26th July 2024  admin  Category :

Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Soomaaliya

Biyaha Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu qanisan kalluumeysiga adduunka oo aan weli si weyn looga faa’ideysan. biyaha Soomaaliya waxay si gaar ah ugu nugul yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Maraakiib kaluumaysi oo Anjabi ah ayaa soomaaliya kaga kaluumaysta qaab sharci daraa. Warbixin ay soo saareen dhawaan Khuburada la soco xariyaada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa xustay in doomo laga leeyahay dalka Iran ay yihiin kuwo ugu badan ee hanaan aan sharci ahayn kaga kaluumaysta badaha Soomaaliya gaar ahaan badda cas.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in doomaha ka kaluumasta xeebaha Soomaaliya ee ay leedahay Iran lagu qiyaasay ilaa 134 doonyood.

Hawlgallada ay fuliyaan ciidamada caalamiga ah shatiyadan ayaa u muuqday kuwo shaqeynaya muddo 45 maalmood ah.

Sida ay cadeeyeen guddiga waxay sheegeen in dukumeentiyo la wadaageen maamulka Puntland ay u cadaatay in bixinta khidmada ay gaaraysay $6,111.

Bixinta iyo soo saarista dukumentiyada been abuurka ah, guddigu waxay ku talo jiraan inay ururiyaan caddayn dheeraad ah oo ay siiyaan fursad.

Guddigu waxay warqado u direen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxayna codsadeen nuqullo shatiyo kalluumeysi ah oo Soomaaliya laga siiyay maraakiibta.

Jamhuuriyadda Iran ayaa ku wargelisay guddiga in maamulkooda ay u baahan yihiin waqti dheeri ah si ay u soo ururiyaan macluumaadka la codsaday.

Haddii mid kasta oo ka mid ah 134-ka doomood ee calanka Iran uu bixiyo $11,000 si uu shati u qaato, markaas wadar ahaan $1,650,000 ayaa la siin lahaa.

Ciimada Booliska Badda ee Puntland ayaa qabtay ku dhawaad 14 doomood oo si sharci daraa uga kaluumaysanayey xeebahaas intii u dhaxaysay October 2022 ilaa 25 maarso 2023 kuwaas oo laga leeyahay Iran iyo Yemen, midkoodna doomahan ma lahayn shati kaluumaysi.

In ka badan 300 oo milyan oo doollar ay Soomaaliya kaga lunta kalluumaysiga Soomaaliya sida ay sheegey IUU.

Maxkamada gobolka banaadir ayaa xukuno ku riday ilaa 36 ruux oo anjabi kuwaas oo si sharci daraa ugu kaluumaysanayey xeebaha Soomaaliya.

33 ka mid ahaa waxay ka soo jeedeen dalka Iran halka saddex kalana ay u dhasheen dalka Pakistan.

Xaalada kaluumaysatada Soomaaliyeed

Kaluumaysatada Soomaalida ayaa la kulma duruufo adag xiliyada ay jilaabayaan kaluunka sababo ay ugu weyn tahay jariifka badda ay ku hayaan maraakiibta iyo doomaha shisheeyaha.

Warbixino ay aruuriyeen haya’ddaha maxaliga ayaa muujinaya in heerka yaraanta kaluunka ay horseeday in muruq maalka baddu ka niyad jabaan jilaabashada.

Degmada Eyl oo ka mida deegaan xeebeedyada ku yaal Puntland, kaluumaystada ayaa sheegaya inay hoos u dhaca kaluunku ay ugu weyn tahay jariifka doomaha shisheeye.

Warbixinada ay soo sareen Qaramada midoobay waxay kaluumaysiga sharciga ee Soomaaliya ku tilmaameen mid masiibo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*