
15th November 2025 admin Category :
Kooxddii Khaatumo oo weli Indho adaygii ay Somaliland ka soo barteen sii wada.
Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo ay hadda ku sugan yihiin Ergooyin ka yimid Gobolka Sanaag, ayaad haba yaraatee uuna ku jirin mid haystay saxiixa Isimada beelaha Warsangeli iyo wakiiladooda. Wanna dad iskood u soo shaqo tegayo.
Kooxda Khaatumo ee Firdhiye Hogaamiyo oo aqoonta yar u leh Beesha Warsangeli, kalsoonida ka helay hadalkii Garaad Cabdulaahi ee ahaa Afar qof oo Suldaanku ku jiro ayaa naga maqan, ayaa waxay samaysteen Isimo u bedeli kuwii hore ee Warsangeli oo ay shaqadoodu tahay ama u shaqeeya sida tiinbaraha, oo magaca ahaan ay u joogaan Laascaanood, howsha inteeda kale ay wataan khaatumo, Marka danbena la yiraahdo madaxweyne ayeey doorten

Warqad uu Maamulka Khaatumo soo saaray waxay ku sheegeen oo ka hor imanaysa waxay ka wadaan Laascaanood in Ergada ay soo xulayaan Isimada beelaha iyo wakiiladooda.
Hadaba waxa is waydiin leh waa kuma isimka Warsangeli ee ku sugan Laascaanood ee soo xulaya Ergada loo qaybiyey beelaha oo lakala siiyey A iyo B. Taas oo ceeb ku ah qof kasta oo ka soo jeeda Gobolka sanaag

Ma jiro Hal Ergo ookama soo jeeda Beesha Warsangeli oo haystaan saxiixo Isimkiisa, sidaas awgeedna waa is buriyaan warqadan iyo Ergada la xushay hadda.







