30th January 2023  admin  Category :

Guddiga Dib-u-habeynta Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ayaa tababar u soo xiray Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, oo kasoo baxay Dugsiga General Giriin ee degmada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Munaasabadda tababar loogu soo xiray Ciidammada ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.Ciidamaddan tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay (GUUTADA LIBIN SIDE).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*