26th July 2024  admin  Category :

Bankiga Ziraat Katilm ee dalka Turkiga oo laan ka furtay Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furayay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Ziraat Katilim, Waxaana kasoo qeyb-galay furitaanka Bangiga mas’uuliyiin katirsan dowaldda madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Jabriil Abdirashiid Xaaji oo kamid ah madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa yiri ” Bankigaan wuxuu fududeen doonaa xariirka ganacsi ee aan la leenahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ka qeybgalay xaflada daah-furka, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Bangigii ugu horreeyay ee dalka dibadiisa laga leeyahay uu xarun ka furto magaalada Muqdisho.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jarno xarunta Bangiga caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri Wasiir Biixi Imaan Cige.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe, ayaa isna lagu yiri “Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedba la wadaago in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2023, si rasmi ah loo daah-furay Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya.

Furitaanka Bankigan cusub waxay qeyb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka aan wax kala iibsiga leenahay sida Jamhuuriyadda Turkiga.

Ugu dambeyn Bankiga dhexe ayaa sheegay inay Soomaaliya ka go’an tahay dib u habeynta , kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*