Haweeney labo ilmo galeen leh oo laba maalmood labo ilmood kala dhashay

Haweeney labo ilmo galeen leh oo laba maalmood labo ilmood kala dhashay

Waa qiso naadir ah laakin ah dhacdo mararka qaar adduunka ka dhacda.

Haweenaydan Maraykanka ah ayaa leh abuuridan naadirka ah, waxayna leedahay labo ilmo galeen, labo maalmood oo kala duwanna waxay dhashay labo ilmo oo mataano ah.

Waa dhacdo naadir ah oo laga yaabo inay dhacdo mid ka mid ah halkii milyan oo jeer, ayadoo ay soo martay saacadood oo fool ah.

Kesley Hatcher waa 32 sano jir, Talaadadii ayey umushay gabadh, mid labaadna waxay umushay Arbacadii, iyadoo ku dhashay Jaamacadda Alabama ee Isbitaalkeeda Birmingham (UAB).

Hatcher ayaa mucjiso ku sheegtay imaanshaha caruurteeda mucjisada ah, waxayna sidoo kale amaantay dhakhaatiirtii oo ay sheegtay inay sameeyeen wax cajiib ah.

Labada gabdhood ayaa lagu tilmamaay mataano walaalo ah oo leh dhalasho dhif ah oo kala duwan.

Qoyska Hatcher waxay sheegeen in qoysku hadda ku soo laabteen guriga ayna halkaa ku qaadanayaan ciidda maxiisaga

Hooyadan waxaa loo sheegay inay leedahay ilmo galeenka labada ah markii ay jiray 17sano taas oo UAB ku tilmaantay mid naadir oo lagu dhasho 0.3% haweenka.

Fursadaha uur qaadista ilmo galeenka labada ah waxaa yeelan kara halkii milyanba hal qof sida uu qabo UAB.

KESLEY HATCHER
Qoraalka sawirka,Kesley, ninkeeda Caleb iyo labadooda ilmood.

Fursadaha uur qaadista ilmo-galeenka labadaba xitaa way yaraayeen, “hal milyankiiba hal”, sida ay qabto Jaamacadda Alabama ee Birmingham (UAB).

Kiisaska laga soo sheegay adduunka oo dhan aad ayay dhif u yihiin. Sannadkii 2019, dhakhtar ku sugan Bangladesh ayaa BBC-da u sheegay in haweenay ay dhashay mataano ku dhawaad hal bil ka dib markii ilmaha midkood uu ku dhex dhintay ilmo-galeenkeeda kale.

Haweenaydan Hatcher waxay yeelatay sadder uur oo hore oo caafimaad qaba laakin maysan rumaysnayn inay hal ilmo galeen kaliya uur hore ugu yeelatay ilaa Ultrasound uu shaaca ka qaaday inuu sidoo kale ilmo ku jiro ilmogaleenkeeda.

“Waan xiiqay…Waan rumaysan kari waynay,” ayay dib u xasuusatay Hatcher.

Jaamacada UAB waxay uurka haaweenaydan ku tilmaamtay mid cajiib ah laakin Prof Richard Davis, oo maamulay dhalinta gabadhan, ayaa sheegay in uu u riyaaqay in ilmo kasta oo ay dhashay Hatcher uu lahaa meel gaara oo uu ku koro.

“Tani waxay ahayd mid khatarteedu yar tahay, sababtoo ah ilmo kasta wuxuu lahaa ilmo galeenkiisa” ayuu intaas ku daray si ka duwan ilmaha mataanaha ah ee caadiga ah ee hal ilmo galeen kuwada jira.

KESLEY HATCHER

Foosha ayaa Hatcher qabatay 39 todobaad ka hor waxayna u baahatay laban laab la socodka iyo jaantuska cisbitaalka iyo sidoo kale shaqaalaha oo la badiyey.

Dhakhaatiirtii dhalmada u xilsaarnayd Hatcher ayaa ku tilmaamay ” inuu farxay qof kasta oo qolka ku jiray markii ilmihii ugu horeeyey uu dhashay”.

Ilmaha labaad ayaa ku dhashay qaybta C in ka badan 10 saacadood ka dib subaxnimadii xigtay.

Prof Davis waxa uu sheegay in gabdhahan loogu yeeri karo mataano walaalo ah, waa erey la isticmaalo marka ilmo kasta ay si wadajir ah ugu dhashaan hal ilmo galeen. Tani waxay ahayd dhamaadka maalin kale oo labo ilmood hal calool ka soo baxaan oo ay ku wada jireen.

Kiisaskan ayaa naadir ka ah caalamka marka la eego sida Hatcher oo kale, waxay sheegtay iyadu inay ku faraxsan tahay ilamaha ku soo biiray qoyska xilli ay dabaaldagga ciida masiixiga ku jiraan.

Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee markii ugu horeysay garsoore ka noqonaya koobka Qaramada Afrika ee 2024

Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee markii ugu horeysay garsoore ka noqonaya koobka Qaramada Afrika ee 2024

Waxay ahayd wax u u jeclaa inuu noqdo markii uu yaraa – garsoore kubadda cagta – isagoo ciyaaraha xaafadaha deegaankiisa uu qaban jiray garsoor kooxaha ku ciyaarayey, xilliyada gaarka ee bisha ramadaanna uu qaban jiray garsoore.

Cumar Cabdulqaadir Cartan hadda waa garsoore caalami ah, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu jeclaa inuu noqdo garsoore caalami ah, balse uusan jirin qof qoyskiisa oo isaga uga dayday garsooranimo.

Sanadkii 2014-kii ayuu Cumar sheegay in uu qaatay tababar garsooranimo uuna soo noqday garsooraha afaraad ee heerka saddexaad ee Soomaaliya.

“Ciyaartii iigu dhibka badnayn anigoo ku cusub garsoooranimada ayaa la ii dhiibay inaan dhexdhexaadiyo kooxaha heerka kowaad ee dalka oo ay wada ciyaarayeen kooxaha Heegan iyo Jeeyo oo ka tirsan heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya, runtii waxay igu yeelatay samayn iyo waxaan wax badan ka bartay waayo anigoo aad u yar ayaa la ii dhiibay rag waaweyn oo ciyaaraya iyo laba kooxood oo dalka looga yaqaan kuwa ugu waaweyn uguna adag” ayuu yiri Cumar.

GARSOORE CAALAMI AH CARTAN
Qoraalka sawirka,Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan

Cumar wuxuu intaas ku daray in bishii Diseembar sanadkii 2018-kii uu ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee caalami ah wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar ka dhaday dalka Kenya oo ay ku wada ciyaarayeen labo kooxood oo ka kala tirsan kenya iyo Jasiirada Madagaskar.

“Walaahi ciyaarihii aan ka qabtay horyaalka Soomaaliya iyo kuwa aan ka qabtay dibadda waxaa wax badan fududaa kuwa dibadda waayo waxay ciyaaraha ahaayeen kuwa calami ah oo kooxuhu ilaalinayaan anshaxa waxaana xasuustaa ciyaartii igu horeysay inaan bixiyey hal jaalle” ayuu intaas ku daray Cumar.

Heerka uu taagan yahay Cumar iyo ciyaarihii uu dhexdhexaadiyey

GARSOORE CUMAR CARTAN
Qoraalka sawirka,Garsoore Cumar oo dhexdhexaadiyey naadiyada ka kala tirsan dalalka Sudan iyo Ethopia

Cumar hadda waa garsoore heer caalami ah oo u diiwaan gashan xirirka kubada cagta ee Afrika ee CAF iyo xiriirka kubada cagta ee adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay in nidaamyo ay leeyihiin dhamaan xiriirrada caalamigaa ee dunida ka jira kuwaas oo hoos taga xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, sidaas darteedna isagu uu ka mid yahay garsoorayaasha u diiwan gashan xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.

Wuxuu sidoo kale Cumar ka qayb galay tababarro xirfadaha garsooraha oo caalami ah oo in ka badan labaatan garsoore oo Qaaradda Afrika ka socda loogu qabtay dalka Masar.

Tartamadii ugu waaweyntaa ee Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka mid ahaa garsoorayaashi qabtay waxaa ka mid ahaa tartankii CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika.

Cartan wuxuu kale oo uu garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF under 23 oo sanadkan ka dhacday dalka Marooko una dhaxaysay dalka Masar iyo Marooko.

Sidoo kale Cumar wuxuu garsoore ka ahaa ciyaaraha Champion league ee Qaarada Afrika gaar ahan wuxuu si la yaab leh u dhexdhexaadiyey ciyaartii afar dhamaadka Koobkaas ee u dhaxay kooxaha Al-Ahli ee dalka Masar iyo Esperance ee dalka Tuniisiya.

Ciyaarihii is reebreebka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Qadar ayuu garsoore Cumar dhexdhexaadiyey saddex ciyaarood oo ka tirsanaa kuwii loogu soo baxay koobkaas sanadkii 2021-kii oo ay ciyaareen dalalka Togo iyo Namibia, Tansania iyo Benin.

GARSOORE CUMAR CARTAN
Qoraalka sawirka,isreebreebkii koobkii aduunka ee 2022-kii Qadar iyo Garsoore Cumar.

Dhanka kale Cumar ayaa sanadkan 2023-ka dhexdhexaadiyey ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2026-da lagu qabayo dalalka Maryakanka, Mexico iyo Canada taas oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika una dhaxaysay Eswatini iyo Liibiya.

Xirirka kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa Cumar Cabdiqaadir Cartan u xushay liiska garsoorayaal qabanaya ciyaaraha koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadka soo socda ee 2024-ka lagu qabanyo dalka Ivory Coast

Koobka kubada cagta ee Qaaradda Afrika ayaa la qorsheynayey in sanadkan 2023 la qabto hase yeeshee dib u dhac ayaa ku yimid oo sida la qorsheeyey waxaa la qaban doonaa 13-bisha janaayo ilaa 11 febraayo sanadka 2024-ta.

Cumar wuxuu sheegay inuu bixiyey kaadhka cas ilaa 2 jeer dhamaan tartamada caalamiga kubadda cagta ee uu ka qabtay Qaarada Afrika.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in sidoo kale Cumar Cartan uu yahay garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran in uu isticmaalo VAR, wuxuuna ku qabtay habkan tartamo ka dhacay Afrika, isagoo haysta shahaadada aqooneed ee garsoorenimada VAR.

GARSOORE CUMAR CARTAN
Qoraalka sawirka,Garsoore Cumar oo garsoore VAR hayey kulan ciyaareed Qaarada Afrika ah

Waa kuma Cumar

GARSOORE CUMAR CARTAN
Qoraalka sawirka,Cumar oo dhexdhexaadinayey kulankii Namibia iyo Togo isreebreebka koobka aduunka

Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ah aabbe xaas iyo hal wiil leh waxaa sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaabada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shaqasi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.

Waa kuma amiirka cusub ee dalka Kuwait oo Soomaaliya xiriir dhow la leh?

Waa kuma amiirka cusub ee dalka Kuwait oo Soomaaliya xiriir dhow la leh?

Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.”

Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaana uu ku eedeeyay in ay danta shacabka wax u dhimayaan.

Waxaanu yiri “Waxaan khudbadeheenii hore ku adkaynay in ay jiraan xuquuqo qaran oo ay waajib tahay in ay fulaan, kuwaas oo hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta qaranka iyo shacabkaba dan u ah, sidaa darteed ma aynaan arag wax isbedel ah ama sixid ah oo arrintaas lagu sameeyay, balse arrintu waxay gaartay markii awoodaha fulinta iyo sharci dejintu ay is kaashadeen oo ay isla garteen in la dhaawaco danaha dalka iyo dadkaba.”

Dowladda Sheekh Axmed Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax oo uu dhalay Amiirka geeriyooday ayaa istiqaaladeeda u gudbisay Sheekh Mishaal.

Sheekh Mishaal waxa uu la wareegay xilka Amiirka cusub ee Kuwait kadib geeridii Amiir Nawaf Al-Ahmad Al-Sabaax ee December 16-keedii, 2023-ka, isaga oo 86 jir ah, kadib markii uu xukumay Kuwait saddex sano.

Sheekh Meshaal waxa uu la wareegay dhaxal sugaha 7-dii Oktoobar, 2020-kii, isagoo raacaya talada Amiirka geeriyooday iyo ballan qaadka daacadnimada ee golaha Shacbiga.

Sheekh Mishaal waxa uu dhashay sannadkii 1940-kii, waana wiilka toddobaad ee uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Kuwait, Sheekh Axmed Al-Jaber Al-Sabaax, waxaana ay walaalo yihiin Amiirka geeriyooday.

Hay’adaha amniga

Sheekh Mishaal waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay dugsiga Al-Mubarakiya Nizamiya ee dalka Kuwait, kadibna waxa uu u wareegay dalka Ingiriiska oo uu ka bartay culuunta Booliska, halkaas oo uu ku biiray kulliyadda Booliska ee Hinden ee dalka Ingiriiska oo uu ka qalin jabiyay sannadkii 1960-kii.

Sheekh Mishaal ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ragga ugu muhiimsan ammaanka Kuwait, isagoo madax ka ahaa waaxda baarista guud sanadihii 1967-dii ilaa 1980-kii. Hay’addan oo uu gacantiisa ku hayay, ayaa loo beddelay maamulka hay’adda nabadsugidda dowladda oo magacan weli sidata.

Sannadkii 2004-tii waxa uu noqday Taliye ku xigeenka ciidanka qaranka oo ay la socotay darajada Wasiirnimo, ka horna waxa uu noqday Madaxweynaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka oo uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax
Qoraalka sawirka,Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax

Sheekh Meshaal Al-Sabaax ayaa saameyn xooggan ku dhex leh Ciidanka Ilaalada Qaranka oo ah Hay’ad Millateri oo ka madax bannaan ciidanka xoogga dalka iyo booliska, waxaana ay ujeeddadeedu tahay in ay gacan siiso Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adaha Amniga Qaranka iyo in ay ka qeyb qaataan ujeeddooyinka difaaca ee qaranka.

Sheekh Mishaal waa dhif in lagu arko warbaahinta. Amiirkii hore ee Kuwait, Sheekh Jaber Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah, ayaa 1977-dii u magacaabay madaxa waxa ay ugu yeeraan Diwan ee ah ama khuseeya barnaamijyada hiddaha iyo gabayada caanka ah.

Waxa kale oo uu guddoomiye sharafeed kasoo noqday ururka duuliyayaasha Kuwait ilaa 1973-kii, waana mid ka mid ah aas-aasayaashii iyo guddoomiye sharafeedkii ururka Amateurs Radio ee Kuwait.

Sida laga soo xigtay mareegaha ilaalada ee Kuwait, Sheekh Mishal waxa uu aad u jecelyahay ugaarsiga iyo safarrada dhulka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait

Soomaaliya iyo Kuwait
Qoraalka sawirka,Soomaaliya iyo Kuwait

Sanadkii 2022-kii, Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait ayaa soddon sanno kadib dib u bilaabay xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.

Heshiiskaan oo ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay, Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.

Heshiiskaan oo qeyb ka ahaa barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu dib u bilaabay wada shaqeyntii u dhaxeysay labada dhinac kaasi oo hakad ku jiray muddo ku dhow 30 sanno oo Soomaaliya ay ku jirtay burburka iyo dowlad la’aanta.

Sanduuqa Horumarinta dalka Kuwait ayaa burburkii kahor Soomaaliya ka taageerayay fulinta mshaariic badan oo muhim ah oo ay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dowladda Kuwait ayaa horraan ka qayb qaadatay caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo u qorsheysay lacago si wax loogu qabto dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

Maxaa ka jira in Hungary iyo Turkey ay u heshiiyeen Sweden?

Maxaa ka jira in Hungary iyo Turkey ay u heshiiyeen Sweden?

Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey oo ku aadan ansixinta codsiga Sweden ee xubinnimada NATO, waxaa sidaas maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orbán.

Orbán ayaa sheegay inay u taallo baarlamanka Hungary inay go’aansadaan xilliga ay doonayaan inay arrintan u codeeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan jirin rabitaan weyn oo xildhibaanada xisbiga talada haya ee Budapest ay u qabaan inay ansixiyaan dalabka Sweden.

Ku-biirista Sweden ee NATO ayaa waxaa muddo hortaagan diidmada Turkey iyo Hungary ee ah inay ansixiyaan.

Orbán wuxuu sheegay bishii September in Hungary aysan ku degdegi doonin ansixinta ka mid noqoshada Sweden ee NATO, taasi oo horseeday dib u dhaca kale oo ku yimid hanaanka oo tan iyo sanadkii hore ku xayirnaa baarlamanka dalkiisa.

“Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey,” oo ku saabsan dalabka Sweden ee NATO, ayuu yiri ra’iisul wasaare Viktor Orban, isagoo intaas raaciyay “ansixinta waxaa go’aan ka gaari doona oo kaliya baarlamaanka Hungary… marka sharci-dajiyayaashu ay go’aansadaan in wakhtiga la gaaray. Weli rabitaan badan uma qabaan go’aankan.”

Budapest ayaa sheegtay, in wax ay ugu yeertay eedeymaha aan loo qiil dayin ee siyaasiyiinta Sweden ay ku sheegeen inay tirtay xuquuqdii dimoqraadiyadda, ay sabab u tahay dib u dhigista ansixinta dalabka Sweden.

Baarlamaanka Hungary, oo hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, ayaa shaqadiisa dib u billaabi doona bartamaha Febraayo.

Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey oo ku aadan ansixinta codsiga Sweden ee xubinnimada NATO, waxaa sidaas maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orbán.

Orbán ayaa sheegay inay u taallo baarlamanka Hungary inay go’aansadaan xilliga ay doonayaan inay arrintan u codeeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan jirin rabitaan weyn oo xildhibaanada xisbiga talada haya ee Budapest ay u qabaan inay ansixiyaan dalabka Sweden.

Ku-biirista Sweden ee NATO ayaa waxaa muddo hortaagan diidmada Turkey iyo Hungary ee ah inay ansixiyaan.

Orbán wuxuu sheegay bishii September in Hungary aysan ku degdegi doonin ansixinta ka mid noqoshada Sweden ee NATO, taasi oo horseeday dib u dhaca kale oo ku yimid hanaanka oo tan iyo sanadkii hore ku xayirnaa baarlamanka dalkiisa.

“Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey,” oo ku saabsan dalabka Sweden ee NATO, ayuu yiri ra’iisul wasaare Viktor Orban, isagoo intaas raaciyay “ansixinta waxaa go’aan ka gaari doona oo kaliya baarlamaanka Hungary… marka sharci-dajiyayaashu ay go’aansadaan in wakhtiga la gaaray. Weli rabitaan badan uma qabaan go’aankan.”

Budapest ayaa sheegtay, in wax ay ugu yeertay eedeymaha aan loo qiil dayin ee siyaasiyiinta Sweden ay ku sheegeen inay tirtay xuquuqdii dimoqraadiyadda, ay sabab u tahay dib u dhigista ansixinta dalabka Sweden.

Baarlamaanka Hungary, oo hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, ayaa shaqadiisa dib u billaabi doona bartamaha Febraayo.

RW Hamze iyo Ururka Heritage

RW Xamze oo furay shirkii Irir Samaale ee uu maal gelin jiray Kaligii taliyaha Jabuuti

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi oo aan inta badan dalka aan ka dhoofin ayaa dhowaan diyaarad u qaatay Dalka Jabuuti, si uu halkaa uga furo shirkii Irir samaale ee sanadkiiba hal mar maal gelin jiray Kaligii taliyaha Jabuuti.

Khudbaddii Ra’isul wasaaraha ee maanta ayaa u badnayd amaanta Ururkan xag jirka ah ee diidanaa midnimada Soomaaliya oo doonayey in gobolada Sool iyo Sanaag ay weligood hoos joogaan maamulka SNM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed ka guddoomay Safiirka Shiinaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed ka guddoomay Safiirka Shiinaha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta waxa uu Dowladda Shiinaha kala wareegay lacag dhan 1,000,000 oo Dollar,  taas oo ay uga qaybqadanayaan gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño.

Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

Related posts

Deeqdaan lacagta ah waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ka guddoomay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire SaH.E Fei Shengchao.

Guur Wadareed Mar kaliya 50 qof Loogu Sameeyey Mandheera

Guur Wadareed Mar kaliya 50 qof Loogu Sameeyey Mandheera

Dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya maanta loogu sameeyay ‘’guur Wadareed’’ magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada iyo dadka kale ee doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay awoodii dhaqaale sida uu sheegay xildhibaan Xuseen Waytaan oo laga soo doorto bariga magaalada Mandhera.

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid billow ah isla markaana uu ku fulinayo ballan qaad uu sameyay markii uu musharaxa ahaa ee kursiga uu doonayay.

“Arrinta waxaan ballan qaaday markii aan ku jiray ololaha doorashada waxaan u go’aansaday ka dib markii aan arkay dad badan oo niyad jabsan oo aan awoodin in ay guursadaan, hadii qofku uu guursan waayo waxaa suurtagal ah in uu sameeyo waxyaabo badan oo aan munaasab ahyen sida fal danbiyeed iyo anshax xumo kale” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Waytaan oo BBC-da u warramay.XAYEYSIINhttps://e1098bb3ba32d3add0d7b86a156a62a5.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Waxaa uu intaa ku daray in dadka markii ay codsanayeen inay qeyb ka noqdaan guur wadareedka ay jireen sharuudo laga rabay qofka oo ay ka mid tahay in uu haysto gabadhii noolasha uu kula midoobi lahaa.

“Markii uu qofku la yimaado lamaanaha noolasha ay wadaagayaan, wax walba oo reer laga rabo anaga ayaa u sameeynayna sida alaabta guriga, xaflada arooska, qurxinta gabdha iyo dhamaan shay walba oo arooska looga baahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Xuseen iyo mid ka ah dadka arooska loo sameeyay.
Qoraalka sawirka,Xildhibaan Xuseen iyo mid ka ah dadka arooska loo sameeyay.

Guur Wadareedkeen ayuu xildhibaanka laga soo doorto bariga Mandheera sheegay in qarashka ku baxay uusan ahyen mid laga soo qaaday dowladda balse uu yahay mid asagu ka bixinayo.

“Arrintaan lacagta ku baxaysa ma ahan mid dowladda laga keenay ama hay’ad ay bixinayso ee waa lacag aniga oo kaashanaya saaxiibaday aan bixinayo”.

Guurkan noocan oo kale ah ayaan ahayn mid inta badan laga sameeyo dalka Kenya inkastoo uu ku badan yahay dalalka Islaamka.

Dadka ka faa’iidaystay guur Wadareedkan laga sameeyay magaalada Mandheera ayaa waxaa ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

“Dad badan oo laga yaqaano Mandheera oo ah kuwa qaba baahiyaha gaarka ayaa ku jira kuwa maanta arooska loo sameeyay waana wax lagu farxo in dad muddo Dheer guur la’aan ahaa ay qoysas yagleeleen maanta” ayuu yiri.

Arooska kadib ayuu sheegay in ay ka sii warqabi maadama dadka ay yihiin kuwa dhaqaale ahaan gacan u baahan.

“Kaarar caymis caafimaad ah ayaan siin doonnaa hay’adaha ayaan u waydiin doona dhaqaale noolasha qoysaska ay ku mareeyaan arooska kadib” ayuu yiri Xildhibaan Waytaan.

guur Wadareed ka dhacay Mandheera
Qoraalka sawirka,guur Wadareed ka dhacay Mandheera

Cabdiraxmaan Xasan Soomane oo ka mid ah dadka maanta guur wadareedka loo sameeyay oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in muddo uu reer la,aan ahaa isla markaana uu awooddi waayay in iska bixiyo qarashka uu qoys ku dhisan lahaa .

“ Waxaan ahay nin maskiin ah oo xoolihii ay abaartu ka leeysay, xaas hore oo aan guursaday ayaa iga geeriyootay, gabar la siiyay ayaan waayay lacag aan ku dhisto maanta ayaa aroos naloo sameeyay waan ku faraxsanahay” ayuu yir Cabdiraxmaan Xasan oo BBC-da la hadlay.

Waxaa uu sheegay in sababta uu xildhibanka u doortay ay ahayd markii uu ballan qaaday in uu isku guurin doono dadka aan awoodin dhaqaale ay qoysas ku dhistaan taas oo uu tilmaamay in ay ahayd mid si weyn ay baahi ugu qabeen.

Xuseen Waytaan Xildhibanka laga soo doorto bariga magaalada Mandheera waxaa uu sheegay in sanad walba u sameyn doon guurka noocan ah.