Soomaaliya oo ku guuleysatay xubinnimada ururka EAC
Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maanta ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”
Madaxweynaha ayaa ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.
“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha.
Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.
Ninka Talyaaniga ah ee sheegay in uu Soomaaliya carruur kusoo dilay kana baxsaday xabsiga
Waxaa jira baadi goob balaaran oo ka socda gobolka Marche iyo Talyaaniga oo dhan kaas oo lagu doonayo in lagu soo qabto nin baxsad ah oo lagu magacaabo Federico Marcelli, sida uu baahisay warbaahinta qaranka ee dalkaas Rai news.
49 jirkaan ayaa la sheegay in laba jeer lagu helay dambi kufsi ah isaga oo ka baxsaday xabsi guri 15 kii Noofambar, ilaa haddana lama oga halka uu jaan iyo dhigay.
Ninkan oo ku noolaa Cattabrighe, oo ah tuulo yar oo ku taal degmada Pesaro, ayaa ka guuray guriga hooyadii kadibna la waayay raadkiisii oo dhan.
Mid ka mid ah waa 6 sano halka kan kalana uu yahay 4 sano iyo 4 bilood, oo la xiriira laba weerar oo uu geystay intii u dhaxeysay 2020-kii iyo 2021-kii isagoo falalkaas kula kacay dad ay asxab hore ahaayeen.
Maxkamadda Racfaanka, ayaa codsi ku aqbashay in ninkan laga dhigo xabsi guri si xukunkiisa uu u noqdo tallaabo taxadar leh inta ay maxkamadda sare go’aan kama dameys ah kasoo saareyso, iyadoo xilliga go’aanka la qorsheeyay uu ahaa 1-da December.
Muddo toddobaad ka badan Marcelli waxa uu u muuqdaa in uu baxsaday oo laweysanyahay, isaga oo dhibbanayaashiisii dib ugu abuuray qal-qal iyo in sidii ay rabeen ay wax u dhici waayaan. Tan iyo Arbacadii ayay booliisku si aad ah u baadigoobayeen, haddii ay ahaan lahayd gobolka Marche iyo Talyaaniga intiisa kale, balse weli lama helin.
Labada dhibane ayaa waxa ay ka sheekeeyeen nolosha xun ee ay la qaateen iyo bahdilaadda uu u geysan jiray.
Waxa ay sheegeen in uu xilli walba ugu hanjabi jiray in uu dilayo waliba iyada oo aysan cidina ogaanin sida uu horay ugusoo sameeyay Soomaaliya oo kale.
Waxa uu ka dhawaajiyay in uu dilal kasoo geystay Soomaaliya, hase yeeshee aysan cidina ogaanin, sida ay sheegen dhibanayaasha.
“Haddii aad hadasho waan ku dili doonaa, waan ku aasi doonaa, mana dhici doonto in meydkaaga la helo”, “Nolol baan kugu aasi doonaa” Soomaaliya ayaan u aaday shaqo, waxaan dilay carruur, adigana waan ku dili karaa” ayey sheegeen in uu ugu hanjabi jiray.
Rajo ay lahaayeen labadan haweenka ah ayaa ku dhamaaday warka sheegaya in uu baxsaday eedeysanahaya, iyagoo sheegay in ay moodayeen in loo xukumo ciqaabtiisana la mariyo.
Mid ka mid ah labada haweenka ah, oo ninka u heysay ilmo yar, ayaa waxa ay ku nool yihiin nolol cabsi badan inta ay ku suganyihiin gobolka Marche waxayna qorsheyneysaa in ay si dhakhso ah ugu laabato gurigeeda.
Haweeneyda ayaa hadda u baqeysa ammaankeeda iyo tan ubadkeeda, si la mid ah dhibbanaha labaad ayey soo wajahday xaalad baqdin, iyada oo ah ganacsato leh maqaaxi yar.
Sida ku cad dukumentiga dacwad oogayaasha, ninkan ayaa dhibanayaasha u saameyn jiray jir ahaan iyo nafsiyan, isagoo dharbaaxo iyo aflagaado u geysan jiray.
Marka uu rabo in uu sameeyo galmo xadgudub ah ayuu adeegsan jiray gacan qaad iyo cabsi gelin, iyadoo haweenku ay sheegeen in ay dhowr mar ka codsadeen in uu joojiyo xad gudubyada uu kula kacayo.
Baxsashada Federico Marcelli
Baarayaasha ayaa isku dayaya in ay dib u eegis ku sameeyaan saacado kahor inta uusan baxsan ninka xabsi guriga ah.
Marcelli ayaa ka tagay guriga uu kula noolaa hooyadii iyadoo la rumeysanyahay in uu raacay gaari isla markaana laga caawiyay in uu baxsado, taas ayaa keentay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo hooyadiis si loo caddeeyo in ay qayb ka tahay arrinkan.
Haweeneyda ayaa boolisku waxa ay la yeesheen wareysi, hase yeeshee boolisku ma aysan shaacin wixii kasoo baxay wareysiga, waxaana jirta suuragal nimo ah in hooyadu ay wiilkeeda ka caawisay in uu baxsado.
Sida laga soo xigtay Elena Fabbri, oo ah qareenka labada dhibanayaasha rabshadaha, waxa ay sheegeen in hooyadu ay teegereyso wiilkeeda Marcelli.
Ujeeddada baxsashada
Waxaa la is weydiinayaa waxa ku kallifi kara in Federico Marcelli uu baxsado iyada oo aysan weli maxkamadda sare weli go’aan rasmi ah ka gaarin kiiskiisa, hase yeeshee waxaa loo badiyay in uu qorsheynayo labadan qodob.
Tan ugu horreyso ayaa ah in la mala-awaalay in uu baxsaday si uu naftiisa u gooyo ama isu dilo waana arrinta ugu yar ee loo sababeyn karo baxsashadiisa, sida ay qabaan qaar kamid ah dadka talyaaniga ee arrinkaan ka ra’yi dhiibtay.
Sababta labaad ayaa lagu sheegay in uu u baxsaday si uu ugasoo aargoosto haweenkii la shegay in uu kufsaday si uu markale u waxyeelleeyo.
Marcelli, oo lagu xukumay in ka badan 10 sano labada dacwadood awgood, ayaa laga yaabaa inuu go’aansaday inuu baxsado si uu uga fogaado inuu sii wato xukunkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, waxa walaac weyn muujineysa saadaalinta labaaad ee baarayaasha iyada oo lagayaabo in uu ku howlanyahay raadinta asxaabtiisii hore ee uu dhibaateeyay, iyada oo ujeeddadu tahay aargoosiga xukunkiisa.
Federico Marcelli ayaa weli la baadi goobayaa, iyadoo ay sii kordheyso cabsida dhibbanayaasha.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo ku-simaha ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane George Conway, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Kooxda Maareynta Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee loo kala horreysiin karo, lana iskugu-dubbaridi lahaa dhaqalaaha Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xirsi Gaani, Agaasmiga Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan Cumar iyo wakiillo ka kala socday dowladaha deeqaha bixiya sida Switzerland iyo Norway.
Dalka UK waxaa ka dhacay shir ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak, kuwaas oo shirkooda ka soo saaray war-murtiyeed ka kooban afar qodob.
Qodobbada ugu muhiimsan waxa ka mid ah arrimaha nabad galyada, dowlad wanaagga iyo la qabsiga cimillada is baddaleysa ee dunida.
Dowladda UK ayaa sidoo kale taageero maaliyadeed u ballan qaadday Soomaaliya.
Waxyaabihii shirkaasi kasoo baxay iyo waxa laga filan karo, ayuu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Maxamed Nuur Qalimow, oo ah fallanqeeye deggan Ingiriiska.
Dagaal ayaa saakay waxa uu ka dhacay Buqdharkayn, sarinta iyo Yayle. Dagaalka ayaa markii hore ku billowday qaab tuurtuur ah, balse markii danbe ayuu isku beddelay dagaal toos ah. Inta la xaqiijiyey maamulka Goboleedka Hargaysa waxa laga qabtay 25 maxaabiis ah, gawaari waaweeyn oo tikniko ah iyo qoryo badan oo fudud,waxaana daadsan meelihii lagu dagaalamay meedad fara badan oo ay ka cararayn.
Dadka ka dhimanaya beesha Isaaq iyo kuwa ka dhaawacmaya ayaan inaba la garanayn sababta ay ku dhimanayaan ama ay ku dhaawacmayaan, ma jirto hanti laga haysto, ma jirto dhul laga haysto, ma jirto wax ka horeeya oo aan ka ahayn rasaastaas ay ku dhimanayaan. War aaway David iyo John? Bal David iyo Johnoow reerkaan Hargaysa ka soo duullaya idinka ayeey idin dhagaysanayaan ama wax u sheegi kara ee fadlan bal u sheega inaysan jirin Laascaanood wax kaga lumay ama ka yaal.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Mudane Caarshe Maxamed Siciid iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia Mudane Axmed Juma Al Rumaithi ayaa si rasmi ah u daahfuray wejiga koowaad ee mashruuca Koronto ka dhalinta cadceedda (Solar Power Plant) ee magaalada Boosaaso, kaasi oo ay maalgelisey Dowladda Imaaraadka.
UK ‘oo $100 milyan ku bixineysa’ mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaalada London sida ay sheegtay Villa Somalia.
War-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.”
“Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, uuna carrabka ku dhaftay in ay $100 milyan ay arrinkaas u qorsheeyeen.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.
Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.