5th December 2024 admin Category :
Siyaasiyiinta Hawiye Action Group oo ku guulaystay inay kala dilaan imaaraadka iyo Puntland , halka ay iyagu la seexdaan Turkiga oo haba yaraatee wax mashaariic ah ka wadin degaanada Puntlansd
Dawladda Imaaraadka oo tababara gacantana ku haya Ciidamada Badda ee Puntland (PMPF) ayaa maanta kala baxay Puntland.
Dhaq dhaqaaq ayaa ka socda garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Sarkaal ka tirsan Puntland ayaa noo xaqiijiyey arrintan. Dad goobjoog ahna waxay sheegayaan inay Shaqaalaha iyo madaxda baxayso laakiin aysan u jeedin qalab la rarayo.
Guuritanka Hay’adda ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii Dowladda Soomaaliya sheegtay inay la wareegayso dhamaan ciidamada Soomaaliyeed ee Imaaraadku tababaray, Puntland weli kama hadlin go’aanka Federaalka iyo guuritaanka Imaaraadka.
.