29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shir-Madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu lafa gurayo qaddiyadaha ugu dambeeyay ee ka taagan Gobolka iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururkan.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo Khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 2 people, people standing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*