23rd July 2024  admin  Category :

8 SANO IYO 30KM: WADADDA CEELDAAHIR-CEERIGAABO. Waxa qoray Ahmed Abdilahi Mohamed

Sanadkii 2015-kii Bishii 5-aad waxaa wadadan dhagax dhigay Madaxweyne Cabdiweli Gaas. Wadaddan ayaa ka bilaamaneesa Magaalada Ceeldaahir kuna dhamaaneesa Caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, taas oo dheraar ahaan gaareesa 220km.

Madaxweyne Gaas hadalkii uu ka jeediyey furitaanka wadaddaa waxaa uu ahaa sidan:

Wadaddan Ceeldaahir-Ceerigaabo waa waddo muhiim ah, marka loo eego istaatiijiyadda gaarka ah oo ay leedahay. Waxaan aad ugu taamayaa aadna ugu dadaaleenaa in mashruucaasi sidii loogu tala galay uu ku hirgalo.Dadka in badan ayaa is oraneesa dadka rer Puntland 220km wado laami ah side u dhisi karaan? Waa awoodnaa. Puntland waa isku tashatay, dadkeenuna waa isku filan yihiin, waxay u kacaan oo ku tala galaan oo u kacaan waxaan aaminsanahay inay hirgaleeso. Inteey doonto hanagu qaadatee. Waa nagu ballan, waana nagga go’antahay in wadaddaasi hirgasho ceerigaabo-Ceeldaahir iyo Puntland oo dhana ay isku xirnaato”.

Sidoo kale, Sanadkii 2018, Bishii 7-aad guddigga ayaa soo bandhigay wajiga labaad ee Wadadda, kulan balaaran oo lagu qabtay Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe, taas oo Madaxweyne Gaas kasoo qab galay. Guddigga ayaa sheegay wajiga kowaad ee Caratuurka soo gaba gaboobay kaas oo ahaa 90km, dhowaana daamurka la saari doono.

Madaxweyne Gaas ayaa kullankaas ka sheegay, “in wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo ay dadka rer Puntland iyo dawladaba waajib iyo xujo ku tahay, dhismaha wadadaasna ay fure u noqon doonto horumarka iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala”.

Madaxweyne Gaas ayaa sida muugata waxaa ka go’nayd inuu xoogga saaro sidii uu ku dhamaystiri lahaa wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo, iyadoo uu ku hawl gashay oraahdiisii caanka noqotay ee Puntland Ha Isku Tashato. Balse markii Madaxweyne Gaas uu xilka baneeyey sanadkii,2019, Bishii, 1-aad, gadaashiid waxaa ay joogtaa meeshii uu kaga tegay maalintaas.

Sanadkii 2019, Bishii, 2-aad, Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay guddiga Wadadda, waxayna ka wada hadleen sidii looga mira dhallin lahaa mashruuca. Kullanka ayaana waxaa ka codsaday Madaxweynaha Guddiga Wadadda balse dhanka Madaxweynaha kama iman codsigaasi sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Wadadda, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Guddigga ayaa sidoo kale madaxweynaha la wadaagay inay dhamaystireen 114km oo kaliya daamurku u harsan yahay sidoo kalena ay maamuleen lacag dhan, 6 Milyan iyo 600 Doollar.

Madaxweyne Deni ayaa ballan qaaday goobtana ka sheegay in la dhamaystiri doono Wadadda, lacagta dhimana la raadin doono.

Sanadkii, 2023kii, Bishii 5-aad, Madaxweyne Deni ayaa booqasho ku saabsan doorashadiisa Hal Qof Hal Cod ku tegay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Waxaana uu ka jeediyey hadal deelqaaf iyo gefba ku ahaa rer Sanaag iyo naftiisaba, taas oo u dhignaa sidanu:

Mudda ka yar laba bilood Ayaan rabaa inaa ku dhamaystiro 40km ee harsan wadadda Ceeldaahir-Ceerigaab taas oo ah ilaa Hadaaftimo. Waxaa wax lala yaabo ah, in rer Badhan wakhtigaas Madaxweynaha Sacabayn iyo mar xabayn kusoo dhowaynayeen hadalkiisa ku aadan wadada, balse taas bedelkeeda aysan is waydiin, Deni inuu 5-sano kadib hadalkaas beenta iyo dhallanteedka isugu jira u sheegayo iyadoo wadaddii meeshii Madaxweyne Gaas kaga tegay aan 1km hore loo qaadin.

Sidoo kale sanadkii 2020, Bishii 8-aad guddiga ayaa sheegay inay furi doonaan waji labaad ee daamur saarista wadadda uuna furi doono Madaxweyn Deni, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Guddigga Dhismaha wadadda Shiikh Cali Maxamuud Xassan(Cali Laangare). Madaxweyne Denina inuu fure iskadaa e waa isaga hadalka aan suutagalka ka ahayn 5-jir ka ka jeedinaya Badhan sanadkan 2023.

Sanadkii 2019-kii Bishii 11-aad, Guddiga wadadda ayaa baarlamaanka looga yeeray. Qayba ka mid ah Baarlamaanka ayaa ku eedayey Guddigga inay 30% dhaqaalaha wadadda loo isticmaalay dana gaar ah. Sidoo kalena Gaadiidkii wadadda uusan gacanta dawladda ku jirin. Qalabkan ayaa Dekedda Boosaaso kasoo degay sanadkii 2016, Bishii 3-aad, qiimaha qalabka iyo gaadiidka wadadda ayaa lagu sheegay lacag dhan 2.5 Milyan Doollar.

Madaxweyne Gaas ayaa ku taliyey rer sanaag inay cashuurtaan qalabkaas, malaha waxaa u muugtay inay suuragal noqon karto in hadba wadada lagu dhishi karo, iyadoo aysan dhamaan wadaddii khaaska u lahayd. Balse nasiib daro taladaas lama weelayn.

Shiikh Fu’aad Aflow oo ka mid ah xubnaha Guddigga ayaa Baarlamaanka u sheegay in madaxda maamulka hadda jirta iyo tii horeba ay u gudbiyeen in laga wareejiyo masuuliyadaas balse laga diiday. Wuxuu kaloo sheegay, inaysan dawladdu soo dirsan hantidhowreheeda si uu ula socdo habka wax loo maamulaayo.

Balse, uyeerista Guddiga ee Baarlamaanka ayaan waxba ka bedelin hanaan u socodkii wadadda, wax dib u hadal hayana lama sheegin. Taas oo muujineesa ka dhega la’aanta iyo door bidid la’aanta wadadda xukuumadda hadda jirta ee Siciid Deni.

Sanadkii 2021-dii Bishii 3-aad, Guddoomiyaha Guddigga Wadadda Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf mar waraysi lala yeeshay ayuu yiri: Shaqadii way socotaa Wajigii u dameeyey ee daamurka lagu saarayey meel fiican buu marayaa,waxaanuna rajayneennaa inaa dhamaystirno 30km sida qorshuhu ahaa.

Guddigga marna ma aysan sheegin lacagta saxda ah ee ku baxaysa wadadda? Sidaas darteed miyeysan qiimayn jirin?Wadadda Maxaa Shirkad qandaraaska loo siin wayey, la gala xisaabtamo? Maxay Guddiggu haddii ay arkeen fashilka wadadda dadka u hor iman wayeen una sheegi wayeen sababta?

Su’aasha iswaydiinta leh ayaa ah ayaa ah Guddiggu 30km iyo 9 sanadood miyey ku faraxsan yihiin guulna ka rajaynayaan, iyagoon qaabkii hore wax ka bedelin?

Sanadkii 2018-kii, Bishii 11-aad, dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay 1.5 Milyan Doollar ugu deeqday wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo,. Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa munaasabad lagu qabtay Muqdisho kaga dhawaaqay, sheegayna in lasii marsiin doono lacagtan Maamulka Puntland iyo Guddigga gacanta ku haya dhismaha wadadda.

Isla 2018, Bishii 11-aad Puntland ayaa beenisay in Dawladda Federaalku lacag ugu deeqday wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo. Balse taas bedelkeed ay ahayd deeqay bixiso Midowga Yurub oo loo yaqaan “Surge Support” taas oo Dawladda Federaalka loo soo mariyey,Puntlandna ay ugu deeqday wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo gebi ahaan ba lacagtaas.

Lacagtaas 1.5 Milyanka Doollar ayaa dood la gashaa gaaritaankeeda Guddigga wadadda, balse meel guddiggu lacag maamulka Puntland ka gala waregayaan lama sheegin. Bil kadibna Doorashadii Puntland baa dhacday oo maamul cusub baa yimi.

Sanadkii 2016-kii, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana qorsheheeda Somalia Transport sector needs Assessment and Investment Programme ku sheegtay wadadda Ceeldaahir-ceerigaabo, waa lagu daray wadooyinka lakiin lama doorbidayo sababna uga dhigeen isu socodka tiro dad yari. Halka ay dawladdu ku dartay wadooyin laba tuulo u dhexeeya.

Meelaha dhaqaaluhu kasoo galo wadadda waxaa ka mid ah, Qoondo dawladdu bixiso, balse loo badinaayo maamulkan Madaxweyne Deni inuusan bixin. Lacag arday kasta la saaray siiba Iskuulaadka iyo Jaamacadaha. Gaadiiddka kala duwan oo cashuur la saaray. Ganacsatada oo lacaga joogta ah laga qaado. Shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar iyo lacago loo qoondeeyey rer Sanaag balse bila socday istaagayna.

DOORKA RER SANAAG

Dadka rer sanaag ayaan gabi ahaan ba u muugan dad wax ka maqan yihiin. Wadaddana laba is waydiineesa way yartahay, marka laga reebo inay afka ka jecel yihiin inay wadadaasi dhamaato.

Guddoomiye ku xigeenka Guddigga Wadadda, Shiikh Cali Maxamuud Xassan(Cali Laangare) iyo Shiikh Cunbul Faarax Bille labaduna waa laba masuul oo kasoo jeeda Gobolka. Waana labada nin oo la rabay inay Shidaal ku shubaan rer Sanaag iyo guud ahaan ba Puntland balse ma aysan dhicin. Maanta oo 8 sano iyo 30km la joogo hal kelmad ma aysan ka oran, taasna jawaab kaga filan.

Shacabka rer Sanaag wuxuu leeyahay, Isimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Ganacsato iyo bulshada qaybeheeda kale ee kala duwan, gabi ahaan ba afkooda way ka furaysteen Dhismaha Wadadda Ceeldaahir-Ceerigaabo. Cidka eeda kowaad qaadaneesana waa iyaga, iyaga oo aan laga arag doonis iyo dadaal dheeri ahna waxba ma soconayaan.

Waxaan kusoo gaba gebayn lahaa, wadadaas siyaasadaha badan ku geedaaman yihiin, intaan qalabkeeda la furfuran, qorshe cad ka yeesha oo falankeeda gala sidii aad u dhamaystiri lahaydeen. Gaar ahaan waxaa masuuliyadd adagi ka sarantahay, siyaasiyiinta ku matala’ rer Sanaag Puntland iyo Dawladda Federaalkaba. Cid kale lasii wadaag fadlan.LikeCommentShare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*