27th July 2024  admin  Category :

Mashaariic cusub oo la dhagac dhigay degmada Badhan

M’asuuliyiin kala duwan ayaa dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo Xabsiga magaalada Badhan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Dimuqraadiyada iyo Arimaha Federaal ka C/raxmaan Cabdi Ismaaciil , Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon , Gudoomiyaha Degmada Badhan C/risaaq Axmed Ciise , Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Col. Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isu Duwaha Wasaarada Caddaalada iyo Dhaqan Celinta Gobolka Sanaag Cumar Axmed Cali (Tahriib Diid) ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhismayaasha cusub oo uu maamulka degmadu fulinayo .

Qorshahan ayaa jawaab u ah codsi ka yimid bulshada in la kordhiyo dhismaha Xabsiga si loogu shaqayn karo loogana kaaftoomo maxaabiista gobolada kale loo qaadayo.
Dhismayaashan lagu kordhinayo xabsiga ayaa laga filayaa inuu xabsiga ka dhigi doono mid shaqeeya inkastoo uu weli u baahan yahay dhamaystir .

Maxamed Axmed Ciise
Source Xafiiska Gobolka Sanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*