26th July 2024  admin  Category :

Ninka Talyaaniga ah ee sheegay in uu Soomaaliya carruur kusoo dilay kana baxsaday xabsiga

Waxaa jira baadi goob balaaran oo ka socda gobolka Marche iyo Talyaaniga oo dhan kaas oo lagu doonayo in lagu soo qabto nin baxsad ah oo lagu magacaabo Federico Marcelli, sida uu baahisay warbaahinta qaranka ee dalkaas Rai news.

49 jirkaan ayaa la sheegay in laba jeer lagu helay dambi kufsi ah isaga oo ka baxsaday xabsi guri 15 kii Noofambar, ilaa haddana lama oga halka uu jaan iyo dhigay.

Ninkan oo ku noolaa Cattabrighe, oo ah tuulo yar oo ku taal degmada Pesaro, ayaa ka guuray guriga hooyadii kadibna la waayay raadkiisii oo dhan.

Mid ka mid ah waa 6 sano halka kan kalana uu yahay 4 sano iyo 4 bilood, oo la xiriira laba weerar oo uu geystay intii u dhaxeysay 2020-kii iyo 2021-kii isagoo falalkaas kula kacay dad ay asxab hore ahaayeen.

Maxkamadda Racfaanka, ayaa codsi ku aqbashay in ninkan laga dhigo xabsi guri si xukunkiisa uu u noqdo tallaabo taxadar leh inta ay maxkamadda sare go’aan kama dameys ah kasoo saareyso, iyadoo xilliga go’aanka la qorsheeyay uu ahaa 1-da December.

Muddo toddobaad ka badan Marcelli waxa uu u muuqdaa in uu baxsaday oo laweysanyahay, isaga oo dhibbanayaashiisii dib ugu abuuray qal-qal iyo in sidii ay rabeen ay wax u dhici waayaan. Tan iyo Arbacadii ayay booliisku si aad ah u baadigoobayeen, haddii ay ahaan lahayd gobolka Marche iyo Talyaaniga intiisa kale, balse weli lama helin.

Dhibane

Waxa uu Soomaaliya kasoo sameeyay iyo hanjabaaddiisa dhibanayaasha

Labada dhibane ayaa waxa ay ka sheekeeyeen nolosha xun ee ay la qaateen iyo bahdilaadda uu u geysan jiray.

Waxa ay sheegeen in uu xilli walba ugu hanjabi jiray in uu dilayo waliba iyada oo aysan cidina ogaanin sida uu horay ugusoo sameeyay Soomaaliya oo kale.

Waxa uu ka dhawaajiyay in uu dilal kasoo geystay Soomaaliya, hase yeeshee aysan cidina ogaanin, sida ay sheegen dhibanayaasha.

“Haddii aad hadasho waan ku dili doonaa, waan ku aasi doonaa, mana dhici doonto in meydkaaga la helo”, “Nolol baan kugu aasi doonaa” Soomaaliya ayaan u aaday shaqo, waxaan dilay carruur, adigana waan ku dili karaa” ayey sheegeen in uu ugu hanjabi jiray.

Rajo ay lahaayeen labadan haweenka ah ayaa ku dhamaaday warka sheegaya in uu baxsaday eedeysanahaya, iyagoo sheegay in ay moodayeen in loo xukumo ciqaabtiisana la mariyo.

Mid ka mid ah labada haweenka ah, oo ninka u heysay ilmo yar, ayaa waxa ay ku nool yihiin nolol cabsi badan inta ay ku suganyihiin gobolka Marche waxayna qorsheyneysaa in ay si dhakhso ah ugu laabato gurigeeda.

Haweeneyda ayaa hadda u baqeysa ammaankeeda iyo tan ubadkeeda, si la mid ah dhibbanaha labaad ayey soo wajahday xaalad baqdin, iyada oo ah ganacsato leh maqaaxi yar.

Sida ku cad dukumentiga dacwad oogayaasha, ninkan ayaa dhibanayaasha u saameyn jiray jir ahaan iyo nafsiyan, isagoo dharbaaxo iyo aflagaado u geysan jiray.

Marka uu rabo in uu sameeyo galmo xadgudub ah ayuu adeegsan jiray gacan qaad iyo cabsi gelin, iyadoo haweenku ay sheegeen in ay dhowr mar ka codsadeen in uu joojiyo xad gudubyada uu kula kacayo.

Baxsashada Federico Marcelli

Baarayaasha ayaa isku dayaya in ay dib u eegis ku sameeyaan saacado kahor inta uusan baxsan ninka xabsi guriga ah.

Marcelli ayaa ka tagay guriga uu kula noolaa hooyadii iyadoo la rumeysanyahay in uu raacay gaari isla markaana laga caawiyay in uu baxsado, taas ayaa keentay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo hooyadiis si loo caddeeyo in ay qayb ka tahay arrinkan.

Haweeneyda ayaa boolisku waxa ay la yeesheen wareysi, hase yeeshee boolisku ma aysan shaacin wixii kasoo baxay wareysiga, waxaana jirta suuragal nimo ah in hooyadu ay wiilkeeda ka caawisay in uu baxsado.

Sida laga soo xigtay Elena Fabbri, oo ah qareenka labada dhibanayaasha rabshadaha, waxa ay sheegeen in hooyadu ay teegereyso wiilkeeda Marcelli.

Boolis

Ujeeddada baxsashada

Waxaa la is weydiinayaa waxa ku kallifi kara in Federico Marcelli uu baxsado iyada oo aysan weli maxkamadda sare weli go’aan rasmi ah ka gaarin kiiskiisa, hase yeeshee waxaa loo badiyay in uu qorsheynayo labadan qodob.

Tan ugu horreyso ayaa ah in la mala-awaalay in uu baxsaday si uu naftiisa u gooyo ama isu dilo waana arrinta ugu yar ee loo sababeyn karo baxsashadiisa, sida ay qabaan qaar kamid ah dadka talyaaniga ee arrinkaan ka ra’yi dhiibtay.

Sababta labaad ayaa lagu sheegay in uu u baxsaday si uu ugasoo aargoosto haweenkii la shegay in uu kufsaday si uu markale u waxyeelleeyo.

Marcelli, oo lagu xukumay in ka badan 10 sano labada dacwadood awgood, ayaa laga yaabaa inuu go’aansaday inuu baxsado si uu uga fogaado inuu sii wato xukunkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxa walaac weyn muujineysa saadaalinta labaaad ee baarayaasha iyada oo lagayaabo in uu ku howlanyahay raadinta asxaabtiisii hore ee uu dhibaateeyay, iyada oo ujeeddadu tahay aargoosiga xukunkiisa.

Federico Marcelli ayaa weli la baadi goobayaa, iyadoo ay sii kordheyso cabsida dhibbanayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*