26th April 2024  admin  Category :

Guddiga Wadda Ceeldaahir Ceerigaabo oo ku baaqay in bulshadu dardargeliso howsha.

Guddiga iyo Howl-wadenada Mashruuca Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo ayaa ugu baaqay bulshada Reer Puntlnd iyo Shacabka iyo Ganacsatada Gobolkaasi Inay dardargeliyaan Soo dhamaystirka Lacaga Jidkaasi ‘si loo sii Amba-qaado dhamaystirka Laamiga Ee Daamurka Madow.

Guddigu Waxay booriyeen dadkii Fuddudayey Mashruucan iyo Cidwalba oo dhiirigelisay suurtagalnimadeeda’waxayna si gaara ula hadleen Ganacsatada iyo bulshada Gobolada (SBH) Sanaag’Bari Iyo Haylnd oo laga Rabo dhamaystir lacagihii Misaaniyada Waddada laga rabey Inay bixiyaan oo Weli wax kadhimanyihiin.

Mashruucan ayaa noqonaya Mid Tusaale iyo halbeeg Waxqabad ugu filan bulshada iyo Shacabka Walaalaha ah Ee Somaliyeed gaar ahaan Reer Puntlnd Inay yihiin Umad Iskufilan oo Waxwalba Iyagu isugu fiican hadiiba ay Iskuduubnadaan.

Dhinaca kale Warar hoose ayaa tibaaxaya In Madaxwenaha Puntlnd Socdaal dhulka ah ku kala bixindoono Maalmaha soo socda Jidka Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ‘ oo ay ka socoto Wejiga 2Aad Ee Dhismaha Waddadaasi.

Maxamed Axmed Ciise
Allsanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*