8th December 2021  admin  Category :

Guurkii Siyaasadeed ee Damjadiid iyo Puntland

Waxaa soo baxaya tuhun weyn oo sheegaya in Cabdiwali Gaas uu gacansaar weyn la leeyahay madaxweynihii xukunkiisu dhamaaday Xasan Shiikh iyo xulafadiisa Damjadiid.  Wararkaasi waxay tibaaxayaan in Cabdiwali Gaas qeyb ka yahay olalaha Xasan ugu jiro in uu xukunka dib ugu soo laabto inkastoo Xasan ku guul daraysatay hogaankii dalka asagoo waliba Puntland u muujiyay colaad uusan geedna ugu soo gaban.

Tuhunkani wuxuu salka ku hayaa dabacsanaantii xad dhaafka ahayd ee maamulka  Puntland uu muujiyay mudadii Cabdiwali Gaas xilka hayay oo la oran karo waxay u sahashay Xasan Shiikh iyo xulafadiisu iney ku tuntaan dastuurka dalka u horseedaan dib-u-dhac iyo fashal khatar ku ah qaranimadiisa.  Inta aynaan guda galin guurka siyaasadeed ee dhexmaray Damjadiid iyo xukuumadda Puntland ee Cabdiwali Gaas horjoogaha u yahay, aynu dib u jaleecno dhacdooyin muhiim ah oo la oran karo waxay saldhig u ahaayeen  qaabka wax u socdaan iyo mowjadaha is daba jooga ee dalku la gabi dhacayo.

Doorashadii Shiikh Shariif – Marxalad Cusub

Sida aynu ogsoonahay, laga soo bilaabo asaaskii maamuladii ku meel gaarka ahaa waxaa siyaasadda dalka saameyn weyn ku lahaa dowlado iyo canaasiir shisheeye.  Inkastoo ay khaladaadkooda lahaayeen hadana madaxdii ugu horaysay, Cabdiqaasim Salad iyo Cabdulahi Yusuf waxay caan ku ahaayeen ineysan gorada u laalaadin dhammaan siyaasadaha u adeegaya masaaliixda shisheeyaha oo khatarta ku ah danaha qaranka.  Taasi waxay dhaxalsiisay in dowladdii Cabdiqaasim liifadda loo gaabiyo oo aan la taageerin ilaa wakhtigeedii dhamaaday, tii Cabdulahi Yuusufna jeegada la qabtay ayadoon mudadeedii dhamaysan.  Dhacdooyinkaasi waxay ka mid ahaayeen daraasooyin ummadda Soomaaliyeed ku socday oo lagu ogaaday heerka ay tayadoodu le’egtahay iyo sida ay u sahlantahay in majaraha loo qabto ayadoo la adeegsanayo qabyaalad,  laaluush, iyo caadaqaatayaal.

Habkii Shiikh Shariif madaxweynaha ku noqday 2009 kii wuxuu ahaa qorshe cusub oo ka turjumaya siyaasadda la magax baxday “qeex oo xukun – define and rule”.  Waxaa laguu qeexayaa habkii aad u noolaan lahayd (siyaasad, dhaqaale iyo dhaqanba) ayadoon loo aaba yeelayn rabitaanka shacabka iyo waxa shacabkaasi aaminsanyahay.  Waxaa laguu qeexayaa sida qabaa’ilku xukunka u qeybsanayaan iyo cidda yeelanaysa madaxde sare (madaxweynaha, wasiirka koowaad, iwm). Waa siyaasad salka ku haysa siyaasadii gumeysiga ee ahayd “qeybi oo xukun- divide and rule”.   Dowladaha ku halaagsamay siyaasaddaan waxaa ka mid ah dalka Lubnaan.  Shiikh Shariif wxuu ahaa nin la soo waariday oo mar qura siduu jabhad duurka ku jira u ahaa kursiga lagu fariisiyay.  Waxaynu xasuusannahay ihaanadii weyneyd ee wakiilkii Qaramada Midoobay (QM) Soomaliya u joogay xiligaa  Axmed Walad-Cabdallah uu u geystey dastuurka iyo golaha shacabkaba Soomaaliya asagoo adeegsanaya awooda beesha caalamka oo aynu ka dharagsannahay macnaheeda.  Shiikh Shariif oo ka duulaya qorshahii uu ku yimid ayaa Cumar Cabdirashiid u magacaabay wasiirka koowaad. Dowladoodii waxaa laga dhaxlay musuq maasuq, xatooyo, eex, khayaano qaran (dhul badeedkii oo la iibsado) iyo rajadii dowladnimo laga qabay oo sii fogaatay.

Maamulkii Xasan Shiikh iyo Damjadiid

Shiikh Shariif waxaa badalay Xasan Shiikh oo ay isku reer yihiin oo asaguna xukunka ku yimid siyaasadda qeex oo xukun.  Suurtagal ma ahayn in si kadis ah labo nin oo raas hoose isla ah ay kursiga isu baneeyaan. Wuxuu ahaa hindise ay ka soo shaqeeyeen dhaqaalana ku bixiyeen dowlado iyo canaasiir shisheeye. Sida aynu xasuusannahay, waxaa qorshahaas garwadeen ka ahaa wakiilkii xiligaa QM u joogay Soomaaliya Augustine Mahiga iyo mashruuciisii la magac baxay “Roadmap” oo salka ku hayay siyaasadii labad-ganleyda ahayd(dual track policy) iyo 4.5 oo ujeedadii laga lahaa ay ahayd in dalka loo qeybiyo qabaa’il iyo gobolo hoos taga dalka Itoobiya iyo Kenya.  Mahiga waxaa gacan yare u ahaa Cabdiwali Gaas oo gabagabadii dowladdii Shiikh Shariif ahaa wasiirka koowaad.  Qorshahaasi (Roadmap) wuxuu dhalay Xasan Shiikh iyo Damjadiid.  Afar sano oo Damjadiid ay hogaamineysay dowlad madax banaan oo beesha caalamku la garab taagneyd dhaqaale, khubaro iyo cudud milatari, ayay dalkii u horseeday dib-u-dhac aan horay u soo marin.  Waxaa jajuub lagu soo ceshay 4.5 oo ay grab socoto siyaasaddii lab ganleyda ahayd ee Washington.

Dambiyadii qaran dumiska ahaa ee Shiikh Shariif, Xasan Shiikh , Cumar Cabdirashiid iyo intii ay hoosta ku wateen ay dalka ka galeen, waxay mudnaayeen in lala xisaabtamo oo sharciga la horkeeno.  Taasi ma dhicin waayo sababta loo soo waariday ayagoon masuuliyadaa ehel u ahayn ayaa ahayd iney ka shaqeeyaan colaadda iyo dib-u-dhaca dalka ragaadiyay.  Markhaatina waxaa u ah xaaladda dalku ku jiro iyo inuusan marakan lahayn dowlad sharci ah oo dalkii ka talisa. Nasiib daro, hoog iyo haantoolay waxaa ah in Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Cumar Cabdirashiid iyo raggii dalka bohosha ku riday ay maanta u taaganyihiin iney xukunka dib ugu soo laabtaan ayagoo dabcan gacan ka helaya canaasiirtii shalay garab taagneyd. Waxaad arki doontaan, haddii aan ayaga dib loo soo celin in lagu badali doono kuwo la mid ah ama kaba sii liita, waayo ummaddii masiirkeeda ka tashan lahayd ma muuqato.  Eebe qoom isduleeyay duliga kama qaado ilaa ay naftooda isbadal ku sameeyaan.

Puntland iyo Damjadiid

Puntland intii ay soo jirtay waxaa loo yiqiin “madax-ka-nool” oo micnaheedu yahay xukuumaddu waxay ku shaqaysaa caqliga iyo rabitaanka madaxweynaha markaa xilka haya.  Golaha Shacabka Puntland waa magac u yaal, taya xumada shacabkuna waxay salka ku haysaa jahliga iyo qabyaaladda xun ee ummadda Soomaaliyeed dib u dhigay.  Puntland waxay awoodi kari la’dahay iney ka guurto nidaamkii lagu asaasay oo ku salaysan qabyaalad.  Sida dastuurkeedu qorayo, waxay ahayd xukuumadii ugu horaysay iney diyaariso habkii looga bixi lahaa nidaamkaan gaasirka ah.  Taasi ma dhicin waayo madaxweyne walba wxuu danihiisa ka dhex arkay qabyaaladda iyo cadaalad xumada.  Tayo xumadaas oo jirtay ayaa madaxdii Cabdiwali Gaas ka horaysay waxay caan ku ahaayd la xisaabtanka Villa Soomaaliya oo ku can baxday qabyaalad, musuq maasuq, fadhiidnimo iyo dibindaabyo.  Cabdiwali Gaas wuxuu la soo baxay siyaasad cusub oo labo waji leh.  Waji uu ku aflagaadeeyo mararka qarkood dibindaabyooyinka qaran dumiska ah ee laga soo abaabulo Villa Soomaaliya, iyo waji uu ku taageero dhammaan hagardaamooyinkaas oo ka turjumaya danaha Damjadiid iyo canaasiirta shisheeye ee ay gacan saarka la leeyihiin.  Arinkaan wuxuu aad u soo ifbaxay markii ay Damjadiid u biyo dhaansatay iney samayso maamulo gacan ku rimis ah oo aan dastuurka waafaqsaneyn iyo markii ay la gola timid nidaamkii ahaa 4.5.  Xukuumadda, golaha shacabka iyo shcabkuba Puntlandba waxay ku guuldaraysteen iney qaataan go’aamadii ku habboonaa in lagaga hortago hagardaamooyinkaa Damjadiid.  Si Puntland loo hoos keeno Damjadiid, Xasan Shiikh wuxuu si sharcidaro ah daaqada uga tuuray  Cabdi Saacid Shirdoon iyo Cabdiwali  Sh. Axmed, wuxuu dib u soo ceshay Cumar Cabdirashiid oo ku sifoobay daneyste aad u jilicsin.  Cumar wuxuu jaraha u qabtay dibindaabyooyinkii ay Saacid iyo Cabdiwali Axmed ay ka miigteen.

Damjadiid waxay carqaladaysay Jubaland oo aan wali ka soo kaban hagardaamooyinkii ay la beegsatay. Ayadoo la kaashanaysa Itoobiya ayay jajuub Shariif Sakiin uga dhigtay madaxa Koofur Galbeed. Sidoo kale ayadoo adeegsanaysa laaluush, qabyaalad iyo canaasiir shisheeye waxay jajuub ku magacowday Galmudug oo aan buuxin sharuudihii ay ku noqon lahayd dowlad gobaleed.  Tasi waxay dhashay colaad cusub iyo Galmudug oo u qeybsan saddex maamul oo ka kala amar qaata Dhuusamareeb, Cadaado iyo Garoowe.  Imminka oo wakhtigii dowlada federaalka uu dhamaaday ayaa Damjadiid waxay ku mashquulsanyihiin iney jajuub ku dhisaan maamul ka dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayadoo qabaa’ilkii deegamaadaas ay ka soo horjeedaan.

Gunaanad

Is dhiibka reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed ay isu dhiibeen Damjadiid waxaa sabab u ah saddex arimood – tayo xumada shacabka, faragalinta shisheeyaha iyo caadaqaatayaal arigti gaaban oo qaayahoodu uusan dhaafsiisneyn kursiga, lacagaha ay boobayaan iyo diyaaradaha ay ku gooshayaan.  Maahmaah ayaa micnaheedu ahaa “adigoo guri quraarad ah dagan, ha tuurin dhagax”.  Reer Puntland ayagoon hubsan barrinka ay fadhiyaan iyo nidaamka fadhiidka ah ee ay 18ka sano dhex fadhiyeen ayay bilaabeen iney Villa Soomaaliya tuuryeeyaan (Galmudug sharci maahan, 4.5 doonimaynu, iwm).  Dhagaxii ayaga ayuu dib ugu soo laabtay.   Reer Puntland waxay saameyn wax ku ool ah ku yeelan kari lahaayeen siyaasadda dalka haddii ay la soo gola-tagi lahaayeen nidaam dowli ah oo taya leh, ku dayashana mudan.  Duul buulkoodii hagaajin waayay cid kale wax uma hagaajin karaan.  Dadka siyaasadda xuuraamiya waxay cadeynayaan in Soomaaliya ay gashay marxalad adag, madaxda Soomaaliyana aysan xor ahayn talo badanna aan la weydiin.  Waxaa lagaga bixi karaa kacdoon lixaad leh oo dadweynuhu ka gadoodaan heeryada xun ee dusha ka saaran, kana xuroobaan qabyaaladda, fara galinta shisheeye iyo caada qaatayaasha.

Golaha Wacyigalinta iyo Horumarka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*