintaas.

Sanadkii 2019, Bishii, 2-aad, Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay guddiga Wadadda, waxayna ka wada hadleen sidii looga mira dhallin lahaa mashruuca. Kullanka ayaana waxaa ka codsaday Madaxweynaha Guddiga Wadadda balse dhanka Madaxweynaha kama iman codsigaasi sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Wadadda, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Guddigga ayaa sidoo kale madaxweynaha la wadaagay inay dhamaystireen 114km oo kaliya daamurku u harsan yahay sidoo kalena ay maamuleen lacag dhan, 6 Milyan iyo 600 Doollar.

Madaxweyne Deni ayaa ballan qaaday goobtana ka sheegay in la dhamaystiri doono Wadadda, lacagta dhimana la raadin doono.

Sanadkii, 2023kii, Bishii 5-aad, Madaxweyne Deni ayaa booqasho ku saabsan doorashadiisa Hal Qof Hal Cod ku tegay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Waxaana uu ka jeediyey hadal deelqaaf iyo gefba ku ahaa rer Sanaag iyo naftiisaba, taas oo u dhignaa sidanu:

Mudda ka yar laba bilood Ayaan rabaa inaa ku dhamaystiro 40km ee harsan wadadda Ceeldaahir-Ceerigaab taas oo ah ilaa Hadaaftimo. Waxaa wax lala yaabo ah, in rer Badhan wakhtigaas Madaxweynaha Sacabayn iyo mar xabayn kusoo dhowaynayeen hadalkiisa ku aadan wadada, balse taas bedelkeeda aysan is waydiin, Deni inuu 5-sano kadib hadalkaas beenta iyo dhallanteedka isugu jira u sheegayo iyadoo wadaddii meeshii Madaxweyne Gaas kaga tegay aan 1km hore loo qaadin.

Sidoo kale sanadkii 2020, Bishii 8-aad guddiga ayaa sheegay inay furi doonaan waji labaad ee daamur saarista wadadda uuna furi doono Madaxweyn Deni, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Guddigga Dhismaha wadadda Shiikh Cali Maxamuud Xassan(Cali Laangare). Madaxweyne Denina inuu fure iskadaa e waa isaga hadalka aan suutagalka ka ahayn 5-jir ka ka jeedinaya Badhan sanadkan 2023.

Sanadkii 2019-kii Bishii 11-aad, Guddiga wadadda ayaa baarlamaanka looga yeeray. Qayba ka mid ah Baarlamaanka ayaa ku eedayey Guddigga inay 30% dhaqaalaha wadadda loo isticmaalay dana gaar ah. Sidoo kalena Gaadiidkii wadadda uusan gacanta dawladda ku jirin. Qalabkan ayaa Dekedda Boosaaso kasoo degay sanadkii 2016, Bishii 3-aad, qiimaha qalabka iyo gaadiidka wadadda ayaa lagu sheegay lacag dhan 2.5 Milyan Doollar.

Madaxweyne Gaas ayaa ku taliyey rer sanaag inay cashuurtaan qalabkaas, malaha waxaa u muugtay inay suuragal noqon karto in hadba wadada lagu dhishi karo, iyadoo aysan dhamaan wadaddii khaaska u lahayd. Balse nasiib daro taladaas lama weelayn.

Shiikh Fu’aad Aflow oo ka mid ah xubnaha Guddigga ayaa Baarlamaanka u sheegay in madaxda maamulka hadda jirta iyo tii horeba ay u gudbiyeen in laga wareejiyo masuuliyadaas balse laga diiday. Wuxuu kaloo sheegay, inaysan dawladdu soo dirsan hantidhowreheeda si uu ula socdo habka wax loo maamulaayo.

Balse, uyeerista Guddiga ee Baarlamaanka ayaan waxba ka bedelin hanaan u socodkii wadadda, wax dib u hadal hayana lama sheegin. Taas oo muujineesa ka dhega la’aanta iyo door bidid la’aanta wadadda xukuumadda hadda jirta ee Siciid Deni.

Sanadkii 2021-dii Bishii 3-aad, Guddoomiyaha Guddigga Wadadda Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf mar waraysi lala yeeshay ayuu yiri: Shaqadii way socotaa Wajigii u dameeyey ee daamurka lagu saarayey meel fiican buu marayaa,waxaanuna rajayneennaa inaa dhamaystirno 30km sida qorshuhu ahaa.

Guddigga marna ma aysan sheegin lacagta saxda ah ee ku baxaysa wadadda? Sidaas darteed miyeysan qiimayn jirin?Wadadda Maxaa Shirkad qandaraaska loo siin wayey, la gala xisaabtamo? Maxay Guddiggu haddii ay arkeen fashilka wadadda dadka u hor iman wayeen una sheegi wayeen sababta?

Su’aasha iswaydiinta leh ayaa ah ayaa ah Guddiggu 30km iyo 9 sanadood miyey ku faraxsan yihiin guulna ka rajaynayaan, iyagoon qaabkii hore wax ka bedelin?

Sanadkii 2018-kii, Bishii 11-aad, dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay 1.5 Milyan Doollar ugu deeqday wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo,. Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa munaasabad lagu qabtay Muqdisho kaga dhawaaqay, sheegayna in lasii marsiin doono lacagtan Maamulka Puntland iyo Guddigga gacanta ku haya dhismaha wadadda.

Isla 2018, Bishii 11-aad Puntland ayaa beenisay in Dawladda Federaalku lacag ugu deeqday wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo. Balse taas bedelkeed ay ahayd deeqay bixiso Midowga Yurub oo loo yaqaan “Surge Support” taas oo Dawladda Federaalka loo soo mariyey,Puntlandna ay ugu deeqday wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo gebi ahaan ba lacagtaas.

Lacagtaas 1.5 Milyanka Doollar ayaa dood la gashaa gaaritaankeeda Guddigga wadadda, balse meel guddiggu lacag maamulka Puntland ka gala waregayaan lama sheegin. Bil kadibna Doorashadii Puntland baa dhacday oo maamul cusub baa yimi.

Sanadkii 2016-kii, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana qorsheheeda Somalia Transport sector needs Assessment and Investment Programme ku sheegtay wadadda Ceeldaahir-ceerigaabo, waa lagu daray wadooyinka lakiin lama doorbidayo sababna uga dhigeen isu socodka tiro dad yari. Halka ay dawladdu ku dartay wadooyin laba tuulo u dhexeeya.

Meelaha dhaqaaluhu kasoo galo wadadda waxaa ka mid ah, Qoondo dawladdu bixiso, balse loo badinaayo maamulkan Madaxweyne Deni inuusan bixin. Lacag arday kasta la saaray siiba Iskuulaadka iyo Jaamacadaha. Gaadiiddka kala duwan oo cashuur la saaray. Ganacsatada oo lacaga joogta ah laga qaado. Shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar iyo lacago loo qoondeeyey rer Sanaag balse bila socday istaagayna.

DOORKA RER SANAAG

Dadka rer sanaag ayaan gabi ahaan ba u muugan dad wax ka maqan yihiin. Wadaddana laba is waydiineesa way yartahay, marka laga reebo inay afka ka jecel yihiin inay wadadaasi dhamaato.

Guddoomiye ku xigeenka Guddigga Wadadda, Shiikh Cali Maxamuud Xassan(Cali Laangare) iyo Shiikh Cunbul Faarax Bille labaduna waa laba masuul oo kasoo jeeda Gobolka. Waana labada nin oo la rabay inay Shidaal ku shubaan rer Sanaag iyo guud ahaan ba Puntland balse ma aysan dhicin. Maanta oo 8 sano iyo 30km la joogo hal kelmad ma aysan ka oran, taasna jawaab kaga filan.

Shacabka rer Sanaag wuxuu leeyahay, Isimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Ganacsato iyo bulshada qaybeheeda kale ee kala duwan, gabi ahaan ba afkooda way ka furaysteen Dhismaha Wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo. Cidka eeda kowaad qaadaneesana waa iyaga, iyaga oo aan laga arag doonis iyo dadaal dheeri ahna waxba ma soconayaan.

Waxaan kusoo gaba gebayn lahaa, wadadaas siyaasadaha badan ku geedaaman yihiin, intaan qalabkeeda la furfuran, qorshe cad ka yeesha oo falankeeda gala sidii aad u dhamaystiri lahaydeen. Gaar ahaan waxaa masuuliyadd adagi ka sarantahay, siyaasiyiinta ku matala’ rer Sanaag Puntland iyo Dawladda Federaalkaba. Cid kale lasii wadaag fadlan.LikeCommentShare

Hal maalin ayuu lix jeer wadnuhu istaagay taas oo noloshiisa wax ka badashay

Hal maalin ayuu lix jeer wadnuhu istaagay taas oo noloshiisa wax ka badashay

Ardeygii uu wadnuhu istaagay lix jeer hal maalin gudaheed ayaa waxa uu go’aan ku gaaray in u uku daydo ama uu waddadiisa qaado dhakhtarkii naftiisa badbaadiyay.

Atul Rao, oo 21 jir ah, ayaa waxaa uu la dhibaatooday wadno xanuun 27-kii July, waxaana la sheegay in ay sabab u ahayd xinjirowga dhiigga ee sambabada.

Kadib wadnihiisa ayaa istaagay shan jeer hal maalin gudaheed. Waxaana la sheegay in uu dagay kadib markii lagu sanceeyay dawooyinka xinjirowga.

Atul, oo ah muwaadin Mareykan ah oo cilmiga caafimaadka ku bartay London, ayaa sheegay in waayo-aragnimadan kadib, uu doonayay in uu sii wato xirfaddiisa dhinaca caafimaadka ah.

“Kahor inta aysan tani dhicin, waxaan ku wareersanaa in go’aankayga ah in aan barto caafimaadka uu yahay mid sax ah iyo haddii aan rabo xirfad kale.

“Laakiin markii aan caafimaaday, waxaan jecleystay inaan ka faa’iidaysto waqtigayga, waxaan rabaa inaan ka faa’iidaysto hadiyadda nolosha ee la ii dhiibay si aan u caawiyo dadka kale ee bukaannada ah.”

Atul iyo waalidkii ayaa markaas la kulmay shaqaalihii isbitaalka oo naftiisa badbaadiyay.

Isbitaalka Hammersmith, oo markii hore Atul lagu daweeyay ka hor inta aan loo gudbin St Thomas’ Hospital, ayaa lagu tusay aagga sariirta oo wadnihiisa uu bilaabay inuu dhowr jeer istaago, wuxuuna kala sheekeystay sida saxda ah ee wax u dhaceen.

Atul

Hooyadiis Srividya, oo ah barafasoorad ku xeel dheer arrimaha xisaabta kuna sugan Seattle, ayaa tiri, “Qof kasta oo ka shaqeeyay arrinta Atul wuxuu rabay inuu bogsado. Way iska caddahay inay jecel yihiin waxay samaynayaan. Waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa cid kasta oo qayb ka ahayd inaad ii soo celisay wiilkeyga.

Atul ayaa sheegay in dhacdadani ay dhacday sanad guuradiisa 21-aad.

“Inta badan 21-sano jirku waxay rabaan inay dibadda u baxaan iyagoo khamri cabba maalinta dhalashadooda. Laakiin tixgelinta sida ay xaaladdaydu khatar u ahayd, waan ka mahad-celinayaa inaan haysto dad i jecel si ay ugu dabaaldegaan dhalashadayda.”

Aabihiis Ajay, oo ka shaqeeya shirkad software ah, ayaa xusuustay sida Nick Sillett, oo ah kalkaaliye sare oo ka tirsan Adeegga Ambalaasta ee London, uu warka ugu sheegay taleefanka gacanta ee wiilkiisa.

‘Aabe…’

“Markii hore, Atul wuu miyir daboolmay, waxaan wacay qaybta daryeelka degdega ah (ICU) ee Isbitaalka St. Thomas subaxdii markii uu dhakhtarka kusoo wareegay, waxay igu yiraahdeen,” sug hal daqiiqo.”

“Kadib waxaa yimid Atul, waxaan maqlay isagoo leh ‘aabe’, wuxuu ahaa dhawaaqii ugu macaanaa ee ‘aabo nimo’ ee aan weligey maqlo, waxaana damcay inaan u tago isaga waliba si dhaqsa ah.”

“Markii ugu dambeysay ee aan arko Atul, uma maleyneynin inuu noolaan doono.

Atul

La taliyaha daryeelka halista ah ee Imperial College Healthcare NHS Trust’s Hammersmith Hospital Dr. Luit Thakuria ayaa yiri: “Qofka da’da 20-ka sano ah ku jira lama kulmo wadna xanuun, xitaa waa dhif in qofka uu ku dhaco wadne qabad lix jeer maalintii kadibna uu ku dhaco. wadno xanuun mar kale.

Inkastoo Atul uusan u baahnayn isticmaalka oksijiinta, nidaamka taageerada nolosha oo si buuxda u beddeli kara wadnaha iyo sambabada ayaa loo baahnaa si bukaanka loo siiyo wakhti uu ku soo kabsado. Imperial Health Charity waxay hore u soo iibsatay hal mishiin oo sidan oo kale ah waxayna ku gudo jirtaa lacag ururin ay ku soo iibsato laba mashiin oo kale.

Adeegga Ambalaaska ee London ayaa sheegay in daraasad dhowaan la sameeyay ay muujisay in bukaannada qaarkood ay ku habboon yihiin daaweynta oksijiinta. Habkan tirada akhristayaasha waxay kordhin kartaa ilaa 43 boqolkiiba.

Hogaamiyaha Khaatumo oo gaaray Muqdisho

Hoggaamiyaha maamulka KMG ee degaanka Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta soo gaarey magaalada caasimadda ee Muqdisho. Wafdiga oo inta ay joogaan magaalada Muqdisho wadahadal la yeelan doona madaxda DFS , ayaa waxaa Garoonka Diiyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha , Federaaleynta iyo Dib-u heshiisiinta ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

Senatoro Mareykan ah ‘oo ka walaacsan’ qodobada xiriir laga yaabo inay yeeshaan Israel iyo Sacuudiga

Senatoro Mareykan ah ‘oo ka walaacsan’ qodobada xiriir laga yaabo inay yeeshaan Israel iyo Sacuudiga

Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.

Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh.

Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in weli ay shaqo badan harsan tahay.

Waxyaabaha ay soo jeedinayaan xubnaha Dimoqraadiga ayaa ka mid ah in heshiis kasta ay ku jiraan qodobo “macno leh” si loo ilaaliyo ikhtiyaarka xal laba dawladood ah oo loo helo khilaafka Israel iyo Falastiin.

Dowladda midigta-fog ee Israel ayaa la filayaa inay iska caabiso tanaasul kasta oo weyn oo la siiyo Falastiiniyiinta.

“Nabadda Israel iyo deriskeeda waxay ahayd hadafka fog ee siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, waxaana u furannahay heshiis kasta oo suurtagal ah inuu dheereeyo xiriir siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale oo dhex-mara Sacuudi Carabiya iyo Israel,” ayay qoreen Senator-ada.

Balse waxa ay sheegeen in ay saluugsan yihiin waxa Sucuudigu doonayo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka go’an in ay xaqiijiso heshiis militari oo dhigaya in Mareykanka uu difaaco Boqortooyada taasi oo ay dhaafsaneyso xiriirka Israel, umana joojin doonto heshiiska xitaa haddii Israel aysan bixin tanaasulaad weyn oo la xiriira dhanka Falastiiniyiinta, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed amni oo ku sugan gobolka.

“Caddayn heer sare ah ayaa loo baahan doonaa si loo muujiyo in heshiis difaac ah oo adag oo lala galo Sacuudi Carabiya – oo ah nidaam kaligii-talis ah oo si joogto ah u wiiqa danaha Maraykanka ee gobolka, leh diiwaan laga walaaco oo xuquuqda aadanaha ah, islamarkaana raadiyey ajande siyaasadeed qallafsan oo aan taxadar lahayn – uu la jaan qaadi karo danaha Maraykanka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa labadaba horey ugu dhalleeceeyey Riyadh faro-gelinteeda Yemen, sare u qaadista qiimaha saliidda iyo kaalintii ay ku laheyd dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

Warqadda ayaa sidoo kale walaac ka muujisay codsiga Sacuudi Carabiya ee ah in laga caawiyo nukliyeer madani ah iyo inay hesho hub horumarsan.

Waxay tiri, waa in Mareykanka uu hubiyaa in Sacuudiga ilaaliyo Qaybta 123 ee Xeerka Tamarta Atoomikada ee Maraykanka, si loo sameeyo heshiis iskaashi nukliyeer nabad ah.

Aqalka Cad ayaan weli ka jawaabin warqadda kasoo baxday Senator-ada.

Xubnaha warqadda qoray waxaa ku jira Senator Chris Murphy, oo hoggaamiye guddi hoosaadka Bariga Dhexe ee Senate-ka, Dick Durbin oo ah Senator-ka labaad ee ugu sarreeya Dimoqraadiga, Chris Van Hollen iyo Peter Welch.

Haweenaydii u hiilisay danyarta Soomaalida ee ugu dambeyn gacantooda ku baxday

Haweenaydii u hiilisay danyarta Soomaalida ee ugu dambeyn gacantooda ku baxday

In ka badan konton sano ayaa laga joogaa markii Annalena Tonelli ay timid Afrika markii u horreysay, isla sida oo kale labaatan sano ayaa laga joogaa markii lagu dilay isla Afrika, si gaar ah magaalada Boorama ee Somaliland.

Annalena, ayaa lagu xasuustaa dedaalladeedii nafhurka ahaa ee ay gashatay guud ahaan bulshada bariga Afrika si gaar ah Soomaalida kuwaas oo illaa hadda midhahoodii la guranayo, khaasatan, magaalada Wajeer, ee bariga Kenya oo ay tagtay1969.

Bulshadu weli waxa ay isticmaalaan weedhihii ay u adeegsan jireen marka ay booqanayaan goobteeda caafimaad oo weli magacii leh. Weedha ‘Ina mariya u tagnee Annaliina’ ama weedha afka qalaad ee ‘Let’s go to Annalena!’, weli waa ay jirtaa.

Taariikhdeedii iyo shakhsiyaddeedii

Tonelli waxa ay ku kortay magaalada Forli, oo u dhow Bologna, oo ah waqooyiga Talyaaniga. Waxaa loo tababaray qareennimo laakiin nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay daawaynta qaaxada, ugu horrayn Kenya iyo markii dambe oo ay ka bilawday Soomaaliya.

Waxa la soo weriyaa in ay daaweysay tobanaan kun oo qof oo iyada la’aanteed u dhiman lahaa cudurkan.

Tonelli ayaa lagu tilmaamaa in ay ay ahayd xirfadle aad u heer sarraysa, oo leh dulqaad, geesinimo iyo fikir midhadhalkiisii muuqdo.

In kasta oo wax yar ka hor dhimashadeeda lagu aqoonsaday oo la guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaxootiga ee Nansen, oo ay bixiso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), haddana maanta, aad looma yaqaan weliba dhulkii iyo dadkii ay wax gashatay way adagtahay in jiilka danbe ay gartaan magaceeda.

Tonelli, markii ugu horreysay waxa ay tagtay Kenya 1960-kii, si ay halkaas macallin uga noqoto, kaddibna si lama filaan ah waxa ay ugu biirtay dhanka caafimaadka, xilligaas oo ay si mutadawacnim ah uga shaqaysay cusbitaal ku yaal Wajeer, oo ah degmada xudduudda Waqooyi ee Kenya, xilligaas oo uu dillaacay xanuunka daacuunku.

Dhulkaas badankiisa waxaa ku noolayd Soomaali intooda badan ahayd xoolo-dhaqato reer guuraa ah. Saddex-meelood meel hal meel oo keliya ayaa bukaannada TB-da oo aad u baahday wakhtigaas laga daweeyey, maxaa yeelay badi dadkaasi waxay joojiyeen daawaynta markii ay soo yara roonaadeen.

Tonelli ayaa wakhtigaas abuurtay fikradda ah in lix bilood la baanto si aanay dawada u joojin, taas oo markii danbe lagu reeyey.

Tonelli waxaa la eryey oo laga caydhiyey Kenya ka dib markii ay faafisay xasuuqii Wagalla 1984-kii, xilligaas oo ciidamada Kenya ay dileen boqolaal -iyo laga yaabee kumanaan ahaa dadkii Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqnaa.

Waxa ay ku soo laabatay Yurub oo ay koorasyo ka qaadatay dugsi aqooneedka Liverpool School of Tropical Medicine. 1987-kii, waxay dib ugu soo laabatay Soomaaliya, waxayna bilawday daawaynta Qaaxada, oo ay ugu horreyn ka bilawdey Beledweyne, ka dibna Muqdisho, ugu dambeyntiina magaalada Marka, iyada oo sida la sheegay isku dayaysey in ay ka fogaato dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

.

“Intii lagu jiray macaluusha Soomaaliya, waxay badbaadisay nolosha kumannaan Soomaali ah ‘oo haddii kale gaajo u dhiman lahayd’ ayuu ku qeexay Emanuele Capobianco, oo ah sarkaalka dabeysha u qaabilsanaa UNICEF Soomaaliya wakhtigaas.

Xilligii ay ka shaqaynaysay Boorama sagaashameeyadii, waxa ay u fududaysay 28 haween ah oo dumar ah oo ku shaqaysan jirey gudniinka fircooniga ah, in ay nolosha is badal ka sameeyaan, iyada oo guddoonsiisay lacag kaash ah oo ay ganacsiyo ku furteen, xaaladdaas oo sababtay in ay iska joojiyaan shaqadii gudniinka.

Sidee wax u soo gaadheen intii ay ku jirtay tabarucaadkaa ay ka waddey Soomaaliya?

Inkasta oo lagu tilmaamay in ay ahayd haweenay dhiirran xilli ay nolosheeda intii ugu badnayd ka shaqaynaysay dhul aad u halis badan, haddana waxaa jirey marar badan o ay dhibaatooyin kala duwan la kulantay.

Dalka Kenya sannadkii 1974-tii, iyada iyo gabadh kale oo Talyaani ah oo ay isla shaqeynayeen, oo lagu magacaabo Maria Teresa Battistini, waxaa garaacay oo gacan u la tegay laba nin oo u arkayay inay gaalo yihiin.

1990 kii magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya ayaa iyada iyo xubno ka mid ah shaqaalaheeda lagu af-duubtay mid ka mid ahna si xun ayaa loo dhaawacay ka hor inta aysan soo badbaadin askarta dowladda.

Muqdisho 1991 kii gurigeeda ayaa loogu dhacay iyada oo lag qabtay qori. Gurigeeda ayaa la rasaaseeyey, waxaanaloo soo diray warqad qoraal ah oo loogu hanjabayo in la dilo doono.

Magaalada Boorama, cusbitaalkii ay ka furtay dhawr jeer ayaa la dhagxiyey iyada oo lagu eedaynayey in bukaankii qabay xanuunka HIV-ga e ay daweynaysay ay iyadu ahayd qofka qaadsiinaya.

Sidaa oo kale sida lagu soo tebiyey buug laga qoray, marar badan ayaa la weerayay oo dhibaatooyin kala duwan la gaadhsiiyey.

Sida ay soo xigatay qoraa Pieh Jones waxay sheegtay in laga sheegay in weligeed “aanay cabsi muujin, waxayna rumaysnayd sababta ay weli u nooshahay in ay tahay in ay jirto maalin anay dhaafayn”

Dhmashadeedii

.

Inkasta oo ay dhibaatooyin badan la kulantay intii ay ku jirtey halgankeedii nafhurnimada ahaa ee kelida ay ku ahayd. Waxaa xaal is beddelay markii HIV/AIDS-ku uu soo gaadhay Soomaalida, kaas oo yareeyey bukaannadii qaaxada ee ay la tacaali jirtey. Markale ayay u hollatay ka hortagga iyo daaweynta dadka qaaday cudurkan, waxaa se weli jirey dad ku eedaynayay cudurkan cusub.

Sida ay qoraa Pieh Jones oo aad u dabagashay nolosha iyo taariikda Annalena ay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan WHO, dad badan ayaa khatar ku ahaa iyaga oo eedda ka dhigayey in bukaanka AIDS-KA aysan daaweyn ay se iyadu tahay tan qaadsiisa.

Lama hubo, in cadhadaas ay ku taxaluqday ama dano kale la xariireen, balse habeen ay taariikhdu ahayd 5 ta October, 2003 dii, ayaa ay madaxa ay ka toogteen laba nino oo hubaysan, xilli ay ka soo baxday cisbitaalkeedii.

Laba toddobaad ka dib, laba macallin oo British ah ayaa iyana lagu toogtay magaalada Shiikh oo ka tirsan isla Somaliland.

Pieh Jones ayaa amminsan in “Annalena ay ahayd dhibbanihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee wax ka soo gaadhaan kooxda noqon doonta al-Shabaab.”

Ururkii xag jirka ahaa ee Heritage oo layska wada xaadiriyey

Ururka xag jirka ah ee Heritage ee Xaruntiisu tahay Muqdisho, uuna maal geliyo Kaligii Taliyaha Jabuuti Cumar Geele , ee ujeedaddiisu tahay in Beesha Daarood loo kala qaybiyo Waqooyi iyo Koonfur, ayaa dhowaan shir ay qabsadeen oo laba Gudoomiye xilka isku kala wareejinayeen waxa ka qayb galay dhamaan Wasiiraddii Beelaha Isaaq iyo Hawiye. Wasiiradan iyo Heritage midna kama hadlin xasuuqii Sool ee Soomaalida midnimada doonaysay lagu xasuuqay

https://allsanaag.com/yaa-leh-haaydda-heritage/

Waa kuma RW Soomaaliya

RW Xamze miyaa la inqilaabay mise Magacaabisrtiisa awalba ahayd Magac u yaal.

Sanadihii ugu danbeeyey ee Soomaalidu qabsanaysay doorashada Dadban ee Muqdisho lagu qabanayey, ayaa natiijada ka dhalatay doorashadaas dhacday waxay ahayd Haddii siyaasiga guulaystay uu ka soo jeedo beesha Hawiye, in uu isagu soo xulan jiray RW ka soo jeeda beesha Daarood , inkastoo mid ka mi ah uuna waqtigiisa dhamaysan, hase ahaatee marka uu ku guulaysto siyaai Daarood oo uu soo doorto Raisul wasaare ka oo jeeda beesha Hawiye , Ra’isul wasaarahaasi wuxuu noqdaa mid ka awood badan madaxweynaha Daarood, sababtuna waa caasimadda oo beesha degtaa aaminsan yihiin in marti lagu yahay

Tusaalaha ugu fiican maata Ra’isul wasaaraha hadda Jooga Xamze Cabdi, oo inta uu xilka hayey aan cag soo dhigin Gobolada Sanaag, Bari, Nugaal, Sool iyo Mudug, sababtuna ay tahay cabsi uu ka qaba inuu ka caraysiiyo xag jirka reer Muqdisho sidaasna shaqaiisa uu ku waaya.

Maanta Rw Xamze , si u raali geliyo xag jirka reer Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya afduubka ku haysta ayaa ku khasbay in shaqadii xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo tii metelaadda Beesha Daarood ay hoos u dhigaan oo ay ku cadaadiyaan inuu qabto shaqaddii Golaha degaanka degmada Hodan oo xariga ka jaro Jidka xaafadda Taleex oo inta badan Guryaha xaafaddaas ku yaal bililiqo lagu haysto

Marka uu RW Xamze xariga ka jarayo jida dhex mara xaafadda Taleex oo inta badan guryaha xaafaddaas biliiqo lagu haysto, waxa magaalada Baydhabo ee caasimadda Koonfur galbeed ka socda shir lagu sheegay madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkaas ayaa waxa Gudoominayey Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac oo ka soo jeeda Beesha Isaaq iyo dhamaan maamul goboleedyada Soomaaliya aan ka ahayn maamulka Puntland.

Ugu danbayntii sida ay ku dhisan tahay dawladda Soomaaliya ee hadda joogta iyo sida ay u shaqayso maraka aad ka soo bilowdo Ma daxweynaha oo labo bilood Hirshabeele iyo Galmudug ka dhaxeeya oo aan Soomaalida kale dan ka lahayn, sida xafiiskii Ra/isul waaaraha loo bahdiayo, sida loo qabanayo shirar horumarineed oo loo leeyahay Puntland loo joojin maayo oo waa la qabanayaa sida kan hadda ka socda Baydhabo. Sababta ugu weyn ee kalifty in siyaasiyiinta Hawiye ee Madaxweynuhu u weyn yahay inay sidaas u dhaqmaan waa iyaga oo aaminsan in Dumarkii iyo carurtii ka carari kari waayey magaalada Muqdisho 1991 ee halkaa lagu dilay inay ku guulaysteen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. inta xaqiida la tusayana iyo inaanay Daarood isku arag dagaal dawldnimo waa inaga dheer tahay oo Qoyskan caasimaddii Soomaaliya gaar u sheeganaya ayaa loo afduubnaanayaa.

ALLSANAAGCOM

FIFA oo Morocco, Spain iyo Portugal u magacowday martigelinta Koobka Adduunka ee 2030

FIFA oo Morocco, Spain iyo Portugal u magacowday martigelinta Koobka Adduunka ee 2030

Waddamada Morocco, Spain iyo Portugal ayaa loo magacaabay martigeliyeyaasha Koobka Adduunka ee 2030, halka Uruguay, Argentina iyo Paraguay ay martigelin doonaan ciyaaraha furitaanka, si ay u xusaan sannadguuradii 100-aad ee ciyaaraha adduunka, sida ay sheegtay FIFA Arbacadii.

Dalabka wadajirka ah ee Morocco, Portugal iyo Spain ayaa ahaa musharraxiinta kaliya ee codsaday martigelinta tartanka.

FIFA ayaa lagu waday inay ku dhawaaqdo martigeliyayaasha sanadka soo socda.

Koobkii adduunka ee ugu horeeyay ee daah furka ee 1930-kii ayaa lagu qabtay Uruguay, waxaana ku guuleystay iska Uruguay.

Go’aanka Arbacada ee FIFA ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Koobka Adduunka lagu qabto saddex qaaradood iyo lix waddan, taasoo la micno ah in kulammada group-yada la qabto xilliyo kala duwan.

“Golaha FIFA waxay si wadajir ah isku raaceen in magacaabista kaliya ay noqon doonto dalabka wadajirka ah ee Morocco, Portugal iyo Spain, kuwaas oo martigelin doona Koobka Adduunka 2030 oo si toos ah uga soo bixi doona qoondaynta hadda,” FIFA ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Koobka Adduunka 2022 ayaa lagu qabtay dalka Qatar, waxaana ku guuleystay waddanka Argentina.

Xiriirka Kubadda Cagta Argentina (AFA) ayaa sheegay in kooxdoodu ay “kulanka ugu horreeya ee heerka guruubyada 2030 ku ciyaari doonaan dadkooda”.

Haweenay Soomaaliyeed ayaa la soo werinayaa in Axaddii lagu xidhay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, kadib markii lagu soo eedeeyay in ay si qarsoodi ah u soo galisay dalkaas 3.4 kilo oo dahab ah oo qiimihiisu gaadhayo 29 Milyan oo Shilinka dalka Kenya ah ($195,747.55).

Gabadhan oo aan magaceeda kusoo koobeyno Sahra, ayaa wararku waxay sheegayaan inay tahay Soomaalida Kenya.

Soomaali badan ayaa la sheegay inay dahabka cayriinka ah u iibgeeyaan dalkaas Hindiya, halkaasoo kaddib laga sameeyo dahabka ay xirtaan hablaha sida dhegaha, katiinadda, faraantiga iyo jijimanka.

Lama oga xaddiga dahabka ee guud ahaan la geeyo Hindiya, iyo in Soomaalida ay gudaha Kenya uun ka dhoofiyaan dahabkan, iyo inay jiraan dad kale oo gudaha Soomaaliya ku sugan oo dahabka u iibgeeya Hindiya.XAYEYSIINhttps://682a5f3b91749740e9b4da768d43a618.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Maxay ka yidhaahdeen warbaahinta Hindiya dhacdadan?

dahabka

Laamaha sirdoonka hawada ee Hindiya (AIU) ayaa sheegay in haweeneydaasi ay dahabka ku qarisay dharkeeda hoose, ayna ka dhoofeysay garoonka, markii la qabtay.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in haweenayda oo reer Nayroobi ahayd ay qabteen kaddib markii waaxda sirdoonka ee garoonka diyaaradahu ay ku qabteen meel u dhaw albaabka laga baxo ee garoonkaas, xilligaas oo ay ka soo gudubtay baadhisihii albaabbada gudaha ee garoonka.

Haweenaydan ayaana la sheegay in ay wadatay baasaboorka UK.

“Waxay haysatay baasaboor ay bixisay Boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland, kaas oo shaqaynayay ilaa 2032. Waxay ka timid Nairobi yaa oo qorshaheeda socod ahaa Mumbai ayna soo gaadhay 30-kii Sebtembar,” ayay sarkaal dhanka cashuuraha ah ka soo xigteen warbaahinta Hindustan Times.

Saraakiisha Kastamka ayaa soo ogaaday 17 waax oo dahab ah oo ka mid ah dahabkii ay wadatay ayna ku soo dhex qarisay dharka ay xidhato, halka inta kale ay shandaddeeda iyo meelo kale ku soo qarisay.

Kiilada dahabka ah ayaa laga heli karaa ku dhawaad 5,4000 oo dollar ah. Sida laga soo xigtay warbaahinta Hindiya, haweeneydan ayaa lagu hayn doonaa muddo 14 maalmood ah iyadoo mas’uuliyiinta ay baadhayaan sida uu ku dhacay qorshahan tahriibinta dahabka ahi

Waxa la rumaysan yahay in ay qayb ka tahay shabakad weyn oo ka ganacsata dahabka kuwaas oo ka dhisan Mumbai, meeshaas oo ay saraakiisha cashuuraha dawladda Hindiya aamminsan yihiin in ay tahay xarun si sharcidarro ah dahabka uga ganacsata, sida ay baahinayaan warbaahinta Hindiya.

Bishii April ee sanadkan, sagaal dumar ah oo Kenya ka tegay ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Mumbai, kaddib markii ay isku dayeen inay ka dhoofiyaan dahab qiimihiisu yahay Sh156.4 milyan oo lacagta Kenya ah.

Sida ay sheegayaan wararku ugu yaraan 640 kiilogaraam oo dahab ah oo qiimahiisu yahay ku dhawr boqol oo kun oo dollar (Rs 360 crore) ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha.

Kooxaha sida sharcidarrada ah dahabka u keenaya ayaa la sheegay in ay dumar ajaanib ah u adeegsadaan in ay dahab ku soo galiyaan dalkaas.

Muxuu ka qabaa sharciga Hinidya arrintan?

dahab

Sida uu qabo sharciga Hindiya, waa dembi in si qarsoodi ah dahabka loo qaato.

Dembiyada iyo qodobbada ciqaabtu waxay dhigayaan dalkaas “in dadka ku lugta leh tahriibinta iyo hababka kale ee soo dejinta iyo dhoofinta, iyo ku xadgudbidda waxyaalaha la mamnuucay ama kuwa ujeeddadoodu tahay inay ka baxsadaan waajibaadyada dawladda waxay mutaysanayaan tallaabo ciqaab ah oo culus sida uu dhigayo Xeerka Cashuuraha.”

Sida oo kale sharciga dalkaa ayaa dhigaya alaabta iyo hantida la qabto xilli ay ahayd sharci darro habkii lagu keenay ama lagu soo iibsaday in dawladdu la wareegi karto, waxaana lagu soo rogi karaa ganaaxyo culus cid kasta oo ku lug leh dhacadadaas.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka sida sharcidarrada ah dahabka lagu geeyo iyada oo horena ay dhawaan ahayd markii dalkaasi qabtay dhab si dharcidarro ah la isku deyey in si diblomaasiyadeed loo dhaafiyo waaxaha baadhista oo garoonka diyaaradaha lagu qabtay.

Kevin McCarthy oo xilkiilaga qaaday

Gudoomiyihii Baarlamaanka Maraykanka oo mooshin xilkii looga qaaday

Taariikhda Maraykan oo qarniyo Dioqraadiyad soo ahayd ayaa markii ugu horay Mooshin laga keeny Gudoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Maraykanka. Mooshinka ayaa waxa ka keenay qaar ka mid ah xag jirka Xisbigiisa oo rabay inuu sida Tump u dhaqmo.

Kevin McCarthy oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka California  ayaa cod ah 216-210 (R-CA) xilkii looga qaaday

<blockquote class=”twitter-tweet”><p lang=”en” dir=”ltr”>The walk of shame. <a href=”https://t.co/GcUpbM9MDJ”>pic.twitter.com/GcUpbM9MDJ</a></p>&mdash; Ron Filipkowski (@RonFilipkowski) <a href=”https://twitter.com/RonFilipkowski/status/1709322354638103008?ref_src=twsrc%5Etfw”>October 3, 2023</a></blockquote> <script async src=”https://platform.twitter.com/widgets.js” charset=”utf-8″></script>