IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, sheegtay in dowladdu waddo fulinta isbeddellada dhaqaale

IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, sheegtay in dowladdu waddo fulinta isbeddellada dhaqaale

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan.

War saxaafadeed ay maanta oo Arbaca ah soo saarta IMF ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan.

Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo doollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo.

IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda, ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nairobi bishii Sebtember, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar.

Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda IMF.

“Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay.

Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan.

Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Soomaaliya

Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Soomaaliya

Biyaha Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu qanisan kalluumeysiga adduunka oo aan weli si weyn looga faa’ideysan. biyaha Soomaaliya waxay si gaar ah ugu nugul yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Maraakiib kaluumaysi oo Anjabi ah ayaa soomaaliya kaga kaluumaysta qaab sharci daraa. Warbixin ay soo saareen dhawaan Khuburada la soco xariyaada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa xustay in doomo laga leeyahay dalka Iran ay yihiin kuwo ugu badan ee hanaan aan sharci ahayn kaga kaluumaysta badaha Soomaaliya gaar ahaan badda cas.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in doomaha ka kaluumasta xeebaha Soomaaliya ee ay leedahay Iran lagu qiyaasay ilaa 134 doonyood.

Hawlgallada ay fuliyaan ciidamada caalamiga ah shatiyadan ayaa u muuqday kuwo shaqeynaya muddo 45 maalmood ah.

Sida ay cadeeyeen guddiga waxay sheegeen in dukumeentiyo la wadaageen maamulka Puntland ay u cadaatay in bixinta khidmada ay gaaraysay $6,111.

Bixinta iyo soo saarista dukumentiyada been abuurka ah, guddigu waxay ku talo jiraan inay ururiyaan caddayn dheeraad ah oo ay siiyaan fursad.

Guddigu waxay warqado u direen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxayna codsadeen nuqullo shatiyo kalluumeysi ah oo Soomaaliya laga siiyay maraakiibta.

Jamhuuriyadda Iran ayaa ku wargelisay guddiga in maamulkooda ay u baahan yihiin waqti dheeri ah si ay u soo ururiyaan macluumaadka la codsaday.

Haddii mid kasta oo ka mid ah 134-ka doomood ee calanka Iran uu bixiyo $11,000 si uu shati u qaato, markaas wadar ahaan $1,650,000 ayaa la siin lahaa.

Ciimada Booliska Badda ee Puntland ayaa qabtay ku dhawaad 14 doomood oo si sharci daraa uga kaluumaysanayey xeebahaas intii u dhaxaysay October 2022 ilaa 25 maarso 2023 kuwaas oo laga leeyahay Iran iyo Yemen, midkoodna doomahan ma lahayn shati kaluumaysi.

In ka badan 300 oo milyan oo doollar ay Soomaaliya kaga lunta kalluumaysiga Soomaaliya sida ay sheegey IUU.

Maxkamada gobolka banaadir ayaa xukuno ku riday ilaa 36 ruux oo anjabi kuwaas oo si sharci daraa ugu kaluumaysanayey xeebaha Soomaaliya.

33 ka mid ahaa waxay ka soo jeedeen dalka Iran halka saddex kalana ay u dhasheen dalka Pakistan.

Xaalada kaluumaysatada Soomaaliyeed

Kaluumaysatada Soomaalida ayaa la kulma duruufo adag xiliyada ay jilaabayaan kaluunka sababo ay ugu weyn tahay jariifka badda ay ku hayaan maraakiibta iyo doomaha shisheeyaha.

Warbixino ay aruuriyeen haya’ddaha maxaliga ayaa muujinaya in heerka yaraanta kaluunka ay horseeday in muruq maalka baddu ka niyad jabaan jilaabashada.

Degmada Eyl oo ka mida deegaan xeebeedyada ku yaal Puntland, kaluumaystada ayaa sheegaya inay hoos u dhaca kaluunku ay ugu weyn tahay jariifka doomaha shisheeye.

Warbixinada ay soo sareen Qaramada midoobay waxay kaluumaysiga sharciga ee Soomaaliya ku tilmaameen mid masiibo ah.

Wasaaradda Qorsheynta oo ku howlan u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka

Wasaaradda Qorsheynta oo ku howlan u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku yeeshay magaalada Muqdisho banbax labo-maalin ah (29-30ka Oktoobar, 2023), si loo dar-dargeliyo horumarinta qorshaha wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Farax (Beenebeene) oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir- guddoomiyay banbaxa labada maalin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Shire, dhammaan Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo lataliyeyaasha sare ayaa ka qeyb-galay banbaxa iyaga oo soo jeediyay talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo sii ambo qaado guud ahaan gudashada waajibaadka ee Wasaaradda.

Banbaxa ayaa si guud diiradda loogu saaray arrimo istaratiiji u ah Wasaaradda iyo wax-qabadkeeda oo ay ka mid yihiin; Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda, u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka, isku-dubbaridka deeqaha caalamiga ah, xoojinta iyo tayeynta karaanka wasaaradda, iskaashiga guud, hannaanka kormeerka iyo qiimeynta qaranka, bahwadaagta horumarinta iyo qorsheynta dhaqaalaha deyn-cafinta kadib.

Kulanka banbaxa ayaa hoosta looga xariiqay baahida loo qabo dar-dargelinta fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo in sare loo qaado kartida wasaaradda oo horseedi doonta isku-duwidda Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha (QHDH), si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale oo waara.

Waxay muddo qarni ka badan baadigoobayaan madaxyadii awooweyaashood

Waxay muddo qarni ka badan baadigoobayaan madaxyadii awooweyaashood

Isaria Anael Meli oo u dhashay dalka Tanzia ayaa in ka badan 60 sano baadi goobaya qaybo ka mid ah jirka awoowgiisa.

waxaa uu rumaysan yahay in haraadiga awoowgiisa uu yaalo madxafka Berlin ee Jarmalka ka dib markii awoowgii , Mangi Meli, oo ay weheliyaan 18 masuul iyo la taliyeyaal kale, ay daldaleen ciidammada gumeysiga Jarmalka 123 sano ka hor.

Wasiir ka tirsan Dowladda Jarmalka ayaa BBC-da u sheegay in waddankiisu uu diyaar u yahay in uu raaligelin ka bixiyo xukunnadii dilka ahaa ee ka dhacay waqooyiga Tanzania.

Si mid ah Isaria Anael Meli ,dad kale ayaa raadinaya haraadiga eheladooda, ayada oo la adeegsanayo cilmi-baadhis DNA ah, oo aan horey loo isticmaalin, laba ka mid ah madaxyada dadka la dilay ayaa laga aqoonsaday madxafka ku yaal Jarmalka oo ay yaalaan oo kumanaan Madax.

Dadka jarmalku daldalay oo gaarayay 19 nin oo ku nool tuulo hoos tagta gobalka Kilimijaaro ee waqooyiga dalka Tanzaaniya ayaa 2-dii Maarso 1900, la maxkamdeeyay kadib markii lagu eedeeyay inay maleegayeen weerar ay ku qaadaan ciidamada gumeysiga Jarmalka.

Jarmalka ayaa qaatay in badan oo ka mid ah qaaradda afrika kadib shirkii Berlin 1884-1885. Quwadihii reer Yurub ayaa yeeshay kulan ay qaarada Afrika ku kala qaybsadeen iyaga oo aan dadkii halkaa ku noolaa wax ka door ah siin.

nin awowgiis raadinaya 60 sano

Mangi Meli, oo ka mid ahaa hogaamiye dhaqameedii ay dileen ciidanka Jarmalka, waxaa uu ka mid ahaa madaxii ugu caansanaa, ee sida adag ula dagaalamay ciidanka Jarmalka isaga oo jabiyay sanadkii 1892.

Ciidanka Jarmalka ayaa rabay in dilka Mangi Meli iyo hoggaamiyeyaasha kale ee deegaanka ay tusaale u noqdaan dadka kale ee deegaanka oo laga yaabo inay qorsheynayeen kacdoon ka dhan ah ciidanka Jarmalka .

Inta badan meydadka dadkii la dilay waxaa la rumeysan yahay in lagu aasay xabaal wadareed meel u dhow halka lagu dilay , balse waxaa jira kuwa kale oo xabaalaha laga soom saaray, madaxana laga jaray, ka dibna madaxyadoodii loo qaaday caasimadda Jarmalka oo 6,600km (4,100 miles u jirta xaduudaha qaarada afrika .

Mar uu ka hadlayay waxa ku dhacay awoowgiis, Mr Meli oo madaxii awoowgiisa goobayay in ka badan 60 sano waxaa ka muuqatay murugo iyo jahawareer sida dhacdadaasi ay u dhacaday.

1960-meeyadii, Mr Meli waxa uu warqad u qorayay mas’uuliyiinta Jarmalka iyo Tansaaniya isaga oo ku boorrinayay in ay raadiyaan madaxa awoowgiis.

Waxa uu sheegay in Dowladaha ay isku dayeen in ay meesha ka saaraan jirtaanka waxa uu raadinayo, iyaga oo u sheegay in diiwaanada la xiriira arintaas la burburiyay intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka.

Dadka madaxyadooda la la' yahay

“dadka booqashada halkaasi ku taga had iyo jeer way ooyaan: ‘U sheeg dhammaan dadka Jarmalka inay soo celiyaan madaxyada awoowayaasheen .” ayuu yir , Mr Meli

, Mr Meli oo hadalkiisa sii wata ayaa yir “Waxay ku qariyeen madaxii awoowgay meel sababtoo ah waxay u maleeyeen in qoyska Mangi Meli ay yihiin dad yaryar – iyagoo aaminsan iny samayn karaan waxay rabaan. Laakin xusuusnow in madaxan uu u baahan yahay dalka oo dhan ma ahan aniga, kaliya.”

Mangi Meli wuxuu ahaa caaqil ka soo jeeda qowmiyadda Chagga oo ah mid ka mid ah beelaha ugu caansan Tansaaniya waqtigan.

Daldalaadda 19-ka nin 123 sano ka hor waa mid ka mid ah “dambiyada tirada badan” ee ay tilmaantay ee ka dhacay xilgii Gumeeysiga .

Bankiga Ziraat Katilm ee dalka Turkiga oo laan ka furtay Soomaaliya

Bankiga Ziraat Katilm ee dalka Turkiga oo laan ka furtay Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furayay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Ziraat Katilim, Waxaana kasoo qeyb-galay furitaanka Bangiga mas’uuliyiin katirsan dowaldda madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Jabriil Abdirashiid Xaaji oo kamid ah madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa yiri ” Bankigaan wuxuu fududeen doonaa xariirka ganacsi ee aan la leenahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ka qeybgalay xaflada daah-furka, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Bangigii ugu horreeyay ee dalka dibadiisa laga leeyahay uu xarun ka furto magaalada Muqdisho.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jarno xarunta Bangiga caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri Wasiir Biixi Imaan Cige.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe, ayaa isna lagu yiri “Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedba la wadaago in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2023, si rasmi ah loo daah-furay Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya.

Furitaanka Bankigan cusub waxay qeyb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka aan wax kala iibsiga leenahay sida Jamhuuriyadda Turkiga.

Ugu dambeyn Bankiga dhexe ayaa sheegay inay Soomaaliya ka go’an tahay dib u habeynta , kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in  ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.