26th July 2024  admin  Category :

Haweeney hilib xalaala oo ay ka dalbatay shirkad loogu soo bedelay Hilib Doofaar

Haweeney norwiijiyad ah islamarkaana muslim ah ayaa hilib xalaal ah oo ay ka dalbatay shirkad hilbaha qasha loogu soo bedelay hilib Qaansiir ama doofaar kadib markii warqad xalaal ahaan loogu soo dhajiyay hilib doofaar caadi ah.

Heidi Esma Dahl Bønnhoff oo ah haweeneyda hilibka ka dalbatay shirkadda “Jens Eide” oo waligeed ka dalban jirtay hilbaha loo yaqaan “Grillpølse” ayaa doorkaan ka shakisay, waxaana ay baadhis ahaa ugu dirtay hay`adda cuntada dalkaasi ee loo yaqaan Mattilsynet.

Maalmo kadib waxaa soo baxday baadhistii hay`dda taas oo xaqiijisay in hilibkan uusan aheyn xalaal islamarkaana laga sameeyay hilib doofaar.

” – Islamarkii aan arkay waan ka shakiyay. Si kale ayuu ilaa muuqday. Ma uusan aheyn hilibkii aan aqiinay ee casaa”, ayay tidhi Heidi oo markiiba go`aansatay in ay baadhis ku sameyso.

Waxa ay sheegtay in ay oyday markii ay jawaabta heshay, oo waxaa ay ka wal-washay in intii ay soo cuntay hilibka shirkadan bal in sidan oo kale loogu soo qariyay.

Masuul u hadlay shirkadda hilibka Jens Eide ayaa jaraa`idka Fædrelandsvennen u sheegay in arrintani tahay khalad dhacay islamarkaana ay aad uga xun yihiin.

Waxa uu sheegay masuulkan in hilib doofaar ahaa si khaldan loogu dhajiyay warqadda xalaasha, sidaasna lagu iib geeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*