26th July 2024  admin  Category :

Haweeney labo ilmo galeen leh oo laba maalmood labo ilmood kala dhashay

Waa qiso naadir ah laakin ah dhacdo mararka qaar adduunka ka dhacda.

Haweenaydan Maraykanka ah ayaa leh abuuridan naadirka ah, waxayna leedahay labo ilmo galeen, labo maalmood oo kala duwanna waxay dhashay labo ilmo oo mataano ah.

Waa dhacdo naadir ah oo laga yaabo inay dhacdo mid ka mid ah halkii milyan oo jeer, ayadoo ay soo martay saacadood oo fool ah.

Kesley Hatcher waa 32 sano jir, Talaadadii ayey umushay gabadh, mid labaadna waxay umushay Arbacadii, iyadoo ku dhashay Jaamacadda Alabama ee Isbitaalkeeda Birmingham (UAB).

Hatcher ayaa mucjiso ku sheegtay imaanshaha caruurteeda mucjisada ah, waxayna sidoo kale amaantay dhakhaatiirtii oo ay sheegtay inay sameeyeen wax cajiib ah.

Labada gabdhood ayaa lagu tilmamaay mataano walaalo ah oo leh dhalasho dhif ah oo kala duwan.

Qoyska Hatcher waxay sheegeen in qoysku hadda ku soo laabteen guriga ayna halkaa ku qaadanayaan ciidda maxiisaga

Hooyadan waxaa loo sheegay inay leedahay ilmo galeenka labada ah markii ay jiray 17sano taas oo UAB ku tilmaantay mid naadir oo lagu dhasho 0.3% haweenka.

Fursadaha uur qaadista ilmo galeenka labada ah waxaa yeelan kara halkii milyanba hal qof sida uu qabo UAB.

KESLEY HATCHER
Qoraalka sawirka,Kesley, ninkeeda Caleb iyo labadooda ilmood.

Fursadaha uur qaadista ilmo-galeenka labadaba xitaa way yaraayeen, “hal milyankiiba hal”, sida ay qabto Jaamacadda Alabama ee Birmingham (UAB).

Kiisaska laga soo sheegay adduunka oo dhan aad ayay dhif u yihiin. Sannadkii 2019, dhakhtar ku sugan Bangladesh ayaa BBC-da u sheegay in haweenay ay dhashay mataano ku dhawaad hal bil ka dib markii ilmaha midkood uu ku dhex dhintay ilmo-galeenkeeda kale.

Haweenaydan Hatcher waxay yeelatay sadder uur oo hore oo caafimaad qaba laakin maysan rumaysnayn inay hal ilmo galeen kaliya uur hore ugu yeelatay ilaa Ultrasound uu shaaca ka qaaday inuu sidoo kale ilmo ku jiro ilmogaleenkeeda.

“Waan xiiqay…Waan rumaysan kari waynay,” ayay dib u xasuusatay Hatcher.

Jaamacada UAB waxay uurka haaweenaydan ku tilmaamtay mid cajiib ah laakin Prof Richard Davis, oo maamulay dhalinta gabadhan, ayaa sheegay in uu u riyaaqay in ilmo kasta oo ay dhashay Hatcher uu lahaa meel gaara oo uu ku koro.

“Tani waxay ahayd mid khatarteedu yar tahay, sababtoo ah ilmo kasta wuxuu lahaa ilmo galeenkiisa” ayuu intaas ku daray si ka duwan ilmaha mataanaha ah ee caadiga ah ee hal ilmo galeen kuwada jira.

KESLEY HATCHER

Foosha ayaa Hatcher qabatay 39 todobaad ka hor waxayna u baahatay laban laab la socodka iyo jaantuska cisbitaalka iyo sidoo kale shaqaalaha oo la badiyey.

Dhakhaatiirtii dhalmada u xilsaarnayd Hatcher ayaa ku tilmaamay ” inuu farxay qof kasta oo qolka ku jiray markii ilmihii ugu horeeyey uu dhashay”.

Ilmaha labaad ayaa ku dhashay qaybta C in ka badan 10 saacadood ka dib subaxnimadii xigtay.

Prof Davis waxa uu sheegay in gabdhahan loogu yeeri karo mataano walaalo ah, waa erey la isticmaalo marka ilmo kasta ay si wadajir ah ugu dhashaan hal ilmo galeen. Tani waxay ahayd dhamaadka maalin kale oo labo ilmood hal calool ka soo baxaan oo ay ku wada jireen.

Kiisaskan ayaa naadir ka ah caalamka marka la eego sida Hatcher oo kale, waxay sheegtay iyadu inay ku faraxsan tahay ilamaha ku soo biiray qoyska xilli ay dabaaldagga ciida masiixiga ku jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*