26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Maanta Gaarey Degmada Carmo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 April 2018 waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Dagamada Carmo ee gobolka Barri, halkaasi oo uu kaga qayb geli doono caanashubka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safarkiisa ay ku weheliyeen xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey qaar kamida Goloyaasha Dawladda Puntland, Isimo iyo qaybaha kal duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Carmo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uusan u gudbin hoyga uu ka sugnaan doono maalamaha uu ku sugan yahay Degmada Carmo ayaa waxa uu Booqasho iyo salaan ugu tagey Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi isagoona Madaxweynuhu u hambalyeeyey Beeldaajaha islamarkaana Allaah ugu barya inuu u fududeeyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala.

Dhinaca kale Caanashubka Beeldaajaha Guud ee Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi ayaa waxaa uu dhici doonaa maalinta berrito ah  ee taariikhdu tahay 15 April 2018, iayadoona ay si weyn uga soo qayb gali doonaan madax dhaqameedyada Soomaaliyeed oo isaga kala yimi guud ahaan Gobolada Soomaalidu degto.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dagmada Carmo ee Gobolka uu ku sugnaan doonaa tan iyo maalinimada berrito ah oo lasoo gebegebayn doono caanashubka Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi.

 

                            

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*