26th April 2024  admin  Category :

Ololaha BAQDIN gelinta ee NISA ku heyso Harun Macruf waa mid aan la aqbali karin

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay waxa ay ugu yeertay hanjabaada iyo xadgudubka ay ku heyso Suxufiyiinta, iyadoo soo hadal qaaday xarigii Wariye C/casiis Gurbiye iyo dacwadii NISA ka gudbisay Wariye Harun Macruuf oo ka tirsan Idaacada VOA.

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku sheegtay in ololaha cabsi gelinta iyo hanjabaada ay NISA ku heyso Wariye Harun Macruuf uu yahay mid aad looga naxo oo aan la aqbali karin.

“Weeraradan, oo ay weheliso xarigii 14-kii Apriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ka hadlaya saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa ah xadgudub aan la aqbali karo oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha”ayay tiri Ilhan Cumar.

Ilhaan ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay sanadihii u dambeeyay ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo xustay inay u ololeysay deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyin kale oo gacan ka geysanaya sii wadidda horumarka, balse waxa ay tilmaamtay dhibaatada sii kordheysa ee cabsi gelinta iyo xarigga suxufiyiinta ay ka mid yihiin Harun Macruf iyo C/casiis Gurbiye ay khatar ku yihiin horumarkaas.

Waxaa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiso weerarada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo xoriyadda saxaafadda.

Do

One thought on “Ilhan oo indhaha ku haysa NISA

  1. Oday

    Maxaa ka galay hawlaha Soomaaliya, mise wax badan oo la qabto kama jiraan ” capitol hiil” oo waa xiranyahay due to coronavirus

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*