26th July 2024  admin  Category :

Waxay muddo qarni ka badan baadigoobayaan madaxyadii awooweyaashood

Isaria Anael Meli oo u dhashay dalka Tanzia ayaa in ka badan 60 sano baadi goobaya qaybo ka mid ah jirka awoowgiisa.

waxaa uu rumaysan yahay in haraadiga awoowgiisa uu yaalo madxafka Berlin ee Jarmalka ka dib markii awoowgii , Mangi Meli, oo ay weheliyaan 18 masuul iyo la taliyeyaal kale, ay daldaleen ciidammada gumeysiga Jarmalka 123 sano ka hor.

Wasiir ka tirsan Dowladda Jarmalka ayaa BBC-da u sheegay in waddankiisu uu diyaar u yahay in uu raaligelin ka bixiyo xukunnadii dilka ahaa ee ka dhacay waqooyiga Tanzania.

Si mid ah Isaria Anael Meli ,dad kale ayaa raadinaya haraadiga eheladooda, ayada oo la adeegsanayo cilmi-baadhis DNA ah, oo aan horey loo isticmaalin, laba ka mid ah madaxyada dadka la dilay ayaa laga aqoonsaday madxafka ku yaal Jarmalka oo ay yaalaan oo kumanaan Madax.

Dadka jarmalku daldalay oo gaarayay 19 nin oo ku nool tuulo hoos tagta gobalka Kilimijaaro ee waqooyiga dalka Tanzaaniya ayaa 2-dii Maarso 1900, la maxkamdeeyay kadib markii lagu eedeeyay inay maleegayeen weerar ay ku qaadaan ciidamada gumeysiga Jarmalka.

Jarmalka ayaa qaatay in badan oo ka mid ah qaaradda afrika kadib shirkii Berlin 1884-1885. Quwadihii reer Yurub ayaa yeeshay kulan ay qaarada Afrika ku kala qaybsadeen iyaga oo aan dadkii halkaa ku noolaa wax ka door ah siin.

nin awowgiis raadinaya 60 sano

Mangi Meli, oo ka mid ahaa hogaamiye dhaqameedii ay dileen ciidanka Jarmalka, waxaa uu ka mid ahaa madaxii ugu caansanaa, ee sida adag ula dagaalamay ciidanka Jarmalka isaga oo jabiyay sanadkii 1892.

Ciidanka Jarmalka ayaa rabay in dilka Mangi Meli iyo hoggaamiyeyaasha kale ee deegaanka ay tusaale u noqdaan dadka kale ee deegaanka oo laga yaabo inay qorsheynayeen kacdoon ka dhan ah ciidanka Jarmalka .

Inta badan meydadka dadkii la dilay waxaa la rumeysan yahay in lagu aasay xabaal wadareed meel u dhow halka lagu dilay , balse waxaa jira kuwa kale oo xabaalaha laga soom saaray, madaxana laga jaray, ka dibna madaxyadoodii loo qaaday caasimadda Jarmalka oo 6,600km (4,100 miles u jirta xaduudaha qaarada afrika .

Mar uu ka hadlayay waxa ku dhacay awoowgiis, Mr Meli oo madaxii awoowgiisa goobayay in ka badan 60 sano waxaa ka muuqatay murugo iyo jahawareer sida dhacdadaasi ay u dhacaday.

1960-meeyadii, Mr Meli waxa uu warqad u qorayay mas’uuliyiinta Jarmalka iyo Tansaaniya isaga oo ku boorrinayay in ay raadiyaan madaxa awoowgiis.

Waxa uu sheegay in Dowladaha ay isku dayeen in ay meesha ka saaraan jirtaanka waxa uu raadinayo, iyaga oo u sheegay in diiwaanada la xiriira arintaas la burburiyay intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka.

Dadka madaxyadooda la la' yahay

“dadka booqashada halkaasi ku taga had iyo jeer way ooyaan: ‘U sheeg dhammaan dadka Jarmalka inay soo celiyaan madaxyada awoowayaasheen .” ayuu yir , Mr Meli

, Mr Meli oo hadalkiisa sii wata ayaa yir “Waxay ku qariyeen madaxii awoowgay meel sababtoo ah waxay u maleeyeen in qoyska Mangi Meli ay yihiin dad yaryar – iyagoo aaminsan iny samayn karaan waxay rabaan. Laakin xusuusnow in madaxan uu u baahan yahay dalka oo dhan ma ahan aniga, kaliya.”

Mangi Meli wuxuu ahaa caaqil ka soo jeeda qowmiyadda Chagga oo ah mid ka mid ah beelaha ugu caansan Tansaaniya waqtigan.

Daldalaadda 19-ka nin 123 sano ka hor waa mid ka mid ah “dambiyada tirada badan” ee ay tilmaantay ee ka dhacay xilgii Gumeeysiga .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*