28th March 2024  admin  Category :

 Guddiga dhismaha wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa kormeeray goobta ay shaqada ka socoto si ay u dardar geliyaan howsha dhismaha oo haatan meel aad u wanaagsan maraysa.

Gudoomiyaha guddiga fulinta mashruuca dhismaha wadada Ceel Daahir iyo Ceerigaabo Sheikh Cali Maxamuud Xasan ayaa sheegay kormeerkaan inuu qeyb  ka yahay kormeero joogto ah oo ay guddigu kula socdaan howsha dhismaha waddada islamarkaana ay ku dhiiri galinayan shaqaalaha iyo engineerada howsha gacanta ku haya.

Guddigu waxay sheegeen in haatan la dhameystiray waddo 45km oo loo diyaariyay in laami la saari taasooo ka bilaabanaysa Ceeldaahir oo dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan Bosaso ilaa iyo Midigale.

Wadadaan oo lagu dhisayo isku Tashi ayaa wajigeedu koowaad wuxuu qorshuhu yahay in la dhiso wado Laami ah oo dhererkeedu dhan yahay 90 km, oo ka bilaabanaysa Ceeldahir kuna eg magaalada Badhan. Wajiga labaadna uu ka bilaabanayo Badhan illaa iyo Ceerigaabo.

Guddiga ayaa baaq udiray dowladda federalka Soomaaliya, dowladda Puntland, shacbiga Soomaaliyeed, jaaliyaddaha dibada, hay’adda deeqaha bixiya iyo cid walba oo ka qeyb qaadanaysa dhameystirka wadadaan, oo halbowle u ah horumarka dalka Soomaliyeed.

Dhowaan, Guddiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dowladda Puntlad, waxayna u cadeeyeen inay waddada dhismaheedu marayo magaalada Middigale oo Ceeldaahir u jirta 50km, taas oo micnaheedu yahay  in waddada la dhamaystiray intii ugu adkayd dhulka, una baahnayd khibrad iyo dedaal dheeraadda.

Dhanka kale Gudddiga ayaa waxa ay Madaxweynaha Dawladda Puntland faah-faahin kasiiyeen qaabka loo waajihi doono dhismaha waddada wejiga labaad ee daamurka iyo jayga, iyagoona sheegay in waddada loo dhisidoona si casriya oo la midda kuwa ay hirgashadaan waddamada horumaray, sidoo kale guddigu waxay sheegeen in mashruucaan ay shaqo ka heleen 11 Engineer oo dhalinyaro muwaadiniin ah, si ay mustaqbalka u noqdaan xirfadlayaal looga faa’idaysto dhismayaasha wadooyinka.








Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*