
15th November 2025 admin Category :
Cismaan Maxamuud ayaa Qardho kaga soo duulay Dubeys waa been
Dhowaan Gobolka Sanaag waxa dagaal ku dhexe maray Ciidankii ka tirsan Puntland iyo Kuwa Maakhir ee dhowaan ay dawladda Federaalku qoritaankooda ka bilowday Gobolka Sanaag, iyada loo xil saaray Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland , Xildhibaanka aqalka sare ee Beesha Warsangeli iyo wasiirkooda Federaalka
Labadan Ciidan ee ku dagaalamay magaalada Dhahar, ayaa Kuwa Maakhir ee Federaalku saldhig ka samaysteen magaalada dhexdeeda, iyaga oo keensaday 4 Tikniko ah, Waxaanu taliyr ka ahaa nin lahu magcaabo Jaamac, Halka ciidanka Puntland u yimaadaan magaalada amnigeeda inay sugaan oo iyaga xabad lagu bilaabay, Waxaana ciidankaas hogaaminaynay Taliye Citinle. Ciidankii Puntland ayaa ku guulaystay inay kuwii Maakhir magaalada ka saaraan, Waxaana la sheegay inay hadda ku sugan yihiin Meel aan ka fogayn magaalada B oodo
1- Ina Saalax Casoow oo ka soo jeeda Beesha Dubeys
2- Ina gudcur ka soo jeeda Beesha Dubeys
3- Ina Maxamuud Baalcade ka soo jeeda Beesha Dubeys
4- Askari ka soo jeeda Beesha Reer Saalax oo aanu magaciisa weli helin
Dhinaca Maakhir waxa ka dhintay Ina Jaamac Qodax ka soo jeeda Beesha Dubeys, wiil Dishiishe ah iyo Askari Dhulbahante ah.
Kooxdii fidnada ka abuurtay degmada Dhahar ee ka socotay ka socotay dawladda Federaalka iyaga oo ka cararaya ma’suuliyadda khasaaraha ka dhashay xaaladda ay ka abuureen Gobolka Sanaag ayeey ka been sheegeen oo yiraahdeen Ciidankii Cismaan Maxamuud ah ayaa soo weeraray Beesha Dubays iyo Dhahar.
Arintan khatarteeda ayeey leeyahay oo beelood walaalo ah oo deris ah nabadna ku wada nool ayaa loo doonayaan in madaxa laysugu dhufto si loo gaaro waxa Xasan Culusoow doonayo ee ah bur burka Puntland
Canbaareyn Ku Aaddan Hadalkii Wasiirka Ganacsiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) (https://www.facebook.com/share/v/167xzCoGBb/?mibextid=wwXIfr)
Hadalkii uu shalay magaalada Laascaanood ka jeediyay Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md. Mohamood Ahmad Adan “Geesood”, wuxuu ahaa mid meel ka dhac ku ah sharafta mansabka uu hayo iyo matalaadda shacabka reer Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Haylaan.
Wasiirka ayaa si cad u muujiyay fikir xag-jir ah oo ku saleysan cunfi iyo qabyaalad, kuna wajahan kicin colaadeed iyo carqaladeynta Hawlgalka “Onkod” ee Puntland ugu jirto ciribtirka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya Sanaag iyo Haylaan. Wasiirka, hadalladiisa kala qaybinaya bulshada, kicinaya nacaybka, kuna saleysan been abuur siyaasadeed, waxay muujinayaan waaqici xun oo uu u adeegsaday xilkii la siiyay.
Waxaa nasiib darro ah in xubin laga soo doortay Puntland, lagana dhigay wasiir heer federaal, uu si bareer ah u caayo beelaha uu matalo, kana shaqeeyo burburinta nidaamka Puntland oo ka mid ah dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed oo sharciyad buuxda leh.Puntland State House
Waxaan xasuusinayaa wasiirka in gobollada Sanaag iyo Haylaan ay yihiin qayb ka mid ah Puntland, doorashooyin xor ahna laga qabtay sanadkii 2023. Dadaalka aad ugu jirto in aad xaqirtid iyo khiyaano siyaasadeed kula kacdo shacabka kugu aaminay kursiga #HOP157, waxay muujineysaa mas’uuliyad darro siyaasadeed.
OPM Somalia – Hadallada iyo ficilada aad ku caan baxay muddadii aad xilka haysay waxay asal u yihiin fikirka xag-jinimada ee ku saleysan cunfiga, adeegsiga qabyaalada, hanjabaada, isku dirka, iska horkeenida bulsho, aflagaadeynta beelaha, bixinta laaluush, abuurida xaalada lagu barakacinayo shacabka iyo abuurida xaalado amni-darro, maaha kuwo la aqbali karo. Xilka aad haysato waxaad u adeegsatay dano gaar ah iyo siyaadado guran oo lid ku ah geedi-socodka dawlad dhiska, midnimada, wadajirka iyo amniga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, khaasatan reer Sanaag iyo Hayland.
Waxaan baaq u dirayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Villa Somalia oo aan leeyahay: Madaxweyne, fursad aad weli wax ku sixi kartid baad heysataa ee ha iska khasaarin, umadda Soomaaliyeedna wey ka daashey siyaasaddo ku saleysan damaca shaqsi iyo ila-meereysi. Ogow Mudane Madaxweyne, Hassan Sheikh Mohamud – in maanta ay taarikhda aad ka tagi doono aad adiga dooran karto waxa ay noqon doonto taariikhdaas.
Wabillahi Tawfiiq,
Md. Donyale
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Dawladda Puntland ee Soomaaliya







