28th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne wixii shalay Muqdisho ka dhacay Cashar ha kuu noqdeen,

Arintii shalay Muqdisho ka dhacday waa in madaxweyne Farmaajo u arkaa wakeup call , taas oo macnaheedu yahay inuu wax ka bedelo sidii hore, to avoid a problem in the future , si uu uga hortago dhibaatada iyo khatarta ay USC , HAG iyo Alshabaab soo maleegayaan.

Dadkii shalay bur burinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho looma kala sooci karo dad caadi ah, alshabaab, haraagii USC iyo Horjoogayaasha HAG. Sababtoo ah dadka Muqdisho jooga waa isku milmeen Ganacsatadii, macalimiintii, Weriyashii ,ardadadii , Siyaasiyiintii iyo alshabaab.

Sodonkii sano oo ina soo dhaaftay magaalada Muqdisho ku dhowaad hal milyan oo Qof oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay. Intii madaxweyne Farmaajo xilka hayena ku dhowaad 10,000 qof ayaa lagu dilay, oo ay dileen Alshabaab.

Magaalada Muqdisho waxa lagu dilay Wasiiro, Xildhibaano, Macalimiin Jmaacadeed, Dhakhaatiir, arday, nabad ilaaliyaal ka yimid dalal shisheeye, hooyooyin xaaqaya jidka iyo Xoolo miinooyin lagu soo xiray.

Ma dhicin cid u mudaharaaday, ma jirin dab la qabadsiiyo goobo ganacsi , ma jirin siyaasiyiin ka hadlay , ma jirin ka dib 1991 derbiyo la fiiqday . Maalintii 700 oo Qof ALSHABAAB Muqdisho dileen Magaaladaasi caadi ayeey ahayd, Bakaaraha iyo suuqyada kale lagama dareemin.

Baroortu Orgiga ka weyn, Shalay waa ku duwanayd xasuuqyaddii hore Askari aan khibrad badan lahayn oo aan weynayn oo baqaya ayaa galay goob ka mid ah Muqdisho oo alshabaabku ku dhuumaalaystaan ama lagu qariyo, wax kasta oo lays weydaarsaday markii uu halkaa gaaray xabad ayuu askarigasii furay, wuxuuna ku dilay labo Qof, isla markiiba waa la qabtay Askarigii wax dilay , Warbaahinta ayaa la sheegay in la xiray oo la maxkamadeenayo. Waxa horay la yiri  nin meel u cadahay meeli ka madow oo Koox loo tababaray fawdo oo ka amar qaata Siyasiyiin aya markiiba fawdo ka bilowday Muqdisho

Ugu danbayntii madaxweyne Farmaajo wixii shalay dhacay Cashar ha kuu noqdeen . Haddii Alshabaabkii Sawiiradaada Gubayey , diiranayey oo fiiqanayey kaaga soo daadan lahaayeen Derbiyada VILLA WARDHIIGLEEY xagee ka tegi lahayd Soomaaliya ilaa Fahad Yaasiin ayaa kugu diray oo kaa hor keenay Jubbaland iyo Puntland. Ma Jabuuti ayaa aadi lahayd mise Qatar. Ilaa inta aad madaxweyne Soomaaliya Muqdisho u taqaan sidan ayaa lagu sii jirayaa.

Fursada ayaad maanta haysataa dhowrka bilood oo kuu harsan inaad Soomaali oo dhan madaxweyne u wada noqoto iyo inaad sugto inta alshabaab, HAG IYO USC oo wada socda ay albaabada Villaa WARDHIIGLEEY kuu istaagi lahaayeen

No photo description available.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

One thought on “Ha dhayalsan wixii shalay dhacay

  1. Mohamed abdisalam

    Kkklkk hhhjjj
    Waan qoslay inta article ee aan all sanag lagu soo qoray oo farmaajo been iyo dacaayad ka fidinayaa ciidaa kabadan mise kuwiina qoraa warba isu mahaysaan maanta ayaad leedahay usc iyo HAG ayaa soo socda saaxiib farmaajo cadwgiisa kowaad waa daarood sidoo kale siyaad bare cadawgiisa kowaad wuxuu ahaa daarood ninka xabada ku dhufta iyo ninka suuqa kaa dacayadeedaya iyo ninka qalinka iyo baraha bulshada kaa maaga Waxaa la qaatay ninka xabada kugu dhufta waayo qunyar ayaad hal mar u dhimanaysaa farmaajo idinkaa afkiina iyo codkiina iyo qalinkiina ku dilaya
    Waxba hawiye ha ku raad gadanina

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*